
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Nabad ilaalinta ee Amisom ayaa saaka soo buux dhaafiyay Cibtilalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho kuwaasoo fariisin cusub ka sameystay halkaas.
Dadweynaha ku nool Agagaarka Digfeer ayaa lagu wargaliyay in mudo kooban ay dhaq-dhaqaaqa joojiyaan islamarkaana ay isdajiyaan.
Lama garan karo in Ciidamada Amisom ay si rasmi ah usii joogi doonaan Cisbitalka Digfeer iyo in arrintu tahay dhoola tus kaliya.
Xarunta Cisbitalka Digfeer ayey horay ugu sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowlada KMG waana meel xuduud u ah Ciidamada Dowlada iyo Kooxaha islaamiyiinta ee Nabada iyo Dowladnimada diidan.
Saabir xamar | 9:21am on Sunday, March 7th, 2010 |
Bismilaah
Caqil wad ku mahadsantahay isku daygada ku dhisan arin aan ka afeeftay oo ah in aqoon an sugneyn wax lagu bineeyo ama lagu dhiso.
Waxad shegtay gaalada amisom in ay yihiin kuwo badil ku heshiyay haddana waxad ledahay dowlad islami ba la heshisay adigoo sii raciyaya sow dowlada gaalo lama heshiin karto adigoo sii raaciyay gaalada dowlada la heshiisay malala dagaalami dagaali karaa haddana waxad isku dayday in aad mas,aladas xaliso adigoo ciirsaday halka ugu habon oo ah diinta islaamka adigoo noo sheegaya in nabiga salalahu cleyhi wasalam inuu gaalo heshiis la galay.
Arintan ah in nabiga gaalo heshiis la galay in badan baa lasoo qaataa gaar ahaan heshiiski xudeybiya uu la galay kufaartii qureysh oo runtii wax dheef badan lahaa dhanka kalena arimo culeskoda leh ku jireen laakin markastaba waxyiga oo xaga rabi ka imanaya waa in wanagyada la xasiliyo xumaantana laga hortago arinkana si kastaba hakuula cuslaade waa in la qaata.
Heshiiskas wadciga hadda jiro looma soo qaadan karo eeg gaalada hadda joogta Somalia qaabkee beey ku joogaan haddii aad tiraahdid sharci caalami ah ayeey ku joogaan oo aad ula jeedo UNka ayaa u ogalaaday marka hore sharci caalami marka aad magasho waa diin caalami oo sharci waa diin sidaa daradeed diinta islaamka uunbaan u aqoonsanahay in aay tahay sharciga caalami ah UNkana ama qaramada midoobay waxa lagu dhaqaaa sharci aay iyagu dagsadeen diin islaamka halkaa lagama ogola..
Ugu danbeyn waxad tiri gaalada wadankena xooga ku joogta mala weerari karaa,haddii aad ogaatay in aaysan dowladda xaq u leheyn sharciga islaamkana u ogoleyn in aaysan gaaladan oo kale heshiiska noocaan ah la geli Karin waad garatay ayaan filayaa in weraarari karayo in aaysan banaanyen., marka gaalo heshiid lala gelayo waa lakala qaadayaa nooca gaalada iyo nooca heshiiska sidaas daraaded nooca gaaladan oo ah kuwo hubeysan oo dowladda ka xoga badan iyo ujeedada heshiiska lagula yahay oo ah in aay dad muslimiin ah oo dowladan diidan laayaan labadaba waa xaaraan.
Walaahu aclam.
|
CAQIL muqdisho | 5:54am on Sunday, March 7th, 2010 |
BISMILAAH
Aniga waxaaan leyahay sabir fikirkaga maxuma lakin amison waa dowlad nadam ku hishisay haba ahadee badil marka dowlad islamiya hadii aay la hishiso dowlad galo ah islamku ma xu kaqaba? midakale waxan leyahay raga ka so horjeda dowlada mawaxa u banan in ay la dagalaman galada hada ku sugan somaliya? sida aan arkeno dowlada somaliya ayaa mu'cahado lagashay waad na ogtihin subanaha nnk in uu diyo kabixiyay galo ladilay |
nmk xamar | 10:49am on Saturday, March 6th, 2010 |
bismilaah.
runtii waxan jeclaan lahaa in laga jawaabo su,aalaha saabir oo nuxur badan xambaarsan xitaa qoraha maqaalka kama baxsana inuu ka jawaabo.
qofka la baxay aragsan waxa fiican in aad marka hore ka jawaabto su,aalaha saabir na weydiiyay oo uu gaar ahaan u weydiiyay kuwa adigoo kale ah ee iska taageera gaalada isla markana garaneyn sababta aay ku taageren.
arag xun baad tahay ee aragsan maahid bal eeg waxad tiri in aay is fidiyaan oo aay dharbaaxo ku dhuftaan oo yeey ku dhufanayaan ma wiilasha somaliyed haddii aad ku nacday shabaab in aay wax dilaan? sow galaadanba dadka ma laayaan? muxuuuse yahay waxa aad ku necebtahay shabaab oo aad ku jeceshahay in aay gaaladan dal qabsato?
|
argsaan uk | 9:12am on Saturday, March 6th, 2010 |
anigaa waxaan qaba in amisom sii aad isku fidiyaan si aay dharbaaxo ugu dhiftaan nabaad diidka somaliya |
NIN WALBAA QUMANE UK | 12:58am on Saturday, March 6th, 2010 |
DAANKI DAGADA YAALA IYO DAYNIILE DADKA LAGU QALAAYO GABDHAHA AGOONTA AHNA QASAB AFQANISTAANKA LOOGU XAREEYO WAXAAN DHIHI LAHAA SH SHARIIF SHACABKA MUZALZALKA KAJOOJI AMA UMADA MUNAAFAQIINTA KADUL QAAD ASCWRWB |
mujahid sudan | 8:21pm on Friday, March 5th, 2010 |
ilahay amisom iyo waxay wado hanaga qabto |
Saabir xamar | 4:31pm on Friday, March 5th, 2010 |
Asalamu caleykum waraxmatulahi.
Illaah baa mahad iska leh xaqa iyo baadilka cadowga iyo walaalka inoo kala cadeeyay.
Marka xiga waxa xaqiiq ah in aay jiraan dad Somali ah oo ku doodaya in gaaladan loo magac qurxiyay ee amisom loogu magac daray in aay dowlad inoo waardiyeynayaan oo isbitaal inoo fureen oo dadka inoo daweynayaan oo danteena halkan u jogaan!!!.
Dadka sidaas aaminsan ha isku dayeen in aay su,aalahan ka jawaabaan
1 goormee bilaabatay in gaalo dan muslim naf iyo maal ku bixiso?
2 maxay inoogu imaan waayeen oo inooga qaban waayen xogamiye koxedyadii?
3 sida dad badan yirahdan haddi Somali heshiso wey baxayan waa maxay danta ugu jirto in Somali heshiso?
4 gaaladan madow yeey wakiil ka yihiin?
5 dowlada aay ilaalinayan maxay ka helayaan ilaalinteda?
6 wax kastaba ha u yimadene dhib weyn beey inoo geysteen makuu muqdaa wanag xagoda aan helnay haba yaradee?
Ugu danbeyn haku deg degin in aad gaaladan eed la,aan ka dhigto oo aad difaacdo illeeheyna uga baq in aad wax aadan xog ogaal u aheyn ka faaloto.
Walaahu aclam
|
Ma huran buula baray | 10:28am on Friday, March 5th, 2010 |
Walal maku tagersani wayo labododa isma dilayan e shacabka layenay ugu tala galen waxayna qandaras ka haystan yahud iyo re galbedka somali hadanhay ilahan lenahay ilah hanaga qabto |