Hogaamiyaha Xisbul islaam Sh Xaan Daahir Aweys ayaa maanta salaadii jimcaha kadib ka tuurtay Masjidka Abuu hureyra ee Magaalada Muqdisho.
Hadalada Sh Aweys ayaa ahaa kuwa cad-cad oo uu si xun ugu weeraray Sh Xasan Turki oo haatan ka tirsan Al-Shabaab islamarkaana ku difaacay Sh Axmed Madoobe.
Sh Aweys ayaa tilmaamay in Sh Xasan Turki ahaa ragii wax ka aasaasay xisbul islaam balse arrinta uu ku kacay ee ah ku biirista Al-Shabaab aysan aheyn wax wanaagan waa sida uu hadalka u dhigay.
Sh Aweys ayaa sheegay in Xasan Turki uu ka baxay balantii uu kula jiray Xisbul islaam iyo doorashada uu doortay Al-Shabaab ay tahay in Shabaabku ka tira iyo awood badan yihiin Xisbul islaam.
Sidoo kale Sh Aweys ayaa aad u dhaleeceeyay kuna tilmaamay wax ceeb ah oo uusan nin weyni ku kicin in Xasan Turki uusan arrintaas kala tashan tolkiisa iyo ururkiisa gaar ahaan seedigiisa Axmed Madoobe.
Hadalada Sh Aweys ayaa ahaa kuwa uusan waxba ugu reeban Xasan Turki oo dadka qaarkiis ay u arkeen kuwa ka baxsan anshaxa siyaasada.
Dhanka kale Sh Aweys ayaa difaacay Sh Axmed Madoobe, qirayna in wadaadkaas uu ka tirsan yahay ururkooda, asagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal maanta ka soo baxay Farxaan Cabdi Cilmooge oo Xisbul islaam u qaabilsan Gobolka Gedo kaasoo sheegay in Sh Axmed Madoobe uusan ka tirsaneyn Xisbul islaam.
Sh Aweys ayaa badda ku shubay gaalnimada ay Shabaabku ku xukumeen Axmed Madoobe, wuxuuna sheegay in Shabaabku ay laf cad toobin ku hayaan oo aysan wax xujo ah u keeni waayeen gaalaysiintaas.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee Sh Xasan Daahir uu si aan labac-labac ku jirin uga hadlo hagardaamada ay Shabaabku ku wadaan xisbigiisa.
Wixii la sugaaba waa jawaabta ay Shabaabku ka bixiyaan kartida iyo kalsoonida uu maanta la soo baxay Sh Aweys.
Abdi Ali Burao | 4:13pm on Sunday, June 6th, 2010 |
waxa rajaynyaa in Alaah subxaana watacaala uu soo qaban doono najiska xun ee isku Sheegay Sh Xasan Daahri waanuu Gaaloobay mujaahidiintuna qoortay ayey ka jari doonaan wuxuuna galayaa naarta ugu xun aakhiro waa laciin dulli ah oo aan la aqoon wuxuu raadinayo. |
caraale dolow | 11:23pm on Sunday, March 7th, 2010 |
horta waxaan ka xumahay wadaadkaani 80jirka waxuu ku hadlaya waa nin xiishoonin bal eega taa ma haboona tahay hadalka war anaga haddii an nahay qabiilka ogaadeen/absame xor ayaan u nahay mowqifkeena iyo aayatiinkiina |
Sunni Lu'anda Angola | 8:30pm on Sunday, March 7th, 2010 |
odoyadaan maxay iska canaananayaan meel xun ayey ku dambeyn doonane war ama alshabab noqda ama xisbul sheydaan meel la idinku cafinayo maleh oo seefda culumaa'udiinka ahlusunna waljameca waa ay idin korsaaran tahay ee saas ula socda nin ayaan arkayey yiri xasanow ahlusunna u tag walal libaax gaajeysan oo hilib raadinaya la iskuma loogo baalootooyinka ahlusunna waxaa ku qoran khaarij ama ha weynaado ama hayaraado waa lagu qaboojinayaa xasan waa kuwa ugu daran ee ay doonayaan mujaahidiinta ahlusunna waljameca. |
DARWIISH Boosaaso | 11:09am on Sunday, March 7th, 2010 |
Odaygan dulliga ah markii hore shabaab raja asaa uyeelay hadana waa kan dulliyahow waxaan sugnaba waa adoo kaniisada ASMARA wadaad ka`ah dulli |
ali somali Ireland/Dublin | 9:33am on Sunday, March 7th, 2010 |
HASSAN DAHIROW MAANTA MEEL AAD KU FAKANEEYSO MA JIRTA EE ISKAAGA CARAR SOMALIA INTEEY GOORI GOOR TAHAY OO KHAWAARIJTA KA BAXSAN MEEYSID HADDI AAD KA BAXSATO MAREEYKANKA KA BAXSAN MEEYSID WAXAASNA WAXAA KUUGU WACAN XUKUN DOONIMADAADA SOO JIITAMEEYSAY KA SOO BILAW 1991 ILAA HADDA TAN KALE CARUURTAADA GEEYSAY DIBADDA MADFACNA LA DHACEEYSO SHACABKA WAADNA BARAKICISAY SHACABKA EE MAXAAD ISKAAGA JOOGI WEYDAY ASMARA SI AY UMMADDA NABAD U HESHO ADIGANA ISKAGA SII RAAXEEYSTO ASMARA LAAKINSA MAANTA SUAASHU WAA OO KALIYA YAA KU DILAYO OO MA DOWLADDAA KU DILEEYSO MISA KHAWAARIJTA KULEEY WAA LAGU DILAA OO TAASI SUAAL KAMA TAAGNEE |
piano Location unknown | 4:27am on Sunday, March 7th, 2010 |
nimankaan cimaamadaha la ordaayo iyo dowladaan fadhiidka eh kuli shacabkee dilaan habro camal waxaan dhahaa waxeey dheheen looma baahna hala heshiiyo may soo maaha seey aheed hala isku dagaalo shabab bin ladin ha keensadaan shariif meles ha wacdo xasan aweys eritrea ha u wacdo kala baxa isjiijiid meyku jiraayaaan shacabka |
HUBUROW BAYDHABO | 12:44am on Sunday, March 7th, 2010 |
ASKUM FAANOOLE FARI KAMA QODNA YAABA KU GAARAY XASAN CAKARO WAXAN KAA SUGAABA WAA ADIGOO ASAMARA U CARARA AMA SHARIIF BAALASHLE U NOQDA ILAYN JAGO KALE MAHARINE WAABA HADII AAD NAF KU GARTO INTAAS OO AYSAN KHAWARIJTAAN KU DILIN WAXANA HORAY ILAAHAY UGA BARINAY IN UU KUUGU SALIDO WAX,AADAN KA HARSAN KANA HOYAN SIDA AAD NABADII U LAASHAY HOYASHADA KAAGA LAALA AAMIIN |
moha U S A | 9:44pm on Saturday, March 6th, 2010 |
SOMALI SWEEDEN I KNOW U THE ONE CALLING HIMSELF WIIL HAWIYE AND THAT WHAT U AND UR GRAND PARENTS LEARN FROM THE JEW TO PRETEND U R WHAT U NOT IN ORDER TO EMBRASE OTHER PARTY BUT REMEMBER WE R IN 2010 TOO LATE FOR THAT WEAK STRATEGY SORRY. |
ahmed qataatoow sweden | 1:13pm on Saturday, March 6th, 2010 |
Assalaamu Caleykum walaalayaal
waxaa nasiib daro ah in shekh weyn oo caan ah u dhamaado kursi doon aduun raadis waa qaatimo xumo walaahi ee xasan shumacoow qaatimada hagaajiso kursi kaa dheer runtii.
waad aragtiin in xisbul islaam kuwa la dhabaxay kala carareen wayna dhamaadeen sidii shumaciiii
marka xasan shumacoow gabalkaadi dhamaaa |
Saciid Kenya | 12:46pm on Saturday, March 6th, 2010 |
Is'eedeenta odayaasha iyo is'ugaarsiga kadhax dilaacay kuwaan ee shacabka soomaaliyeed uyaqaanaan khawaarijta waa cuqubo bilaawgeed meeshi ee mareen hogaamiyo kooxeedyadii ayee mari doonaan mardhaw isha Allaah runti amni darida dalka waxaa wada xayawaanada lagu adeegto ee lamagac baxay shabaab xisbu-sheydhaan waxee baneesteen dhiig muslimiinta oo ilaaheey uu xarimay in xaqdaro lagu daadiyo ilaahoow dalka oo nabad ah natusi soomaali wee dhibaatotee |
Awdal Star Borama | 10:44am on Saturday, March 6th, 2010 |
Xasan waa nin waalan oo kolba gidaar jiidhaaya xakuumada Somaliya hada masoo gali karo loomana baahna waayo waa dambiile qaran al-shabaabna wax ku falimayso oo Erritheria ayuu basaas u yahay iyo Yahuudnimo ayuu la hoos carayaa Somalida ee cisho dhaw waa maraqiisa hadii aanunba u dhiman ciil iyo murugada hadii kale waxa uu leeyahay dhako mayd dhawaan |
Anonymous Location unknown | 9:10am on Saturday, March 6th, 2010 |
shekh aweys ceebmalaha waa kursi raadislaakiin in uu dadkudilo ayaa fiicneyn inuu ithiopia dido iyo waxay wadato waasax laakiin in uu sharifka galeysyo meesha kuma jirto inuu tolkiis kuxirnaado ma xuma laakiin soomalina wuu kadhashy yuukufagaan waana in uu aqligu shaqeeyaan oo uu dilku shaqeyn
|
runsheeg1 muqadishow | 8:00am on Saturday, March 6th, 2010 |
asc waxaan hadalkeyga ku bilabaya hees xasan adan qaday tolow ma oday aweys miyuu u qaday mase c/qasim mase naftiisa doqoney debkaa ba,a waxaa kalo jirta mah maah dheheyso god sireed ha qodin hadaa qodina hadheereyn ku dhici doonta lama ogee maanta inaad afka mugii yeerta wad muteysatay ilaahna ha ku zaa,idiyo cadabta aduun tan aqirana wey ku sugee xasan turki adaa keenay xamar ajanibtana adaa keenay adigoo xoog ka radsanayo xasan turkii isaaq siduu u galay waad ogeyd asagoo ku fanayo awooda siyad bare mantana hargeyso ma tegi karo adigana waxaad turki u so wadatay inuu kua xasuuqo dadka xamar dega ila iyo hada waxaad uga daba ooynee mahan diin ee waxa waye kalay ila xasuuq ajanibta iyo godane adaa so gelisay xamar godane ka aqli badanmarkan ka sheekeyo godane qoladiisa wa arab gumey jireen isaaqa hadana maanta ma xasuqayo isaaq iney nabad ku noladan buu rabaa oo waxaa uga daran cadawga kale an kala jecley ma arab baa mase waa habar awal adiga intaa waad gara weysay waxaadba ku xasuuqi kii dadka ku xigay waxna ku geysan abad turki wuxu ka yimid etopia wuna u naqan adna guriceel lakiin turki horta waa inuu kugu dilaa guriceel kadib etopia ha adee wana nasiib daradi ku gartay iyo godkii dheera aaad qoday kkkkk |
dhasha cabddalle iyo cawareere wardhiigley | 7:16am on Saturday, March 6th, 2010 |
saaxiib xassan daahir koley talo waa kugu cakirantahay ee aan talo ku siiyo waa inaad aad aadaa culamada ahlusunno oo hada gacanta ku haya deegaanka ku dhalatay waa aragtaa sida beesha ceer ahlusuno u noqdeen marka kuwaan qawaarijkaa u gooy adeer |
axmed canada | 3:41am on Saturday, March 6th, 2010 |
qoloda sedexad, kalmadii ugu fiicneyd ee aan ka maqlo waxay aheyd nagala siyaasad badan, nagala sanco badan sidaa darteed sooma haboona inaan is dhiibno! sababtana aan sii raaciyo qoloda aan isku taagtaageyno waxay leedahay dhaqan, dhaqankaas oo ah iney isa saxaan, u fiirso ayagaa Africka qabsadey, adoonsadey, dadka ka beecmucsharey, ayaagaa hadana xoreeyey, dhisay,hadana garabtaagan,
maraka wiilka ka yimid Masar ee usoo gurmadey dadka somaliyeed ee waqtigaas lagu soo xadgudbey, waxaa haboon in si cad loogu sheego anagu mareykan cadaw nooma aha, kirishtan cadaw nooma aha, U.N cadaw nooma aha, ma rabno iney cadaw noo noqdaan, waa ilmo aadam sidaa darteed waa walaalahayaga, hadii kale halagu sasabo dhiiga iyo silica bulshada somaliyeed ama hana dhafaan kuwa mujaahidka sheegta somaliya jihaad ma yaalo. |
axmed canada | 3:12am on Saturday, March 6th, 2010 |
Erayada hadaad si quman isku raacraacsiiso waxaa kuu soo baxaya sawir fasiix ah, ila fiiri aqristow sedexdan qolo anoon magacooda sheegin
qoloda kowaad. cirkey ka keenaan dab reer iska casheynayo bey baabi'iyaan, dhulkey ka keenaan bahal, balad dhan bey qaxiyeen, reero dhan bey baabi'iyeen, waa kaa badan yahay, waa kaa buuranyahay,wax walbana waa kaa badiyaa, sida kaliya ee looga badbaadi karo waa inaad barido ama baladkiisa aado.
qoloda labaad. dhulkey bom ku asaan, qalbigeyba baartaan, kii loo bogi waayana waaba ay bireeyaan, xakuuqa bulshana, barako beyba u yaqaanaan, waa kaa bartey waana kaa badiyaa, sida kaliya ee looga badbaadi karana waa inaad ka baxsataa, ama ku biirtaa.
qolodasedexaad. qolodan waan ka gaabsadey cabsi darteed. |
soomaali sweden | 3:10am on Saturday, March 6th, 2010 |
wiil hawiye, sxb af soomaali maad iska soo qortid waayo waxad israacisay kalmado naxwaha afka ingiriiska aan israaci karin sida sh hasan (magac) he(magac uyaal)
waa talo iyo inaadan dhulka kujiidin mardanbe magaca reerkaaga, oo aysan oran reeraha kale waa kuwaa hawiyihii haddana afkii qalaad bililiqeystay
hahahahah |
soomaali sweden | 3:08am on Saturday, March 6th, 2010 |
wiil hawiye, sxb af soomaali maad iska soo qortid waayo waxad israacisay kalmado naxwaha afka ingiriiska aan israaci karin sida she hasan (magac) he(magac uyaal)
waa talo iyo inaadan dhulka kujiidin mardanbe magaca reerkaaga, oo aysan oran reeraha kale waa kuwaa hawiyihii haddana afkii qalaad bililiqeystay
hahahahah |
fahma uk | 12:52am on Saturday, March 6th, 2010 |
labadan wadaad ee horboodaya dhlinta yar ,waxad mooda in jahwreer ay galeen , jahwreerkaas waxaa ugu wacan dhiiga muslima ay banysteen iyagoo markii hore isku raaci dariiq khalad ah say dontaana u fasirtay diinta islaamka , waxaan dhihi lahaa khatumadina hagaajista oo kabaxa wxaad ku jirtaan |
NIN WALBAA QUMANE UK | 12:52am on Saturday, March 6th, 2010 |
FADLAN WEBKAAN AAD AYAAN KUU JECLAHAY WAXAAN KAA CODSANAA IN AAD MAGACAAS OON MARNABA AANAN BADALI DOONIN AAD LISKA MACAAMIISHA IIGU DARTAA SI AAN FIGIRKA SUUBAN UGU SOO DHIIBTO .DAHIR AWEYSNA WAXAAN ORAN LAHAA CIMRI TAGAY CEEB LAGUMA SAGOOTIYO EE YAARABI TOOBO AA KUU WANAAGSAN ALAASE HANUUNKA LEH QABRIGANA XASSAN TURKI KUUMA NOQONAAYO INTAAN LAGU XISAABIN XISAABTAN WABILAAHI TOWFIIQ |
wiil hawiye UK | 12:39am on Saturday, March 6th, 2010 |
Sh Hasan his his is right. But sh turke his is wrong man. always wrong I do't know why. His going alshabaab that is not good. I don't like sh hasan tugre. |