Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links


Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
Xogsheeg
 
Maqaal: Ceeb Ma!ahan In Lays Dhaliilo laakin Dhaliisha Madaxweyne Shariif Ha-Ahaato Mid ka fog Mala!awaal! Posted to the Web Feb 07, 15:56


Dhibatada iyo amarka nagu dhacay wuxuu sii caga-cagaynayaa labaatan sano, dhibka na gaaray laguma soo koobi karo qoraal gaaban oo looga hadlayo sanadki ugu danbeeyay ee ina dhaafay,hadana sideedaba waxaa fiican in Ilaahey lagula shukriya nicmo iyo khayr haddii uu ku siiyo waayo iyada oo dhibtooyin fara badan Soomali iyo dhulkeedaba ku habsadeen ayaa haddana labaatankaas sano waxaa jiro khayr bdan oo ummaddeena ilaahey ugu deeqay.



Nimcadaas waxaa ka mid Soomali badan oo ku badbaaday meela badan oo dunida ka mid ah ,waxaa ka mid ah in weli nolol ka jirto waddankeena gudihiisa guud ahaan ,gaar ahaana ay nabad lagu naaleeyo  ka jirto goballa badan oo iyaga leh maamulo ku meel gaar ah oo ay dadka gobaladaas degan sameysteen ,waxaa ka mid ah in meel dhib ka jiro iyo meel nabad ka jirtaba ugu yaraan in ay qeyb ka mid ah ummaddeena heleen waxbarasho ,waxaa iyadana aanan naga go'in  xaga wax kala gadashada, isdhaafsiga iyo wax ka  dhoofinta dalkeena iyo keenistaba iyo isu socodka waddankeena dhaxdiisa guud ahaan, waxaa furan iyagana oo aynan shaqadooda istaagin hay'adihi caafimaadka iyo waxyaabo badan oo kale, nicmada ilaahey ina siiyay ma ahan mid la tira koobi karo.taana waa allah mahadiis .


Ilaaheyna ha naga dul qaado dhibatada aan gacmaheena ku abuurnay ,Ilaahyna ha na waafajiiyo noqoshada ummaddi gacanteeda ku bedasho dhibki ay abuureen qaar ka mid ah ummaddeena welina ay qaar kale u soo taagan yihiin ka bixid la'aanta dhibtaas.Aamiin.


Qoraalkan kama marno dhaliil iyo amaanba kolka aan ka hadlayno sanadki tegay maxaa inoo qabsoomay iyo maxaa innagga xumaaday,waxaan si aad ah isugu dayayaa in aan qoraalkayga ku soo kooba wixi nuxur ah oo aan isleeyahay waxaa laga yabee in ay ummaddeyda nafci u yihiin.



Qalinkan markaan kor u qaadayay waxaan dul joogsaday hadal uu madaxweynaha dalka Somaliya Shariif Shikh Axmed ku sheegay waraysi ay la yeelatay idaacada VOA ee ku hadasho afka-Soomaliga, su'aasha waxay ahayd tii ugu danbeysay ee wareysigaas, waxayna u dhacday sida tan. VOA: "een ugu danbayn sacadat Madaxweyne ,dhawaan sanadki Hijrigaa noo bilowday, een iminka waxaa ku soo xigay sanadki Milaadiga oo bil aan ka qabno, ummadda Soomalida ee ku dhagaysanayso maantay maxaad fariin u fareysaa oo aad is-leedahay ee sanadkani way haboon-tahay inay idinla-qabtaan ?


Mdaxweyne Shariif wuxuu yiri "dadka Somaaliyeed tageeradooda ayaan u baahanay , een waana hubnaa in ay na taageerayaan ,laakin waxaan rabnaa qofwalba wanaaga intuu ka qaban karo ow ka qabto,waxaana loo baahan yahay amnigi iyo nabadii iyo sharcigii iyo kala danbaynti in la soo celiyo si horumarka aduunka ow hiigsanaayo ow ku socdo aan u gaarno,een qof walbana in uusan yaraysanin dadaalkiisa ow is-weydiiyo dalkaada maxaa u tartay,yacnii inta badan waxaa lays weydiiyaa aniga dowlada maxay ii qabatay, laakin laysma weydiiyo maxaad la qabatay dowlada, maxaan dalkayga u qabtay,waxaan leeyahay qof walbow su'aashaas is hordhig"
"Somaali haddaan nahay in aan wax qabano nooma fududa, laakin in aan wax dhaliilno waa shay nalagu yaqaan" jumaladana waxay ahayd jawaab uu madaxweyna kaga jwaabay su'aaladihi kale ee la weydiiyay mid ka mid ah.


Waxaan soo qaadashada hadaladan uga gol leeyahay in usbuuci u horeeyay ee bishan Fabraayo iyo maalmihi u danbeeyay ay rag badan oo wax ka qoro arrimaha Somalida dhaliilo aanan loom meel dayin dusha kala dhaceen waxqabadki madaxweyne Shariif Sheikh Axmed  ee sanadki ina dhaafay iyaga oo aanan marnaba soo hadal qaadin xaaladaha kale ee waddankeena guud ahaan ka jiray.


Haddii aan wax ka soo xuso soona kooba dhalilahaas qaar ka mid .
Qoraa ayaa wuxuu yiri waxaan la kulmay oday waayeel ah ,wuxuu ii sheegay.
in madaxweynaha uu kala diray daraawishti ama ciidanki maxaakimta taana uu uga gol leeyahay in uu rabo in uu shaqada ka eryo wasiirka gudaha Shikh Cabdulqadir Cali Cumar. Wuxuu odayga ii sheegay in aanan la sii sheegin weerar ay qaadi rabaan ciidamadi dowlada oo ay taa sir ahaato.



Qoraakan dhaliilaha madaxweynaha toos uma-sheegin, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay, Nin odey ah oo si aad ah ula socda xaaladda Soomaaliya ayaan wax ka weydiiyey Madaxweyne Sheekh Shariif, cinwaanka qoraalkiisana wuxuu ahaa war suuq aan ku haboonayn in lagu yiraa nin laga qabo raja ah in uu dalkeena ku soo celiyo nabad iyo kala danbayn ,cinwaanka wuxuu ahaa "Shariif Mar Kasta Ma Qob Moosaa Laguu Dhigayaa". Odaygaas arrimaha Soomaliya sida fiican ula socda malaha madaxweyne kama hadlin haddii aad si hoose u sii dhuuxdo siduu qoraalkan u dhacayay ee wuxuu ka hadlayay nin aanan marnaba maskaxdiisa ku shaqayn,sidaa darteed anigaa waxaa is-weydiiyay war ninkan uu odaga ka hadlayay (waa madaxweynahee) ma jini ayaa ka kor hadlayay kolki uu idaacada VOA su'aladaheeda kaga jawaabayay jawaaba aad u raali geliyay cid walbo oo Somali ah markaan isaga imaano wax qabadkiisa ama wax qabad la'aantiisa, hadana waxaan is-iri arrinta sidaa maahan ee odayga cid kale ayuu qoraha hadalkaan qoray u!
 ga sheekeeyay  ee  malaha qorahaa ayaa wax isaga darsameen si qalad-ahna wax u soo tebiyay.


Qoraa kale ayaa isagana qalinkiisa qabsaday ,qoraagan wixiisa dhaliil waa dhaafeen ilayn wuxuu u istaagay olale loogu magacdaray (OLOLAHA” ISKA DIIDA SHEIKH SHARIF IYO WADAADADA BEENTA” OO BALAARTAY).
Qoraagan eryida shariifka  wuxuu saldhig uga dhigay hadalkan.



Somalida ayaa ku toostay sanad kadib doorashadii Sheikh Sharif loo doortay Madaxweynaha Soomaliya uu Sheikha xilkaasi uu ku adkaaday, waxaan moodnay doontii Nabi Nuux balse waa quusay, shaqo aan shaqadiisa aheen ayaa loo dhiibay, waxaa uu nagu noqday Daruur Madow . Haatanse waxaa loo baahanyahay Madaweyne awood leh oo dadkiisa ka badbaadiya marxaladdan qatarta ah, soo celin kara inta uu ku guuldareystay awoodina waayey Sheikh Sharif sida Amniga, soo celinta dadkii barakacay iyo adeegyada Bulshada .


Waxaan shaqsiyan la yaabay, isna leeyahay dad badan baa sidaada ula yaabay, Gurbiye xagee kala qaaday madaxweynaha ,haddiisa la eryo muxuu noo haayaa oo hadda gacanta ugu jiro ee lagu bedelaa ilayn shariif kursigeen kala imaan gurigi Aabihiis oo waa la eryi karaa ama waa la ridi karaa ,waxaan is weydiiyay in la eryo shariif ,ma wuxuu ka rabaa barlamaanka shariif madaxweynaha u yahay, misa wuxuu doonayaa in laysla eryo madaxweynaha iyo barlamaanka iyo wasiirka koowaadba ,haddii uu doonayo tan hore miyayna dhaliisha wax ku lahayn wasiirka kowaad iyo barlamaankaba misa waa wax ku gaar ah madaxweynaha oo qura ,haddii ay tan danba tahay, waxaan is-weydiiyay muxuu noo haayaa oo bedalayo haddii uu uu eryo afarti hay'adood ee dowladan ka kooban tahay.waxaa tan ka sii yaab badan Gurbiye ma rabyo xisbul islaam iyo shabaab midnaba, mana rabyo in uu wax ka dhiso dowladan tabarta yar ee hadda u taagan soo celinta dowladnimada Somaliyeed .ugu danbayn waxaan isweydiiyay Somaliyeey goormaan ka koraynaa mar walbo in aan u soo taagnaano gacan ku lahaashada burburinta dalkeena iyo u hanqal-taagida kursiga in uu ku fadhiisto ina adeerkeen haddii kale gaw iyo gash ma leh.


Sideedaba Dowlad iyo hay'ad walbaba waa in la helaa cid tilmaanto khaladkeeda, taa haddii la waayana waxaa ay horseedaysaa burbur ku yimaado dowladaas ama hay'adaas iyo dhibaatooyin badan oo laga dhaxlo burburkaas sidi ay horayba dalkeena uga dhacday burburki ku yimid dowladahi dalkeena ka  soo arrimiyay tan iyo markaan helnay xoriyadeena ilaa waqtigi kursiga laga tuuray allah ha u naxariistee Gen Maxamed Siyaad.


Shariif Shikh Axmed ma ahan geed meesha ka soo baxay ,mana ahan nin ka macsuum ah in uu ku dhaco khalad, kas how gala ama ha ahaato mid kaga dhacay si aanan ula kac ahayn. waxaa haboon haddii aad madaxweyne dhaliilayso in aad maanka ku hayso in aynan dhaliilahaada ahaanin mid caadifa ah salkana ku heyso neceyb aad shakhsiyan u qabto isaga, in shakhsiga aad dhaliilayso aadan ku diidanayn maslaxad kuu gaar ah oo aad ka arki-weysay maamulka uu shakhsigaas gacanta ku haayo , in aadan shakhsigaas ku diidanayn qabiil sida badanaaba caada inoo ah haddaan nahay Soomaali ,in aad dhaliisha aad u jeedinayso shakhsi kale oo mas'uul ah  ay ahaato mid wadato daliil maadi ah iyo cadeyma badan oo saldhig u noqon karo la xisaabtanka shakhsiga gefka lagu haysto.



Waxaa dhacday bilowgi sandaki hore in ay DMQ ku dhacday khalad aan isleeyahay wuxuu ahaa ula kac maadaama ay safxada Somalitalk.com si cad uga sii digtay in aanan khaladkaas lagu dhicin ,welina ay soo gudbisay farsamooyin looga kori in uu dhaco khalad noocaas ah ,waxaa dhacday in aanan dheg jalaq loo siin ,waxaa jirtay Somalitalk.com  in ay si cad oo maadi u dhaliishay DMQ khaladka ay ku dhacday ilaa  ugu danbayn uu wasiirka koowaad si cad idaacadaha uga sheegay in uu khaldkaas ka dhacay dhankooda wallow aynan  weli jirin wax tilaab cad ah oo laga qaaday arrintaas .waxaan aniga oo codkayga ku darsanaaayo dhamaan dadki ka hadlay arrintan DMQ u soo jeedinayaa in ay arrintaas u howlgasho si ay u saxdo khaladki ay ummadda Somaliyeed,dhulkeena iyo badeenaba ka gashay.



Arrintan waxaan u soo xusay in aan doonayo in aan ku iraahdo ninwalboo wax dhaliilayo, ha ahaato dhalishaada mid ku salaysan dhab iyo xaqiiqo ka hadal sidi ay yeeshay Somalitalk.com iyo maamulkeeda.


Sanadki tegay maxaa innagga xumaaday.


Sanadki tegay waxaa naga xumaaday in labadi gobal ee ugu nabad badnaa dalkeena uu mid waa Somaliland uu ka dhacay khilaaf ku salaysan xagga doorashada iyo amni daro ku siyaaday gobalka sool oo aan ilaa  hadda maaro loo helin af ka-qabashadiisa.



Mid kalana waa gobalka Puntland oo ay sanadki tegay ka jirtay nabad darro aad ugu baahday gobalka iyo dilal loo geysanayo mas'uuliinta gobalkaas iyo dadka berima-gaydada ah ,arrintaan iyadana ilaa haddeer looma helin qaab hagaagsan oo sabab u noqon karo ka hortago halka laga soo unko dhibaatooyinka gobalka lagu haayo iyo wax ka qabashada dadka ka danbeeyo abaabulka nabad daradaas gobalka puntland ka dhacayso.



Sanadki tegay waxaa  si cad u soo shaax baxay koox la magac baxday al Shabaab oo iyaga ku doodo in ay jihaad ugu jiraan ku dhaqanka iyo fulinta shareecada islaamka ee waddankeena laakin xaqiiqada ay tahay in kooxdan aynan meel kaga ekayn rasuulki Ilaahey nabi Moxamed nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee iyo risaaladiisi midnaba.



Waxaa iyagan Sanadki tegay soo baxay koox iyaga isku magacaabay Xisbil-islaam oo iyagan meel kaga ekayn rasuulki Ilaahey nabi Moxamed nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee iyo risaladiisi midnaba, kooxdan sidoo kale meel kagama eka kooxda kale al Shabaab oo iyaga si rasmiya ay u hogaamiyaan dad ajaanib ah ee dalkeena dana kale ka leh ,koxdan X.I iyaga taa waxaa u dheer fitnada dagaal ee dalkeena ka dhacday sanadki tegay bixitaanki xabashida keddib ilaa haddeerna socoto in iyaga dusha u dhiganayaan mas'uuliyaadisa maadaama uu dagaalka muqdisho ka socdo loogana soo horjeedo DMQ uu bilowday imaantinka Amiirka X.I Col Xasan Dahir Aweys keddib.



Sanaki tegay waxaa iyadana DMQ dadka ku aafeysay madafic aanan loo meel dayin oo cadawgooda iyo cadawga ummaddeena aan midnaba gaarsiin waxyeelo la taaban karo.madaafiicdaas xikmad la'aanta loo isticmaalay waxay dhib weyn u geysatay shacabka magaalada Muqdisho.


Sanadki tegay iyo maxaa inoo qabsoomay.


Sanadki tegay dalkeena waxaa ku soo kordhay xukuumadi lagu soo dhisay dalka jabuuti oo iyada si cad sanadkaas u muujisay in ay wax badan kaga duwan yihiin xukumadihi kala duwanaa ee dalkeena ka curtay keddib dhicitaanki xukuumadi Maxamed Siyaad Bare allah ha u naxariistee.



Waxyaabaha sanadki tegay nagu soo siyaaday waxaa ka mid in uu Madaxweyne ka yahay DMQ Sharif Shikh Axmed  oo isaga ah  hogaamiya  dhalin yar ,aad u degan ,wada tashi la sameeyo madaxda kale ee xukuumadiisa ,sidoo kale la tashi la sameeyoo indheergaratada Somaliyeed ,go'aankiisa mar walba uu yahay mid ku yimaado wada tashi iyo iska warheyn, waxaa kale oo ku guulaystay in uu sameeyo koox wada shaqayn ka dhaxayso, hadafka kulmiyana uu yahay dib u soo noolaynta hay'adaha maamulka Dowldeeni burburtay.



Shariif wuxuu ku guulastay dib u soo noolaynta xiriirka dowladeena dunida  inteeda kale kala dhaxeeyo ,taas iyada waxaa lagu helay daabeecad wanaaga iyo daacad u ahaanshaha fulinta wixi ay ummadda somaaliyeed u soo dooratay.



Sharif shikh Axmed wxuu amaan ku mutaystay tan iyo inti ay burburtay dowladeeni in uu noqday madaxweyna u horeeyaya oo aan ku tashan maleeshiyo beeleed ama sidaa doonto u dhehe maleeshiyo hogaamiya kooxeed leeyahay , Shariif wuxuu dib u soo nooleeyay dib u soo dhisda ciidamadi qalabka siday ee ummaddeena hadday ahaan lahaayeen Boolis amm Xooga dalka Somaliyee.



Madaxweynahan iyo dowladiisa qaladaadka ay ku dhaceen oo aad culus waxay ahaayeen korna aan horay ugu soo sheegay saxiixi xuduud badeedka nagala dhaxeeyo dalka Kenya iyo madaafic aynan ridooda ka dambayn wax xikmad ah maadaama aynan wax ka bedelayn dagaalki ay ku haayeen kooxaha caadaystay ka hortaga in dib loo soo nooleeyo dowladnimadi somaliyeed.



Madaxweynahan ay dowladiisa waxay sidoo kale noqdeen dowladi Somaliyeed ee ugu horeysay ee barlamaankeeda cod buuxo ku dhiibtay in dalkeena umuurihiisa lagu mareeyo shareecada Islamaka taasoo weliba aaduunweynaha kale aad u soo dhaweeyay.


Sidoo kale sanadki tegay waxaa nagu soo siyaaday wasiirka koowaad Cumar Cabdirashid oo isaga meela badan kaga eg madaweynhiisa Shariif sheikh axmed ,waa dhaliyaro, waa nin wada tashi ,waa nin aanan ahayn gooni u socod ,wasiirka koowaad waa nin ku dhiiran run ka hadalka ,markaan soo gaabiya labadan ninba waxay aad ugu eg-yihiin in ay ku guulaysanayaan dib u soo noolaynti dowladi Somaaliyeed taana waa mid ay ila qabaan Somaliweyn intooda badan iyo dowladaha aduunka oo dhan marka laga reebo Aritaree.
Sidoo kale Gudoomiyaha barlamaanka oo isaga hore u ahaa hogaamiya kooxeed waxaad moodaa in uu asiibay wanaaga,qunaanta iyo kartida ay la soo baxaeen madaxweyne Shariif Shikh Axmed iyo wasiirka kowaad Cumar Cabdirashid.


Talooyin.



Dadka inta idin ku dhalillayso khalad aad gasheen waa in aad qaadataan talooyinkooda iyo dhaliilaha ay idiin soo jeediyaan wax ka qabadkooda ,iyadana dadka idinku dhaliilayo dhaliil aannan asal alahyn, iyagana waa in aad dulqaadataan dhaliishooda ,jawaabna aad uga dhigtaan wax qabadkiina si cad oo muuqato lana dhihi karo xagey raggan kala qaadeen dowlada ka dhabaysay in ay dadkeeda ugu adeegto si wacan iyada oo weliba Somaliweyn oo dhan ogtahay druufaha jira ee aad ku hoos shaqeysaan.
Waxaan idinkula talinaynaa in aad ka dheeraataan degdeg idinka oo ka dhaqaaqaayo raalin-gelinta ummadda sidaanaa aad ku qaadaan dagaal aaanan si heer sare ah loo soo qorshayn cadowga ummaddeena iyo cadawgiinaba.
Waa in aad ummadda ka joojisaan madaafiicda sida indh-la'aanta ah aad ku tuurtaan shacabki aad balan qaadeen in aad u adeegaysaan tan iyo inti aad si cad ugu qaadaysaan weerar kama danbeys ah cadawga ummadda.
 Dad badan laga yaabaa in ay cadawga ummadda u arkaan oo kaliya Shabaab iyo X.Islaam oo kaliya ,cadawga ummadda waxaa ah cid walbo oo is hortaagto in ay Soomaliweyn dib u soo ceshato karaamadeedi iyo dowladnimadeedi.
Shariif Shikh Axmed ,Cumar Candirashid iyo Adan Madoobe waa koox ay kadhaxeyso wada shaqayn fiican ,taana waa guul hadaba waa in aan Ilaahey kula shukrinaa haddii ay maanta Somali hayso dad aan iyaga iska raaricin ,diyaarna u ah  in ay dib u soo nooleeyaan dowladnimadeena, sidaa darteed haddii aan nahay somaliweyn waa in aan ka faa'iidaysanaa fursadan, lana imaanaa u istaagida in aan raggan ku kaalmeyno sidi aan dib ugu soo noolayn lahayn dowladnimadeeni si wadajir ah. "Gacma Wada-Jir Ayey Wax Ku Gooyaan".07/02/2010.
 


Abdallah Moallim Mahamud
(Cadullahi Siyaasi).

From: Abdallah Moallim Mahamud (moallem10@hotmail.com)


10 Comment(s)

cabdiwaaxid   denmark

5:51pm on Thursday, May 27th, 2010

asc waxaanan fahmin shiikh shariif garkiisa aaway

caqli   muqdisho

12:13pm on Monday, February 15th, 2010

a/c
war meday midkaan dhahayo shariif wax buu qabtay entee wax kaqabtay shariif shar baa loo yaqanaa

hobyo man   NZ

11:16am on Sunday, February 14th, 2010

SHEEKAY KU NACAY SHARIIF MUXUU HAYAA WALBA MASXARA WAXAA SOO SAARAY ITIXAAT AYAGUNA WAXAY U QAYBSAMEEN BOQLAAN GROUP OO KALE DARAN MAXAA YEELAY WAXAA LAYIRI LABADII ISJECEL WAX ISKUGU DAR MARKA SADANADII AYAA ISKU DIRTAY WALIBA ITIXAAD WALIGOOD UMA AANAY MALAYN IN AY WADANKA XUKUMAYAAN LAAKIIN JAANIS AYEY HELEEN WAXAANA JIRA WADAMO BADAN OO XUKUNKA LAGA ILAALSHO MAXAA YEELAY WAA DAD SALFUDUD OO WAXAY JECEL YIHIIN DADKA DIIN UGA DHIGA WAXAY NECEB YIHIINA DADKA UGU SHEEGA GAALNIMO OO DIINTA LOOGA BAXAAYO MARKA WAA REERO INTEREST ITIXAAD WAXAY U QAYBSAMEEN MAXAAKIIM XISBI AWAYS ALSHABAAB RAASKAMBOONI RAASCOONOOLE JAMHATUL ISLAAM AL IXSAAN TAKFIIR TABLIIKH SALAFJADIID SALAFQADIIM AL ASLAAX AL KHURAANIYAH ITIXAAD AQWAANMUSLIM WARYAA SOO KOOBI KARA IYO KUWA KALE OO FARA BADAN MARKA TOOFIIKH MALEH SHARIIF KUWAAS AYUU MANHAJKOODA KU SOCDAA KUWA HADA MUCAARADKA KU AH KUMA UU DHACO IN UU DAGAAL KU KHAADO MAXAAYEELAY WAA XERIISA

Jamaal   Sweden

4:41am on Monday, February 8th, 2010

asc wr wb si fiican buu walaakeena uqorey waa mahadsan yahay. balse Haddan ujawaabo midka wata Wadani Uk, Wadani waa adiga ku hayaa ethuopia na heysata war umada beenta kadaa wadaado isheysta dheh oo dalkeenii soomali qabiil ku burburiyey waadna diideen inaad siisan fursad sheikh sheriif oo uhartey wax ka yar one year. Haddii dawlad waliba lasoo dhiso oo kumeel gaar ah uu wadaad shaati qabiil wata laimaanaya waa jihaadeynaa oo xabashi nasoo weerartay beentii hadda waa dhamaatey. Waxaa hada taagan wadaad kasoo horjeeda wadaad oo isleh midkanaa murtad ah iyo kaa ah murtad walee Alle idin ceebeeyay. Waxaa umada hortaagan waa al-shabab Alle meel xun hageeya aamiin.

Jamaal   Sweden

4:41am on Monday, February 8th, 2010

asc wr wb si fiican buu walaakeena uqorey waa mahadsan yahay. balse Haddan ujawaabo midka wata Wadani Uk, Wadani waa adiga ku hayaa ethuopia na heysata war umada beenta kadaa wadaado isheysta dheh oo dalkeenii soomali qabiil ku burburiyey waadna diideen inaad siisan fursad sheikh sheriif oo uhartey wax ka yar one year. Haddii dawlad waliba lasoo dhiso oo kumeel gaar ah uu wadaad shaati qabiil wata laimaanaya waa jihaadeynaa oo xabashi nasoo weerartay beentii hadda waa dhamaatey. Waxaa hada taagan wadaad kasoo horjeeda wadaad oo isleh midkanaa murtad ah iyo kaa ah murtad walee Alle idin ceebeeyay. Waxaa umada hortaagan waa al-shabab Alle meel xun hageeya aamiin.

Deeq   Suudaan

11:07pm on Sunday, February 7th, 2010

Si Fiican ayaa qoraagu wax u sharaxay laakin soomaalida waxaa caado u ah Madax la dhaliilo, shaydaana waa diideen, shariifna waa diideen, shabaabna waa diideen, meel ay u socdaan lama yaqaano.

Wadani   UK

8:45pm on Sunday, February 7th, 2010

Wax baad dhoodhoobeysaa runtana waad ka leexleexaneysaa. ogoow waxa ugu weyn ee madaxda somaliyeed kalsooni wadaninimo ku heli karaan waa ineysan hoos tegin itoobiya oo ay durbadiiba ka gudbaan oo ay toos u noqdaan heer caalami, taasna waxaa muujiyey nuur cadde illaa heer iyo weliba aan dhehee Cabdiqaasim. siyaasiga ugu horreeya ee hadalkiisa ku billaaba itoobiya faraha hakala baxdo carriga somaliyeed, kana dhabeeya ayaa soo celiyey sharaftii ummadda, dhallinta somaliyeed ee la isku jebinayana ka dhiga ciidanka xoogga dalka, ayadoon loo aabbayeelin ma shabaabaa mise waa maxkamad mise qabiil wey u guntanayaan difaaca sharafka ummadda. jaaniskaas wuu soo wada maray madaxda somaliyeed kabaqaad beyse wada noqdeen oo Meles baa farta ugu wada yeera oo weligii ku haminayey inuu ka dhigo somaliya kilin isaga hoos yimaada, mareykankuna ku taageersan yahay.
Xoogagga somaliyeed ee is-leynaya meel baa laga wada maamulaa oo la isku-miisaamaa hubkooda si ay isugu jabaan oo keliya.

Wadani   UK

8:44pm on Sunday, February 7th, 2010

Wax baad dhoodhoobeysaa runtana waad ka leexleexaneysaa. ogoow waxa ugu weyn ee madaxda somaliyeed kalsooni wadaninimo ku heli karaan waa ineysan hoos tegin itoobiya oo ay durbadiiba ka gudbaan oo ay toos u noqdaan heer caalami, taasna waxaa muujiyey nuur cadde illaa heer iyo weliba aan dhehee Cabdiqaasim. siyaasiga ugu horreeya ee hadalkiisa ku billaaba itoobiya faraha hakala baxdo carriga somaliyeed, kana dhabeeya ayaa soo celiyey sharaftii ummadda, dhallinta somaliyeed ee la isku jebinayana ka dhiga ciidanka xoogga dalka, ayadoon loo aabbayeelin ma shabaabaa mise waa maxkamad mise qabiil wey u guntanayaan difaaca sharafka ummadda. jaaniskaas wuu soo wada maray madaxda somaliyeed kabaqaad beyse wada noqdeen oo Meles baa farta ugu wada yeera oo weligii ku haminayey inuu ka dhigo somaliya kilin isaga hoos yimaada, mareykankuna ku taageersan yahay.
Xoogagga somaliyeed ee is-leynaya meel baa laga wada maamulaa oo la isku-miisaamaa hubkooda si ay isugu jabaan oo keliya.

qeriyo   sweden

8:37pm on Sunday, February 7th, 2010

Asc,walal si fiican ayaad isha oga riday waana kula qabaa arimahaa oo dhan, Ilaah ha ka dhigo gacal is urursyoo geesi wada kacayba gaar ahaan ulajeedado waajibkooda gutaan ayaan leeyahay

dfsfs   sdfsf

7:27pm on Sunday, February 7th, 2010

sfdsfds

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com

Sh Fuaad Shongole:: Waxey Leeyihiin Qanyare Waa Towbadkeenay, Qanyare Ma Ogolyahay in uu Ariga ii Raaco. Towbad Ma Leh ilaa uu Xoolaha noo Raaco. (Cod Xasaasi ah)

Al-CALLAAMAH
Sh Maxamed Macalin Xasan:
Alle ha u Naxariistee: oo Noo Fasiraya Aayadaha Soonka. Dhageysi Wacan.


Al-Callamah
Sh Shariif CabdiNuur:
Ciidamada Soo raaca gaalada Intii la dagaalankooda laga wareegsan karo halaga wareegto Fatwo dhaxalgal ah + Cod.


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Shariif iyo Ragiisa ka aqbali meyno Shareecada Islaamka!!!


Sh Aweys oo isqarxinta ka qaatay filimaanta Ruushka Is Qarxinta waxaan uga dayanaynaa Gaalada sida Japanka iyo Ruushka Khilaafka Kooxaha Islaamiyiinta Dhageyso Sh. Xasan Turki oo diiday Maamulka Kismaayo Khudbadii ciida fitriga 21-09-09 Dhageyso Khudbad Dhaxal gal ah
1aad| 2aad|

Nabad galyadu Waa laf dhabarka Nolasha
Sheikh Shariif iyo ragiisa
waa murtadiin gaalo ah.
Sheikh Xasan Turki

War midoowgii ka baxayeey waar kaanbooni baan ahayeey!
Sheikh Xasan Turki

garabka Asmara iyo Jabuuti dowlad islaam ah ma soo wadaan
Sheikh Xasan Turki

Inhacadde wax hub uu nasiiya ma jiraan, annagaa hubka siinay
Sheikh Xasan Turki

Annagaa Xilka u dhiibanay awoodna u maleh in uu wax saxiixo Sheikh Shariif.
Genaraalka iskii is dalacsiiyay Gen. Indha Cadde.