
Nin Soomaaliyeed oo ka ganacsan jiray wadanka Koonfur Afrika ayaa lagu Gubay Goobtiis ganacsiga asagoo dhax jiifa.
Ninkan oo meherad ganacsi kulahaa duleedka Magaalada cape town ayaa burdcad u dhalatay wadaankaas oo in mudda ahba dhac iyo dil ku haysay Xoogsatada Soomaaliyeed ay qabadsiyeen dukaankiisii dab xoogan oo galaaftay noolasha muwaadinkan Soomaaliyeed.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Muwaadin Soomaali ah lagu waxyeeleeyo Koonfur Afrka, waana dilkii labaad muddo 3 casho gudahood ah loogu geystay Soomaalida ku nool Wadankaas.
Soomalida oo ah dad iyagu isu xoog badan ayaan haba yaraatee iska celin dhibaatada ku haysata qurbaha, waxaana cadaatay in ninka soomaaliga uu qoriga wax ku yahay oo la'aantiis uusan wax iska dhicin karin.
sidoo kale Soomaalida ku Nool magaalada Qaahir ee Dalka Masar ayaa dhib badan kala kulma Burcad u dhalatay Suudaan iyo Masaar, waxayna ka furtaan waxa ay gacanta markaas ku haystaan iyagoo jug-jugeeya.
Waa dad aan haysan dowlad wax u qabata dalkoodiina gubay, waxaana la oran karaa dhibka soo gaaray iyagaa masuul ka ah, Gablan tala aduuneey maxay golba heer joogtay Soomaali ma saan baa u dambeysay?
sharif UK | 7:29pm on Sunday, March 7th, 2010 |
Qofka bini aadamka ah si uu uga fikiro nolol fiican iyo horumar waxaa u asal ah inuu marka hore heysto nabad iyo nolol maalmeedka.
cadawga somaliyeed labadaas inaan helno ayuu nagala dagaalamay si uu u hanto dhaxalkii ma guurtada ahaa ee wadankeenna, madax ku sheeggiina waxey noqdeen nin baahan baqti cun. War aan isdaba qabanno saan dan nooma ahee oo marka hore aan isqadarinno isu damqanno, isuna hiilinno magaciin jirye!
Gaal cadaan iyo madow ma leh, carab dulloobayna diin ma leh
sokeeye soor qaaday sed ma leh
horaa loo yiri "gardarro garbo og iyo gaajo guri og midna lagama kaco"
Somaligii isla qabka weynaa(dadkii horaa kasbaday)in la quursado qowmka jiraa ku gowracan (50 jir iyo wixii ka weyn).
Da' yarooy midooba, dalkiina iyo dadkiinaba u kaca: qeyb, heyb, iyo hanti gaara diida. |
piano_boy Location unknown | 6:53am on Friday, March 5th, 2010 |
marka hore ilaaheey ha u naxariisto marxuumka amiiin waxaaba iiga sii daran maanta ama beri amisom iyo alshabab madaafiic isku tuuraayo shacabkaana ku dhimanaayo kuwa dhulkooda jooga ajnabi aa dilaayo kii soo qaxay ajnabi aa dilaayo ninkii xukun rabo ajnabi uu wataa |
indhabuur u.s.a. | 12:13am on Friday, March 5th, 2010 |
walaalayaal tani waa musiibo aan gacmaheena ku kasbanay oo aan miraheedii guranayno la yaab iguma ahan inaan arko muwaadin soomaaliyeed oo la gubayo ama baangad qoorta looga goynayo maxaa yeelay hadii muwaadinkii soomaaliyeed aanuu wax karaama ah ama xuquuq ah gurigiisa ku lahayn oo caasimadiisii taas iyo mid ka darani ka taagan tahay oo maatadii iyo caruurtii madaafiic raashin looga dhigay oo al shabaab iyo dawlad ku sheeg ku hardamayaan ma boqolaalka qof ee muqdisho maalin kasta lagu xasuuqayaan umurugoonaa mise nin sauth africa lagu gubaan u damqanaa ma kuwa badaha ku dhamaanayaan u barooranaa waa yaabe soomaaliyeey [ nin gurigiisii cizi iyo sharaf ku waayay guri kale kama helayo ] ee soomaaliyeey is dabo qabo oo qabyaalada meel iska dhiga oo qaranimo u soo jeesta maba yeelaysaane maxaa yeelay waligay isma lahayn soomaalida qurbaha joogta ayaa qabiil qabiil u dagaalaya isu nacaya qabqable dagaal magac qabiil ku taageeraya laakiin [macal asaf] maanta indhahaygaan ku arkaa oo xataa dalkan maraykanka waxaad arkaysaa in lagu leeyahay makhaayadan reer hebel ayaa wax ka cuna ee teenii inakeen aan aadnee ama molkan waa kii reer hebel waa ayaandaro aan waligeen inaga hareyn bal maan sida qabiilka aan u jecelnahay soomaalinimada u jeclaano wadaniyada ujeclaano dalkeenii hooyo u jeclaano maan diinteena islaamka isku xaq dhawrno maya taas waa diidnay hadaba soomaaliyeey hadii aan wanaag oo dhan iska diidnay yaan nin la gubay loo calaacalin maxaa yeelay calankeenii buluga ahaa ayaan ucalaacali waynay dalkeenii barwaaqada badnaa ayaan cidina danaynaynin marka waa xaq in nala gubo nala qalo nala dhaco ilaa qiyaamuhu ka dhacayo byby |
NIN WALBAA QUMANE UK | 11:44pm on Thursday, March 4th, 2010 |
NINKAAN GUBAN MAGUBIN SOUTH AFRICKEE WAXAA GUBAY SOOMAALI OO HADA GUBOOWGII WAXAA BADALAY MADAX IN LAGALSHO FIRINTIJEER OO LOO BEEC GEEYO REERKII WIILKA DHALAY MARKUU WAAYAY MADAXIISI IN LAGA SIIYO MADAX FURASHO SUAAL WAA NAN RABI EE ITAQILAAHA KUWA MUSLINKA BENTA KASHEEGAYOOW |
Rayid Carro edeg | 11:24pm on Thursday, March 4th, 2010 |
Dadka soomaaliyeed hadii ay dalkoodii gubeen oo qabiil laysu cunay oo hada ay rabaan in xaafad xaafad u kala go een oo ayagii is naceen suaashu waa hadaad is nacdeen horta yaad rabtaan yaase idin raba ! Soomaalidu isma jecla cidna ma jecla dadka ay la noolyihiin ee caalamka waa adoon xunoo uraya waa gaal cad oo xun oo uraya waa carab xunoo basali ka soo urayso waa indho yar xunxunoo qurun ah yuhuud qurun ah marka soomaalidu waa dad la nool caalam ay col la yihiin iyo ayagoo col isu ah ciidoodana col la ah carro la joogana may arage waana dad dantooda guud u baabiiya dan shaqsi leeyahay ! Qarankiisa dumiyoow saxarahaa qof lugoo jalkiisii qubayoo cunihii wax qooyiyo qiilba waayey baa tahay wabillaahi towfiiq |
abul abaas alciraaqi muqdisho | 7:42pm on Thursday, March 4th, 2010 |
asc
dadka jogo wadamada caalamka sida wadamada gaalada ay kubadanyihiin
in ay lajihaadaan gaaladad si ay shahaado uqaataan
hadii kale bee been ha nigulagubo
war hooyo u istaaga jihaadka maanta meel walbo ayuu ka socdaa walaalayaa |
WADANI SOOMAALIYEED YURUB | 7:09pm on Thursday, March 4th, 2010 |
WAXAAN IDIIN SHEEGAYAA SAWIRKA HORTA WAA ASKARTII DAWLADII C/LAAHI YUUSUF EE INTA LAGUBAY WADOOYINKA MUQDISHO LAGU JII JIIDAY, MARKA WAXAAN IDIIN SHEEGAYAA SOOMAALI AYADAABA ISGUBEYSEE YAA U AABA YEELAYO? WAXAAN ISKU SAMEYNAY AYAA NALAGU SAMEYNAYAA MARKAAN QURBAHA JOOGNO, MARKA OGAADA IN WAXAAN OO DHAN ANAGA AAN KAMASUL NAHAY, WAR MARKA NIN WALAALKAA AH KUGU DIIN AH, KUGU AF AH, KUGU DHAQAN AH, DAWLADNIMO AYAAN RABNAA LEH AAD GUBTID AMA AAD QOORTA KAGOYSID MAXAAD FILAYSAA ADIGANA? CAKUYE DADKAAN DIINTII SIDA QALDAN U ISTICMAALAYA, ILLAAHAYOW DADKAAN NAGA QABO OO DALKEENA NABAD NOOGA DHIG. |
WADANI SOOMAALIYEED YURUB | 7:08pm on Thursday, March 4th, 2010 |
WAXAAN IDIIN SHEEGAYAA SAWIRKA HORTA WAA ASKARTII DAWLADII C/LAAHI YUUSUF EE INTA LAGUBAY WADOOYINKA MUQDISHO LAGU JII JIIDAY, MARKA WAXAAN IDIIN SHEEGAYAA SOOMAALI AYADAABA ISGUBEYSEE YAA U AABA YEELAYO? WAXAAN ISKU SAMEYNAY AYAA NALAGU SAMEYNAYAA MARKAAN QURBAHA JOOGNO, MARKA OGAADA IN WAXAAN OO DHAN ANAGA AAN KAMASUL NAHAY, WAR MARKA NIN WALAALKAA AH KUGU DIIN AH, KUGU AF AH, KUGU DHAQAN AH, DAWLADNIMO AYAAN RABNAA LEH AAD GUBTID AMA AAD QOORTA KAGOYSID MAXAAD FILAYSAA ADIGANA? CAKUYE DADKAAN DIINTII SIDA QALDAN U ISTICMAALAYA, ILLAAHAYOW DADKAAN NAGA QABO OO DALKEENA NABAD NOOGA DHIG. |
xasan Location unknown | 5:44pm on Thursday, March 4th, 2010 |
sawirka marka laga eego dacaska ka muuqda hareeraha maydka,waxaad moodaa ciidamadii soomaliyeed ee muqdisho lagu gubi jiray iyo rayidkii marka hadii ruux soomaali ah lagu gubayo laguna googooynayo dalkisa maxaad filaysaa gaal madoow in uu falayo.
nabar la filayay naxdin malaha,waxaanse goobjoog u ahaa dhacdooyin tan oo kala ah oo badan oo ka dhacay muqdisho. |
Naxdinbaa i dishay UK | 2:51pm on Thursday, March 4th, 2010 |
walaal waan idin salaamaya
walaalayaal sida wax u socdaan waad aragtaan Somaalina cid rabtaa oo dan ka lihi ma jorto hadii ay Carab tahay iyo haday African tahayba. waa layna nacay oo waxaa la arkay inaynaan dad jiraba ahayn markaa dadku waxaybay u fekeraan inaynu nolosja baniaadamkaba khatar ku nahay waayo waxaa la arkaa wax aynu inagu isku samaynayno ( Somalidu waxay ku maahmaagdaa nafba nafta ku xigta ayaa lagu eegaa) Soamali iyagaa is cunay cadaw iyaagaa isu jebay iyagaa ceebtooda jecel iyagaa caasiyay dalkooda iyaa ciidoodi gubay iyagaa calankoodi gaday iyagaa calkoodi jaray, maxay la caalaacalaan.
aduunku dheguhuu inaga furaystay waayo waa laynaga quustay oo waxaynu noqonay diri gaw ah oo aan waxba ka soo baxay waxaan ku raacsanahay suxufiga warkaan qoray marka uu yidhi Somalidu iyagaa isu xoog wayn dadka kalana iskama celiyaan, waxaa dhab ah oo aan caad saarnayn in Somalidu halka ay yaalan ay idhigeen ( hal waliba shilalka ay is dhigto ayaa lagu qalaa)
su'aashu waxa weeye maxaa imika inala gudboon miyaan tashanaa mise aduunyada ceebteena ayaan kala hadhaa oo waan iska dhaamaanaa ilayn meel kasta oo qof Soamali uu joogoo taas iyo wax la mid ah ama ka daran ayaa haystee.
wa BillaHi TawFiiq |
Wiil soomaali Yeman | 2:33pm on Thursday, March 4th, 2010 |
Runtii ayaan ugu mahad celinayaa gabarta sahro qiirada ku jirta iyo soomaalinimada ay muujisay, waan ooyay markaan aqriyay qoraalkeeda dheer, hala qaato talada gabartaas,
midda kale ninka edeynaya qora warkan waa nin xaqiiqda ka Fog waryaa 20 sano ayaad is cunayseen, haddana maalin kasta soomaalida Lama dilee waa la gubaa qaarna waa la cunaa malaysia imisa soomaali ah ayaa la dilay oo qaar sidii xoolaha loo cunay? |
Magacaygu wa mustafyare waxan joga soud africka | 2:31pm on Thursday, March 4th, 2010 |
Wa run soud africka ina ku dhibanahay balse dalkeni waxan uga so cararnay mid ta ka daran wa colad wa gajo soud africka waxan ka halnay ganacsi nolol qof walbana markay tedi imatay dhimanaysa inta kalana wan shaqaysanayna wayo hadan labto maxan qabana qoray man qadana dad man dila waxa idhanto intu dalku nabad noqdo inan iska jogo asc |
cabdi samad xassan malaysia uum kedah | 1:44pm on Thursday, March 4th, 2010 |
salaamulaahi calaykum salaan kadib waxaan rabaa in aan talo yar ku darsado maamulka webcan amaba wariyaha soo qoray warbixintan oo u hadlaya si qaldan waxaan rabaa in aan cabiro sida qaldan ee uu wax u fasiray oo ah in uu yiri somalida qurbaha waxba iskama celiyaan dalkoodiina iyagaa soo gubay taas waa qalad sida ay iila muuqato aniga waxan aaminsanahay in aan qurba xitaa hadii qori laguugu dhiibo aadan waxba iska celin karin xitaa dhulkaa kaa hiilinayo mida kale wariyaha warbixintan qoray hadalkiisa xitaa waxaa loo fasiran karaa in uu somalida liidayo amaba uu ku diganayo somalida southafrica oo uu uga baaqayo in ay wax qarbudaan taas oo dhalin karto in ganacsiga somalida uu fashilmo barqa cadna la biliqaysto waxaan ugu baaqayaa somalida southafrica in ay sabraan ilaahoodana baryaan mahadsanidiin |
suuban uk | 1:40pm on Thursday, March 4th, 2010 |
inaalilahi wa inaalihlaahu raajacuun ilahay ha u naxariisto masakiintan aan wax u dooda ama difaaca haysan, dsoomaliyay damiir ma lahidiin miyaa? war isku tashta oo dhulkiina nabadaysta asagaad dad ku tahiine. calool xumo uma dhimatan miyaa ilahoow idin soo hanuuni asaga idin abuurtaye walee cuqubo waad ka gasheen dadki masakiinta ahaa oon xabada haysan wadanki idiinka soo caraye intaad labo labo xabad isku haysateen soomali way dhamatay maalinba shaati in aad gashatan miyaad dan moodeen oo shacabki inti haray aad dhamaysaan war ilahay kuwa shacabka qaxiyay oo dhameeyay alaha naga qabto aamiin... wabilahi tawfiiq..
|
suuban uk | 1:37pm on Thursday, March 4th, 2010 |
inaalilahi wa inaalihlaahu raajacuun ilahay ha u naxariisto masakiintan aan wax u dooda ama difaaca haysan, dsoomaliyay damiir ma lahidiin miyaa? war isku tashta oo dhulkiina nabadaysta asagaad dad ku tahiine. calool xumo uma dhimatan miyaa ilahoow idin soo hanuuni asaga idin abuurtaye walee cuqubo waad ka gasheen dadki masakiinta ahaa oon xabada haysan wadanki idiinka soo caraye intaad labo labo xabad isku haysateen soomali way dhamatay maalinba shaati in aad gashatan miyaad dan moodeen oo shacabki inti haray aad dhamaysaan war ilahay kuwa shacabka qaxiyay oo dhameeyay alaha naga qabto aamiin... wabilahi tawfiiq..
|
Sharif kanada | 1:09pm on Thursday, March 4th, 2010 |
Meel kasto oo Somalidu joogta dhib ayaa lagu hayaa , waxaana leysku raacsan yahay 100% u sabab dowlo la'aanta , iyo dagaalka ka socda wadanka .
Awoowaheena waxaa oran jireen haddat aragto dhib aan dhamaaneyn oo weligaa xal gaari karin waxaa tilmaan u yahay diinta ayaa meel kaa qaldan .
Hadalkaas waxaa ku cad dhibka maanta ka jira dalkeen iyo dadkeena oo dhibka noqday wax taxana ah . Qof kasto waaka dharagsan yaha in Ilaah u yahay milkiilaha anduunka , wax kasto oo maamulo , marka xaggee laga keenay dad oo sheegto dhul an ayaga iska leh . Markasto waxaa la maqlaa in lagu dagaalamay dhul deeq iyo ceelal oo dad sheeganaayo . Dhulka iyo ceelasha aad sheeganeysid yaa dhaxal ku siiyay ? Xoolahii meesha biyaha ka cabi lahaa in loo diido .
Qof banii aadan waa dagaalami karaa si biyo u cabi lahaa , ilaakinse xawayaanka weli ma baran si qoryo qaato oo lagu dagaalamo .
Arrinta lamaad waa xukunka loo qeybsaday si loola tira badan , haddii Ilaah ku badiyey al xamdu dhex ee haku faanin maxaa yeelay Ilaaheygii ku abuuray oo ku badiyay haddana waa ku yaree karaa . Badnaashada cilmi kuma fadhiyo . Barwaaqadda Ilaah na siiyay aan ka faaideysano , ha leyska dhaafo lahaashadda oo tolka sheeganaayo . Waxaa hubaal ah haddaat noqotid qofka taageero lahaanshadda ama milkiilaha gaarka oo aad u maleysid in dhaxal loo siyay adigana dhib kaama foga .
Hadalkeega waxaan ku soo kooba hees oo heystay Lul Jeylani : QUR'AAKA OO LA QALAAFAY AYAA QASKAAN KEENAY ..... QABIL QATAR WAAYE QEYR MA KEENAAYO . |
sahra swedan | 12:17pm on Thursday, March 4th, 2010 |
anigoo aha hooyo somali waxaan aad uga xanunsada somali meelwalbay joogto dhibaatadeeda lakin tan koonfur afrika waa mid kaxun kuwaas oo dhan waayo marwalba waxaa dhagaheena ku soo badanaya oo ognahay dhibka haysta somalida kunool koonfur afrika maxay tahay sabtaas miyaaysan ahayn dadkaan afrikaa nala dhashay ilee waan ognahay inaanahay afrikan somali ma afrikana mise carab waaye su asheeydu waayo afrikana axsan nomasamayn carabna sidookale oo waan ognahay dadka somaliyeed ee aynu maqalno liibiya sida loogu galo magaranayo cidaa nahay ileen noolaguma naxariisto carbnimo noolagumanaxriisto afrikanimo marka kolay aniga waan kamid ahay somali dagan swedan 100/100 waxaan haysta amaan buuxo oo ankahelay swedan lakin waxaan leeyahay manihin carab manihin afrikaan waayo maxaa san dadkeena loogu galaya kuwaan waxaa no dhama dadka cadaanka oo ladaganahay oo noo daryeela binaaadimo darteed marka somalida waxaan kula talin hataginaku saan neftiina ucadabaya oo nanecab kajooga walalyaal wayo han arxan daro kuhaysto swedan waan kahajirilaha kahajira kuwa idin naceb waxba hakasamysanina wadamadooda waa liibiya iyo koonfur afrika cadawga koowad umadasomaliyeed magaranayo waxay cadwtanimada intaas lag ugu hayan somali oo ayduba isbabi isay intaa kufakarialay nin xunoo koonfur afrka inuu kugugubo gurigadaganay dhaxjoog xabada wadankaga taas ay lagayaqaan oo lagu aasi intii aadku dhiman lahayd ninxun oo libiyaana adigoo silsilad ugu xiran oo ku dhihilaha cabdo joog xabada somali kasocoto walalyaal waa igatalo anaga waxaan wadanka kasoo tagnay wadan koo nabad lakin adinka kafikara had waad cusub tihiin qurbaha qurbaha waa cadaw hadan helayo muqdisho nabada mafadhiyeen swedan barafkeeda aniga iyo caruurtayda waan guri laha waayo kumahaysto nolal shii anku haystay somaliya hilibkii macana canihi macana moskii macan ee faeeshka ha ala yaa nabd iiga dhiga somali bal ad argtaan waxa somali sooguri lahayd kuwa cafimad lanta ku haysa qurbaha oo laleeyahay waxaad ubaahantahay dna qorax ayaad ubahantahay kuwa dhibaatoyin maskaxda qaba oo islahadal kudhacy fadlan waxaas oo dhan waan ognahay caruuraha ku jirajeelashayurub iyo nored amerika walalayal taas waxaakadaran dadkaan nolashalagugubayo iyagoon waxba galabsan wartaga dhulkiini kunoqda xabada laydin dhama adoonka afkawen ee idgubayo somaliay anaga isku gaysanay dhibatada nahaysato ee anu xaar xaarano dhulkeena cidwalbay dhicaga dhiso oo isku imada waan wada dhalanay waalanahay muslibaan wadanahay plz adplz aan dhisano dhulkeena ilaahay waxaan kabaryaya in umada xaqa tuso oo somli gurigooda ku celiyo waan daycanahay meel walba oo calamka ariborada calmka hada maagto diyaad karac waxd arki hooyo ilmo lahababeyso waasomali intaas ay ku sookobaya fariin tayda aan u dirayo dadka soliyeed gaar ahn somlida koonfur afrika iyo liibiya byyyyyyyy
|