Horta Sheekh Maxamed C/wahaab Muxuu Aaminsanaa?







Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links

Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
somalireal
Xogsheeg
 
Jahwareer Jaceyl, Qiso taxane ah Qeybtii 1aad. Ka naso siyaasada. Posted to the Web Oct 30, 01:58



Qisadaan sida magaca ka muuqataba waa qiso jaceyl oo aad iyo aad u xiiso badan dhanka kalane waa qiso muragadeeeda leh, qisadaan waa qiso xaqiiq ah oo ka dhacday magalada Muqdisho, yaana hadal kugu daalin ee ku soo dhowooow qeybtii koowaad ee qisadii la magac baxday JAHWAREER JACEYL.


Waa habeenimo jimco so galeeyso waana xili Ramdaan ah, dadka oo dhan inta aay so wada afureen ayaa qof walba banaanka u so doontay hawo macaan leer iyo inay asxaabtooda bal la sheekeystaan.


Cabdifataax shaataa iyo Cabaas oo Saaxiibo ahaa ayaa ku heshiiyay inay aadaan dhanka hotel ramdaan, intii wadada lagu sii jiray ayaa waxaa ka so horbaxday Raaxo oo aheyd gabar aad u qurux badan , dabeecad macaan , furfuran, Raaxo ayaa kadis ah ku tiri: AQAYAARTA, SALAAN XITAA MA JIRTO MIYAA, MISE SOONKA AYAA MAANTA IDINKA TAN BADIYAY?


Cabaas iyo Cabdifataax: OH sorry WLH HOOSTA AYAAD NAGA SO GASHAY HADANE WAAD IS BADASHAY OO QOF KALE AYAADBA NALA NOQOTAY! Meeshii waxaa ka bilaawday kaftan gaaban oo ah kaftan xaafadeed, dhowr daqiiqo ka dib ayaa halkii leysku macsalaameeyay, marki ay dhowr daqiiqo horay u sii socdaan ayaa waxaa bilaawatay shekadaan xiisa leh:


Cabaas: Cabdi fataaxoow , sxb qoftaan ciyaalka xafada miyeey iskal weyntahay horta ?
Cabdifataax: Sxb qoftaan waaba dadka ugu shidan xafada, balse dhalinyarada xafada mala haasaawdo.


Cabaas: sxb aniga iyo adiga buufis ayaa lafaha naga galay, waxaana igu maqaalo ah in aay qoftaa leen SWEDAN u xareesan yahay ee maxaad kala soctaa?
cabdifataax: haa oo ayada ayaaba ii sheegtay sxb, ee faraqa miyaan u galnaa?


Cabaas: Sxb aan caawa ina tashano, oo aan qoftaan labadeena mid ka mid ah u dirno si aan madaxeeda wadankaan kaga amaba baxno.
Cabdifataax: sxb waa arin fiican ee halkee wax laga bilaabaa hee, oo qoftaan kaftankeena bay taqaanaa oo si kale .....


Cabaas: sxb caawa markii aan soo noqono ayaan waceeynaa oo aan barnaamij xiriir jaceyl ah u bandhigeeynaa, sida aan qiyaasayo ma diidi doonto.


Cabaas iyo cabdi fataax markii ay ku soo nqodeen  xaafada ayeey durbaba u soo gudbeen qolka fadhiga, markiiba waxaa la so qabtay telfoonkii oo lagu hishiiyay inuu cabaas waco  raaxo iskana dhigo nin wax jecel oo laga maqan yahay.


Raaxo: hello .
Cabaas: Haye yarta, aad baan ku salaamay, waa cabaas ee mashqul miyaad tahay mise?
Raaxo: Mashquul waan ahay basle hadii aadba caawa telfoonkeyga soo wacday waa laguu sheekeynayaa ee ma wax daran ba jira?


Cabaas: Abayadis caawa adiga ayaa ii darnaa oo arin culus iga kaa so gashay oo aan in mudo ah, la xishonayay, waxaana go'aan saday in aan wixii jiro ku sheego caawa, oo aan go'aankaada ogaado


Raaxo: Maku fahmin ee balse hadalka ii jilci?
Cabaas: Hadii aan ku jilciyo, damac baa iga kaa jira, oo waxaan dareemayaa inay nafsadeyda adiga ku tabeeyso, oo aay rabto inay lamaano kula noqoto, dabcan wixii aad qarsato waa ku qarsadaan baa la yiri.


Raaxo: Cabaas, waxaa tahay dadka aan xaafada sida wacan ay sheekada igu baxdo marka , barnaamijkaan cusubne, amuuna inoo wanaagsaneyn!


Cabaas: Sheeko macaanta waaba sababta aan kugu damcay soow ma ahan, yarta codsigeeyga soo dhoweey, waxaan rajeynayaa in aan nolosha macaanto wada dhadhami doono , insha allah.
Raaxo: Cabaas, in aan ku dhaho OKEY wax weyn ma ila ahan balse waxaa loo baahan yahay in waxa aad sheegeeyso dacad kaa yihin, sababto ah aniga ma jecli wiil xaafada ila degan inay xumaan na dhax marto.


Cabaas: Abayadis, insha allah ma dhaceeyso inaan isku xumaano taasi aniga ayaa hubo ,
Raaxo: Okey bal hada suxuur diyaaris baan galayaa balse aniga ayaa habeen danbe ama bari jawaab ku soo sii nayo.


Cabaas goolkiisa ugu horeeyay ayuu shabaqa agta ka dhigay inkasto uuna dhalin, Cabdi fataax aad buu ugu riyaaqsanaa ruwaayada uu dhigayay cabaas.


Horay ayaa loo yiri NIN AAN WAX OGEYN ALLE MA CADAABO, oo Raaxo waxeey gashay inay falanqeeyso hadba sida uu noqon karo xiriirkaan cusub, iyadoo dhanka kale iska tuseeysay in cabaas yahay wiil fiican misana Qooys fiican ka dhashay oo ah reer ladan oo xoogaa dhaqaalo leh, oo lacala hadii ay jeclaato noloshaada kaafin kara.


Balse Raaxo waxeey dhanka kale shaki weyn ka qabtay xiriirkaan sida dag dag ah ku bilaaway oo uu cabaas sida fudud u weydiyay.
 
 
La soco qeybta labaad sabtiga soo socda insha allah
 
qisadaan waxaa kuu soo diyaariyay qoraaga da' yar ee Mohamed Abdi Aden:
 
wixii ra'yigaada ah waxaad inooga soo xiriirn kartaa cinwaanka sheekada ee ah
saalim888@hotmail.com


Sidoo kale waxaa jira Qiso jaceyl oo isla qoraaga horay u qoray lana magac baxday WALIGEEY ISMAAN ORAN WADNAHEY KU ISTAAJIN.


Qisadaas oo ka koobnayd 12 qeyb fadlan halkan ka aqriso.


Faafin shabakadda miisaanka.com

62 Comment(s)

Axmed cabdi   Hargeysa

8:50pm on Sunday, March 9th, 2014

Waw waw jecel mcn bdn waye wan ka helay wa mid darenkeyga tabtay waye

shaacir yare nuur   southsudan

10:30am on Monday, January 20th, 2014

waa sheeko abuuri karto kalsooni daro waayo qisadan dhex mari doonto labadan ayaa qofwalba ka baqayaa ineey ku dhacdo

Salma maxamad   Muqdisho

4:53pm on Thursday, January 16th, 2014

Wanka xumahay qisadani

Faisa   Muqdisho

1:31pm on Saturday, December 21st, 2013

Asc all

Anonymous   Location unknown

5:04pm on Monday, December 2nd, 2013

Manshallah wa qiso aad iyo aad u xiiso badan

xamda   hargeisa

2:07pm on Wednesday, November 13th, 2013

sorry i cafiya

xamda   hargeisa

2:05pm on Wednesday, November 13th, 2013

waxa uu doonayaa in uu waso yarta

dr:ismaaciil axmed muuse   mogadisho

8:22am on Sunday, July 21st, 2013

asc dhamaan akhayaarta sharaftaleh waxaa soobaxday sheeko cusub oo dhuuxeedo ama soo jiidanayso maskaxda iyo qalbigaba hada yey kudhaafine lasoco every day thunks all peaple of muslims waa qoristi ama farsamadii dr:ismaash,cade

Moustapha sharif   Djibouti

7:57am on Thursday, May 30th, 2013

Waxaan uu raba sheeko cajiib ah

Moustapha sharif   Djibouti

7:57am on Thursday, May 30th, 2013

Waxaan uu raba sheeko cajiib ah

Anonymous   Location unknown

7:31pm on Monday, May 6th, 2013

Lama yaabaayo waayoo hore ayey usoo dhacday qisooyinkanoo kale waxaan dhihi lahaa raga dumarka ha khiyaamina waayoo wey kula dhalatay wey ku dhashay waad udhixi doontaaa

abdirashid muhiyodiin   sweden

3:10pm on Friday, April 12th, 2013

mansha allah qisadaan waa qiso aad umacaan waxayba igu beertay xasuus lama ilabaan ah cabaas cabdifidaax waxaan idiinku mahad noqaa kabarta quruxda badan misane sweden leen ka xareesatay waxaaan kaloo idiinku mahad noqaa sheekada macaan idiin dhax martay mahadsanadiin wixii kaloo dhiman hala soo dhameestiro meshee ku dhamaa heeso iyo sida ee u dhamaa heeso aan arkee guul wacan by

jacel radiye   turkiya

1:39pm on Wednesday, March 13th, 2013

Qisadan marka aqriyay waa. Qiso xarared le asxabda waxa li leyahay mahadsanidiiiin ccabas iyo cabdi fataax

jacel radiye   turkiya

1:37pm on Wednesday, March 13th, 2013

Qisadan marka aqriyay waa. Qiso xarared le asxabda waxa li leyahay mahadsanidiiiin ccabas iyo cabdi fataax

Dr:faduma cali muse   Muqdisho

4:31am on Tuesday, January 1st, 2013

Runti horta jclka hada jiro lama dhihi karo wa jcl dhb ah waxad arkeysa dhanka wilasha inay u dhigayan gbdhaha lug goyo taso ah in jcl lagu bero ayadana sidhb ah ay uqado u isna ugaga boxo. Marka hada qisadan lama yabayo o horay ayeybo kuwo kadaran udhacen.

asad cabdiraxmaan   hargeisa

7:08am on Monday, December 3rd, 2012

waa qiso aan la dhacay

fatahlovely@hotmail.com   kenya

4:47am on Thursday, November 15th, 2012

asc slan gadib akhyarta sharaftaleh waxana nika cud sanaya in ad no so badisan shegada

Abdiqaadir isse abdi   Maghaalada muqdisho

7:27pm on Friday, October 26th, 2012

Xilighaan aan joogno sida ila muuqato jaceylku waa wax jira raga dumarka qiyaanow kadaaya gabdhaha khayaanada hadaadan guursaneynin been ha usheegin gabdhaha maxaa yeeley waa masaakiin.

Abdiqaadir isse abdi   Maghaalada muqdisho

7:14pm on Friday, October 26th, 2012

Fariimahaan jeceylka ah raga sooqoreen aad iyo aad ayaa umahadsanyihiin thanks very much

zuuzaan   maleysia kulanboar

7:17am on Monday, October 22nd, 2012

asc dhaman asxapta sharafta leeh wan idin salamay salan kadib waxan leyahay waa waxa an adi ahen asc

zuuzaan   maleysia kulanboar

7:15am on Monday, October 22nd, 2012

asc dhaman asxapta sharafta leeh wan idin salamay salan kadib waxan leyahay waa waxa an adi ahen asc

Abdala bay   Baydhabo

9:08pm on Wednesday, August 15th, 2012

Waa qiso mcn bdn aad ayana uga helay

Cabdi shugri   Kismyu jubbad hoose

6:07am on Saturday, April 28th, 2012

Waxaan u mahad celinayaaaaaa dhaman qorayaaasha sheekada waxana leeyahay sheekooyinka ha la soo badiyo

Cabdi shugri   Kismyu jubbad hoose

6:07am on Saturday, April 28th, 2012

Waxaan u mahad celinayaaaaaa dhaman qorayaaasha sheekada waxana leeyahay sheekooyinka ha la soo badiyo

Nafisa   K S A jida

11:02am on Friday, February 3rd, 2012

Asc qoraga wan uga mahadcilinaya marwalbana wan kasugeynaa shekoyinka jcl

Maxamed   South africa

8:58am on Wednesday, January 11th, 2012

Wanidinsalamey asxabta shedada waa sheko macaan lkn waqtiga hada aan jogno jaceyl majiro inta badan labada dhinacba

Maxamed   South africa

8:58am on Wednesday, January 11th, 2012

Wanidinsalamey asxabta shedada waa sheko macaan lkn waqtiga hada aan jogno jaceyl majiro inta badan labada dhinacba

Mahamum.maska   Adis ababa

3:56am on Wednesday, January 11th, 2012

Washeko mcn qoragana wu kumahad sanyahay

Mahamum.maska   Adis ababa

3:55am on Wednesday, January 11th, 2012

Washeko mcn qoragana wu kumahad sanyahay

abdi rashiid   k s a jiddah

6:11pm on Friday, December 23rd, 2011

waxaan qori lahaa qiso xiiso badan balse fursad ma haysto laakiin had iyo jeer waxaa ku hadlaya arimaha jeceylka

Prof Yahye   Sudan

12:35pm on Thursday, December 22nd, 2011

Waxa sheko nice ah lasocod wanagsan

Lorene   Vxtvzbqqx

8:32am on Sunday, December 18th, 2011

Thanky Thanky for all this good inforatomin!

muna maxmad   holand

5:20pm on Sunday, December 11th, 2011

asc walidi salamay mahda wadku mahadsan tihin sida uso gudbise shekada

abdi rahmaan   U.S.A

4:20pm on Friday, November 25th, 2011

qisadane aad iyo aad ayey ufiican tahay dadbadana way ku dhac day sidan oo kale tusaale ahaan anigoo kale j=

axlaan saki   malaysia

5:37pm on Thursday, November 3rd, 2011

waaaaaaaaw waan kehelay shekadaan halkaa inooga wada waan kumahasantihiin sida wacan ad noogu soo gudbiseen waxan idin ka sugaynaa mid kasii macan

munaqa@hotmel.com   somaliya

1:55pm on Friday, October 28th, 2011

waxan joga

munaali   somaliya

1:47pm on Friday, October 28th, 2011

asloamucalaykum

ibraahim yasin / ibba /   muqdisho dharkenley

8:53am on Friday, October 28th, 2011

asc dhaman bahda webka waxaad ku mahadsantihin sida wacan oo aad nogu diyarisen qorista shekada aad ka uma caana waana kumahadsantihin

qadaw   norway

5:44pm on Thursday, June 9th, 2011

waxan u arkah jaceyl ka la sheego inuu yahay waqti lumiis wayo wan garanay guur inuu jiiro mida kale waxa meesha imanayah damacii oo u la socdo calaf wana sunoo gurka mida kale ma jiiray jacayl wagii hore ama samanadii hore wa iga su al tas

Hibo   Kenya

7:03am on Sunday, May 22nd, 2011

Asc aqyarta masha allah sheka waa nogu so cota

bushra   uk

2:59pm on Saturday, April 23rd, 2011

waa idinsalaaamay qore iyo akhriyba sheekooyinku waa fiica yihiin muhiimadu waa inaan qofka qoryaa am soo gudbinyaa imaanu been qorin waayuxadiis baa ahaa qof muslin fule ma noqonkaraa mar rasuulka la weydiiyey haa buu yiri laakiin qof muslini been ma sheegikraa may buu yir

Mahad   Location unknown

9:29pm on Sunday, April 17th, 2011

Waa sheko cajiib ah mansha allaah

Mulah   Cabetown

3:43pm on Tuesday, March 22nd, 2011

Waa sheeko mcn

Abukhalid   UAE

8:47pm on Sunday, November 7th, 2010

isku maaweeeliya sheekooyin khayaali ah oo aan jirin miyaanay ogow qofka qorra waxaan jirinow inaad beenaale tahay .

kayd   k s a

5:07pm on Friday, November 5th, 2010

waa fikir saliim ah waxaa qoray qof jacayl ka ujajaba waa arin soo jiidasho leh waxaay waafaqsan tahay tubta dhalin ta soomaliyeed kuwa xiiseeya madadaalooyinka ku saabsan caashaqa iyo waxii lamida ah waxaan aragna biloow geedii laakiin ma qiyaasi karno waxay ku dan bayn doon to iyo meehsay sal dhigan doon to waxaan la socon doonaa hadii alaah yidhaahdo qayba ha kale ee sheekada aad ban umahad santihiin dhamaan

dahran   Location unknown

9:57am on Wednesday, November 3rd, 2010

waaw waa sheeko fiican somaliyan u xiisa markan sheekadan camal arko ee week kasta labo jeer hanaloga dhigo waa iga codsi aniga

dahran   Location unknown

9:56am on Wednesday, November 3rd, 2010

waaw waa sheeko fiican somaliyan u xiisa markan sheekadan camal arko ee week kasta labo jeer hanaloga dhigo waa iga codsi aniga

Xidigga143 {Fiinaco}   Galgadud g guri_el

11:50am on Sunday, October 31st, 2010

Ugu horeyn waxan u mahad celinayaa qoraga qisadan waxan aad iyo aad usoo dhaweynayaa qisadan loogu magac daray {jahawarer jaceyl} run ahantii habka qisadu ubilabatay iyo ciwanka qisadu wey iswafaqen sidadas darted waxan ukurgalayaa meshey ku dhamato qisadan waxaana filayaa in eyku dhaman donto si aan ku faraxno

taageerada jacaylka   punt land

6:48am on Sunday, October 31st, 2010

waxaan aad iyo aad u soo dhowaynayaa qisadan iiga muuqata miisaanka waadna ku mahadsan tihiin maadaama aad noogu soo celseen mid la mid ah qisadii hore ee samantaa

taageerada jacaylka   punt land

6:44am on Sunday, October 31st, 2010

waxaan aad iyo aad u soo dhowaynayaa qisadan iiga muuqata miisaanka waadna ku mahadsan tihiin maadaama aad noogu soo celseen mid la mid ah qisadii hore ee samantaa

sumaya   axmed

4:44am on Sunday, October 31st, 2010

Waa sheeko fiican laakiin jacaylki somalia dhaqaale iyo dano gaar ah baa ka hor maray wax daacad ahna wa ku yaryihiin wiilasha iyo gabdhaha midkastaba sidan oo kale ama wiilka dantiisa fiirinaya ama gabadha labdi aan waxba u baahnayna isma rabaan marka jacayl ma jiro hada waqtigan aynu joogno wuxu isku badalay been iyo khiyaano

Max.d masagaway   Captown

11:40pm on Saturday, October 30th, 2010

Waw waw waw
Run ahanti wa sheko ad u macan wana ladhacay waxana uga mahadcelinaya qofka waqtigisa noohuray mahadsanid sxb

Max.d masagaway   Captown

11:39pm on Saturday, October 30th, 2010

Waw waw waw
Run ahanti wa sheko ad u macan wana ladhacay waxana uga mahadcelinaya qofka waqtigisa noohuray mahadsanid sxb

Abukhalid   UAE

10:20pm on Saturday, October 30th, 2010

waxaan u malaynyaa inay tahay sheeka beena

Ture   Jum

5:16pm on Saturday, October 30th, 2010

Waw inbadan wan idinka sugeynay sheko mcn

Ahme nuurani   Egypt al exandria

3:27pm on Saturday, October 30th, 2010

Asc wan idin salamay dhaman ba akhiyarta shekada lasocota iyo bahda miisanka waxana ka mid ahaa dadkii lasocday tii ka horeysay aad baan ugu farax sbnahay runtii in dib naloo kugu soo celiyo waxaana lee yahay marxaban bi aydin maftuuxan wa qalban mas ruuraa

Kaarim bin kaarim   Location unknown

1:07pm on Saturday, October 30th, 2010

Bahda misanka waad mahadsantihiin iyo aqristayasha sharafta leh. Waxana aad u sodhaweynaya shekadan cusub balse halaga dhigo 2jeer asbuciiba fadlan.

ali   usa

5:07am on Saturday, October 30th, 2010

sheekadan waa qiso caajaaib waaya waa loo baahan yahay sheekooyinka jeceylka

macruuf   Location unknown

4:57am on Saturday, October 30th, 2010

wa macqull sheko ishcala macan tahay lakin erayada englishka sida sory fadlan kadaya iyo adeegso erayada macaan waxan arkaa erayada ciyaal suuqa adegsanaysid lol wa sheko top bahda miisaanka kor

Taageeraha   Jeceylka

2:29am on Saturday, October 30th, 2010

Waa qiso ku bilaabatay Si la yaab leh, aadna u xiisaynayaa halkay saldhigato tii hore samaantha aa banaanka soo dhacday, tanna shaataa ay ku dhici doontaa lol kolay saas aan qiyaasay.

Anonymous   Location unknown

11:27am on Monday, October 25th, 2010

Sabti kasta haday tahay ma rabno tii hore waxan codsanay labo jeer week kasta so kuma jiro ani thnx

nasriina   nederland

11:20am on Monday, October 25th, 2010

qoraageena manoo soo noolaaday ,, welcom back baan ku dhahayaa ee sheekada sabtigee bilaawaneeysaa sababtoo ah wali wax waqti ah manoola qaban e

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Siyaasaddii islaamku asaaska uga dhigay dowladda islaamka.
Riix Halkan

Qawaaniinta oo loo xukuntamo Ma la isku Gaaleysiin karaa?
Riix Halkan

Miisaanka sharcigu u dejiyay Gaaleysiinta iyo.....
Riix Halkan

Gaaleysiinta iyo Dhibaatada ay Islaamka Ku Heyso Markastaba.
Riix Halkan


Dhageyso Gabayo xul ah Abshir Bacadle Alle ha u naxariistee: Allaa Mahad Leh

Hubka Inaga Dhiga

Qabyaalada

Xadhig Xujo

Guurka

Qaadka

Shirib

Qudubi

Danta Guud

Gabayga



yaa Ka dambeeya Dilalka qorsheysan ee Muqdisho iyo Shirqoolada saxaafadda
Warbixin Xasaasi ah
Riix Halkan