Horta Sheekh Maxamed C/wahaab Muxuu Aaminsanaa?







Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links

Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
somalireal
Xogsheeg
 
Aamusinta Wahaabiyada ee istighaathada iyo tawasulka iyo tabaruka. Niqaash furan. (Jawaab) Posted to the Web Nov 22, 11:51


Aamusinta Wahaabiyada ee istighaathada iyo tawasulka iyo tabaruka
إفحام الوهابيّة في الإستغاثة والتوسل والتبرك
الحمد للّه والصلاة والسلام علي رسول اللّه وعلي آله وصحبه الطيبين. اللّهم أرنا الحق حقا وارزقنا اتباعه وأرنا الباطل باطلا وارزقنا اجتنابه.
Waxaan bacdallaahi mahad iyo bogaadin u jeedinayaa bogga Miisaanka oo fursadaan siiyey aqristayaashiisa ay doodaha cilmigaa ku kala faa,iideysanayaan. Iyadoo maanta ay yartahey in dadka kala aragtidaa la siiyo fursad isku mid ah.
Waxaan aqristayaasha kuwooda doonaya iney mas,aladaan meel ku hubsadaan u sheegayaa in maqaalku uu dheeryahey haddana uusan marna mawduucaan xaqiisa siin kareyn maadaama uu maqaal yahey oo uusan kitaab aheyn. U dulqaado inshaa Allaahu dhererkiisa. Waxaanan rajeynayaa inaad ladaa,if iyo daqaa,iq cilmi ah oo aad ka faa,iido aad ku arki doonto inshaa Allaah.


Maqaalkii Maxamed Sulaymaan:Halkan ka aqriso.


Walaalayaal anigoo ka duulaya maqaalkii dheeraa oo uu qorey akhuunaa Muxamed Suleymaan oo uu cinwaankiisu ahaa” waa shirki weyn in gargaar ama gurmad la weydiisto nebi ama weli” ayaan soo gudbinayaa inshaa Allaah maqaalkaan mutawaadica ah. Walaalkey Muxamed iyo walaalaha ku manhajkaana waxaan u sheegayaa ineysan waxba noo tareyn haddaan is jaa,ifeyno amaan is jaraaxeyno oon jahli isku xukmino,sidaas darteed waxaan ku dadaali doonaa inaan  si tajarrud ah mawduuca uga hadlo daliilahana usoo gudbiyo inshaa Allaah.
Waxaan halkaan ku caddeynayaa inaan labo qofood oo isku heysataa jirin cibaadada Allah kaligiis ma leeyahey mise ma leh? Qofku muslimba ma noqonayo hadduusan qirin in cibaadada Allaah kaligiis leeyahey.


Wahaabiyada waxoodu is moodsiis faraha ka baxey iyo mas,alo ku rogmatey ayey ku dhisanyihiin
Ma jecleyn maanta inaan sharax waqtiga idinkaga lumiyo,laakiin arrimo fikrada caddeynaya oo asaasi ah in la tilmaamo waa lagama maarmaan.
Masaa,ilka Wahaabiyadu dadka ku rabshaan oo wax ku takfiiriyaan waxaa ka mid ah:
• Gargaar weydiisasho cidaan Allaah aheyn oo dhimatey
• Barkeysiga gubuurta
• Cid aan Allah aheyn oo wax loo gawraco
• Degsashada iyo ku dhaqmida waxaan Allaah kitaabkiisa aheyn
• Xalaaleynta iyo xaaraameynta
• Walaha iyo baraha
• Tacdiiminta ama weyneynta cid aan Allaah aheyn
Masaa,ilkaas waa kuwa ugu waaweyn nawaaqida ay sheegaan iney islaamka buriyaan oo tobankaa ee ay xifdisiiyaan carruurta.
Daabid ama dabar ay ka ilduuftey Wahaabiyadu
Masaa,ilkaas iney kufri noqdaan iyo ineysan noqon waxey ku xirantahey labo arrin midood ee u baraarug aqristow. Waa inuu meesha jiraa ictiqaad qudsiya uluuhiya ama kufri juxuudi ah oo ula kac ah!Qofka arrimahaas sameyeeya haduusan labo shardi midkood meesha oolin ma noqoneyso shirki ama kufri toona:
1. Inuu jiro ictiqaad Ilaahnimo oo makhluuqa ku aadan
2. Iney jirto gaalnimo ula kac ah iyo ficil ama qawl aan gaalnimo maahane wax kale ixtimaali karin,sida musxafkoo la Ihaaneeyo iyo sanam loo sujuudo.
Haddaan masaa,ilkaas lagu xirin daabidkaas oo xarfinnimadooda la yiraahdo halloo isticmaalo waxaa ka dhalaneysa in shareecadii noqoto hal xiraale  dad mu,miniin ah diinta looga saaro.Kasoo qaad taxriimka iyo taxliilka aysan la socon qadaaso uluuhiya  sida mida wadaadada kirishtaanka oo amarkooda amar alle loo heysto oo kale.Arrintaas haddaan ictiqaad Uluuhiya la socon,isla markaasna diidmo caqiido gaalnimo ka imaanaya aysan ku dhisneyn ma noqoneyso kufri bixaddi thaatihaa(is ahaanteeda).Daabidkaas xusuusnaada wax badan oo shar aad u badan iyo jaah wareer badan ayaad uga badbaadeysaane inshaa Allaahuye.
Eedeyntii Ibnu Cumar ee Khawaarijtu waa mid weli taagan
In kastoo qoraagu isku deyey inuu meesha ka saaro eedeyntii Ibnu Cumar Khawaarijta u jeediyey haddana sideedi ayey u taagantahey,sababtoo ah dood muslimiin in loo isticmaalo aayado asnaam iyo mushrikiin ka hadlaya waa qalloocii Khawaarijta oo kale .Aayadaha ay daliishanayaan nas ahaan iyo qiyaas ahaan midna looguma daliishan karo arrimaha ay u daliilsanayaan.
Doodu si ay u noqoto dood cilmi ah oon faro isku taag taag aheyn aan u yeelno asal.Asalkaasna waa su,aashaan soo socota oo ah: Istighaathada Nebiga s.c.w la istghaatho weydiisto isaga ama saalixiinta dhintey iney shirki tahey ma nas qadci(aan labo isku qabaneyn) ah xagga sugnaanta iyo macnaha ayey ku sugnaatey? Aayad ama xadiith aan labo macnahooda isku khilaafsaneyn miyaa jira? Mise qiyaas ayey sidaas ku tahey? Mise umada islaamkaa sidaas ku ijmaacdey? Walaalaha Wahaabiyada ah jadal alfaad iyo ereyo dushood lagu murmo oon dhamaad iyo bilow laheyn ayey keenayaan oo caami iska daaye culimada qaar ku wareeri karaan. Haddaba su,aashaas asaas ha u ahaato doodeena iyadana aan ka ambo qaadno mana u maleynayo inaad dood ka qabtaan su,aashaas? Naska aan labo isku khilaafsaneyn waxaa ka mid ah(حرّمت عليكم أمّهاتكم) In aayadaas tusineyso in Ilaahey xarrimey nikaaxa hooyooyinka iyo dumarka kale ee aayada lagu sheegey macnaheeda ma cidbaa isku khilaafsan? Waa in haddaba tusinta nasku noqotaa sidaas marka qadci uu yahey. Qiyaaskuna waa inuu cuskanyahey (cillah mushtarak ah), ijmaacuna waa in ummada islaamkoo dhan intooda ahlul ijtihaadkaa isku waafaqaan in xukumka mas,aladaasi sidaas tahey.
Haddaba si aanan ugu hafan mawjadii muranka alfaada waxaan idiin soo gudbinayaa waxey culimadu ka yiraahdeen mas,aladaan. Mas,alo aad muhim u ah oon hadda kahor doodaheyga ku ishaarey ayaan haddana idinku baraarujinayaa,taasoo ah arrimahaan istighaathada iyo tabaruka saalixiintu maahan mas,alo la dhalatey Ibnu Teymiyah ee waa mas,alo jirtey laga soo bilaabo saxaabadii iyo taabiciintii iyo Salafkii ummada. Adillada aan soo daliishan doono ujeedkoodu waa raad raac taariikheed ee istidlaal sharci ah kaliya ma ahan. Waana in la kala saaraa labadaas. Xadiith daciif ah wuu galaa raad raac taariikhi ah marka laga hadlayo walow xukumba yaan loo daliishane. Waayoo xadiithku hawada kama sameysmin, hawaduna ma keenine dad xufaad ah ayaa kala weriyey hadduu shirki yaheyna jiilalkaas kala werinayey ayaa ugu horreyn lahaa waxa tilmaama inuu shirki yahey! In arrintaasi jirtey waaqic ahaan taariikhi ah ayuu daliil u noqonayaa. Yaanan hadalka idinku wareerine kusoo dhawaada adilada istighaathada.
1.Waxaa sugnaatey oonan ogahey inaad ogtihiin in la barakeystey raadad ka mid ah kuwii Nebiga s.c.w sida tintiisa iyo dharkiisa intuu noolaa iyo markuu dhintey kaddiba! Baraarug. Tinta iyo dharku ma ahan Nebigii s.c.w iskabana daa markuu dhintey kaddibe! Maxey tahey waa la barakeystey?  Tintu ma qof nool oo wuxuu karo oo duco ah la leeyahey ii duceybaa? Mise thaatada Nebiga s.c.w oo lagu tawasulayo weeye bacda mamaatihi? Mise waa sanam la caabudayo oo isaga wax laga rabo? Bal noo sheega waxa laga wado?
2.Cabdullaahi Ibnu Cumar ayaa lugtiisi suuxdey ama kabaabyootey markaas ayaa lagu yiri xus qofka aad magaciisa dadka ugu jeceshahey,markaas ayuu yiri:(Yaa Muxamad) Bukhaari ayaa ku weriyey kitaabkiisa (Al adabul mufrad) wuxuuna ku yaalaa kutubta adkaarta oo dhan laakiin kuwa aad ku kalsoontihiin ayaan idinka siinayaa marjic ahaan.Ibnu Qudaamah muj.3/559 iyo Alkalimu dayib Ibnu Teymiyah 165!
3. Hal ku dhegga Muslimiintu maalintii dagaalkii Yamaamah wuxuu ahaa( Muxamadkeenow)!Taariikhu Dabari(2/281). Ibnul Athiir kitaabkiisa Alkaamil(2/221) . Ibnu Kathiir Albidaayah Wannihaayah(6/324) In Nebiga s.c.w markuu dhintey kadib asxaabtii u yeeratey raggii taariikhda Islaamka looga danbeeyey ayaa weriyey. Intaasna silsilad culimo iyo xufaad kala werineyso ayuu kusoo socdey ee wax shirki haddey tahey ka hadla maxaa loo waayey?
4. Daarami wuxuu ku weriyey sunankiisa(1/56) iney Reer Madiina abaareysteen oo ay Caa,isha u tageen. Waxey tiri Qabriga Nebiga s.c.w dariishad cirka uga baneeya oo yaan isaga iyo cirka loo dhaxeyn. Sidii bay yeeleen markaas ayaa roobkii yimid xoolihii ku cayileen ilaa ay ka dillaacaan.Markaas ayaa loo bixiyey(caamul fatqi) sannadkii dhanbalanka! Waxaa kaloo weriyey Ibnul Jawzi kitaabkiisa Al wafaa, fii axwaalil mustafaa(bogga 801)
5. Xadiithka Maaliku Daar oo ahaa khaznajigii Cumar wuxuu leeyahey: Abaar ayaa dhacdey waqtigii Cumar. Markaas ayaa nin wuxuu u yimid qabriga Nebiga s.c.w markaas ayuu ku yiri:(Rasuulkii allow ummada roob u dalab way halaagsanataye)! Markaas baa ninkii Rasuulku s.c.w Riyo ugu yimid oo ku yiri:( Cumar u tagoo waxaad ku tiraahdaa waa la idin waraabinayaa ee dadaalka badi dadaalka badi) Ninkii Cumarbuu u yimid oo sidiibuu ku yiri. Cumarna wuxuu yiri: (Ilaahayoy dadaal ma yareysanayo waxaan kari waayo maahane)! Xadiithkaan isagaa yaa weriyey ma idiin tiriyaa?
Bukhaari kitaabkiisa taariikhda(7/304).Ibnu Abii Sheybah Musannaf(6/356).Ibnu Cabdil Barr Istiicaab(3/1149). Ibnu Kathiir tafsiirkiisa(1/91) wuxuuna yiri sanadkiisu waa saxiix. Al Bidaayah wanniyaahana sidoo kale!Al Beyhaqi Dalaa,ilu Nubuwah(7/47). La yaabka dunida Ibnu Teymiyah kitaabkiisa Iqtidaa,u siraadil Mustaqiim bogga 373 ayuu ku sheegey inuu saxiix yahey!Ibnu Xajar Al Casqalaani Fatxul Baariga ayuu ku sheegey inuu saxiix yahey(2/395-396) Intaasoo culimaa iyo ka badan xadiith ay saxiix ku sheegeen in buuq lagu furo maxey macnaa oon rabsho aheyn oo soo kordhineysaa?Kaaga darane xadiithkaas iyo kuwii ka horreeyey cid ka didey oo shirkibaa ku jira tiri ma jirto!
Intaas ayaan uga kaaftoomeynaa saxaabadii iyadoo wax aad u badan jiraan laakiin fursada maqaalkaan kooban ayaan saamaxeyn.
Qubuuraha barakeysigooda maxey culimadii hore  ka qabeen? 
Wax aad u yar oo culimada  laga weriyey ayaan kasoo gudbinayaa halkaan inshaa Allaah. Si aysan u dheeraana waa tusaale aad u yar marka sida ay u badantahey loo eego. Kutubta taariikhda iyo taraajumta oo ka hadasha ragga axaadiithta weriya hadaad aqriso waad yaabeysaa waaga ayaana kugu baryaya sababta keentey in waxaas oo aathaar ah laga il duufo iyadoo kutubtii taallo. Maxaa Suufiyada hadda la iskugu danbaabayaa oo loo kala dhimanayaa haddey a,immadii diintu sameyn jireen waxa suufiyadu sameyso oo barakeysi qubuur ah? Ma taagna kama hadale iyagiibaa sameeyey.
Al Imaamu Shaafici oo qabriga Abuu Xaniifa barakeystey
Wuxuu weriyey Alkhadiibul Baqdaadi fii taariikhi baqdaad (1/123) isagoo sanadkiisana(silsilada werinta) tixey in Imaamu Shaafici yiri:”Anigu waxaan barakeystaa Abuu Xaniifa.Maalin kastana qabrigiisaan imaadaa anigoo ziyaaranaya.Haddaan dan yeeshana labo rakcaan into tukado ayaan qabrigiisa imaadaa,ilaahey ayaanan qabriga agtiisa ku baryaa,markaas ayaan muraadkeygi helaa”! Ibnu Teymiyah raddintiisa iyo dadka ku madhabkaaba waxaa lagu tilmaami karaa diidmo aydiyaloogi ah. Aad ugu dhug yeelo dadka iyagoo aydiyaloojiyad ka duulaya taariikhda iyo nusuustaba ku miisaama qanaacadoodi ay iyagu qabeen.Haddeysan sidaas aheyn maxaa waxa Ilaahey culimo badiyey qoladaas isku fikirkaa kaligood tusey hadduu daciif yahey xadiirhku? Meeye culimadii kaloo dhan? Ma seexdeen?
Axmedna Ibnu inuu tawasulka qabey waad la socotiin baan filayaa oo Ibnu Teymiyah ayaaba sidaas inuu qabey sheegey!
1. Ibnu Xibbaan kitaabkiisa al thiqaat juzkiisa 8.aad nr.14411 markuu ka hadlayey Cali Bin Muusaa Al ridaa wuxuu yiri(Qabrigiisa ayaan marar badan booqdey,mana jirto ayuu yiri in dhibaato i qabsato anigoo jooga Duus oo qabrigiisa intaan imaado aan duceysto oon la iga aqbalin. Arrintaas waa la tijaabiyey) Ibnu Xibaan ninkii yaqaanaa yaqaana.Hadalkana ma werine isagaa leh!
2. Al khadiibul baghdaadi wuxuu isna kitaabkiisa taariikhu Baqdaad(1/133) ka weriyey Al xasan Ibnu Ibrahim Abaa Cali Al Khallaal inuu yiri:(Ma dhicin in  arrin i murjisa oon u qasdo qabriga Muusaa Bin Jacfar oon ku tawasulo illaa ilaahey wuxuu isiiyaa waxaan jeclahey)!
Alxaafid al khadiibul baqdaadi waa ninkii la yiri mu,allifiinta musdalaxul xadiithku kutubtiisey ciyaal u yihiin.
3.Al thahabi kitaabkiisa siyaru aclaami nubalaa (17/215-216) wuxuu yiri isagoo ka hadlaya caalimkii Ibnu Fawrak(qabrigiisuna Xiira ayuu ku yaallaa, ducadaana lagu aqbalaa agtiisa) Waa Dahabi waxa sidaas leh.
4.Al khadiibul Baqdaadi kitaabkiisa (Taariikhu Baqdaad 1/133)  wuxuu ka werinayaa sheekh la yiraahdo Axmed Binul Cabbaas inuu ka tegey magaalada Baqdaad oo uu la kulmey nin sheekh ah oo cibaado ka muuqato, markaasbuu igu yiri ayuu yiri xaggeed ku socotaa? Waxaan ku iri buu yiri Baqdaad fasaadkeedaan kasoo baxey oo in Ilaahey dhulka la gooyo ayaan ka baqey! Wuxu igu yiri ayuu yiri: Ku laabo magaalada waxaa dhexdeeda ku yaalla qubuuraha afar awliyada Ilaahey ka mid ah oo xijaab uga ah balaayoo dhane,waa kuwama ayaan iribuu yiri? Wuxuu yiri: Waa Axmed Bin Xanbal, Bishr al Xaafii, Macruuf Al Karkhi iyo Mansuur Bin Cammaar. Waan laabtey ayuu yiri Sheekhii markaas ayaan qubuurahoodi booqdey oon iska nagaadey!
Isla kitaabkaas (Taariikhu Baqdaad 1/135-136) wax tiro badan oo qabriyo ah oo shardiyo laga xiranayo ayaa ku yaalla ee qofkii rabaa halkaas ha ugu laabto.
1. Ibnu Xajar Al casqalaani kitaabkiisa (tahdiibu tahdiib 7/339) wuxuu Al xaakim kitaabkiisa mustadrak ku xusey ayuu leeyahey in Ibnu Khuzeymah iyo xer badan oo kale ay ziyaarteen qabriga Cali Bin Muusaa Al Ridaa oo Duus ku yaalla. Waxaan la yaabney ayuu leeyahey raawigu sida Imaam Ibnu Khuzeymah uu ugu tadarrucayo goobtaas oo uu u weyneynayo oo ugu tawaaducayo wax naga yaabiyey ayey aheyd.
Bal aqriste ka warran dadka seefta shirkiga la maahanaya inta iyaga qadartooda iyo Ibnu Khuzeymah isku jiraan? Yaab!
Waa wax yar oo bad ka mid ah waxaan soo sheegey, qofkii rabana wuxuu uga bogan karaa, kutubta kala ah:
1. Al thiqaat oo Ibnu Xibbaan leeyahey
2. Siyaru Aclaami Nubalaa Dahabi
3. Al Isaaba Fii Tamyiizi  Saxaabah iyo tahdiibu tahdiibutahdiib Ibnu Xajar
4. Taariikhu Baqdaad Al Khadiibul Baqdaadi
5. Al Bidaayah wa Nihaayah Ibnu Kathiir
6. Taariikhu Dabari
7. Taariikhu Ibnul Athiir
8. Taariikhu Dimishq Ibnu Casaakir
Waa in qofku hadduu awoodo xaq doona yahey ka tallaabaa wax iyagoo diyaarsan hal firqo usoo gudbisey ee u tallaabo dadka aan la isku khilaafsaneyn waxey arrintaas ka qabeen. Haddaad Shiicada kalsoonidaada siiso oo iyagu waxey ku yiraahdaan kaliya ku kalsoonaato dabcan shiicadu si kastoo ay cilmi u leeyihiin wixii madhabkooda ah ubney kuu soo gudbinayaan. Khilaafka Suufiyo iyo Salafiya dhex yaallana in laga sal gaaro way ka sahlantahey kan shiicada iyo Sunnada dhex yaalla oo kaas qarnigii koowaad ayuu dhacey. Laakiin midkaani waqti dhow ayuu bilowdey. Markaas waxaa jira maraajic ciidda ka badan oo ka dhaxeysa labada qolaba haddey si daacadnimo ah oon xulasho ku jirin u baaraan.
Haddey taariikhda ku caddaato in caadada qubuuraha barakeysigooda ee Suufiyadu aheyd mid muslimiintu weligeed yaqaaneen, aysana shirki ku sheegi jirin oo culimada waaweyn nin aan sameynba yaraa markaas waxaa dumaya oo meesha ka baxaya tiir weyn oo tiirarka uu ku taaganyahey madhabka qubuuraha barakeysigooda shirkiga u heysta.


Qoraagu gacantiisa ayuu isku marjiyey ee ila eega
Qoraaga maqaalka aan radinayo ee Muxamed Suleymaan culimo badan ayuu aqwaal uu dadka ku khaldayo ama isagaba lagu khaldey kasoo guuriyey. Culimadaas uu keeney ayaan hadallo cad cad mid mid uga soo guurinayaa oo istighaathada iyo tabaruka ay ku banneynayaane indhaha fura.Walaalaha kuwooda awooda iney si madax banaan wax u baartaan iney halkaan ku cibro qaataan ayaa ku haboon. Hadalada wadaadada Reer Najdi usoo gudbiyaan iyagoo diyaar ah dabeedna ay iska qaadanayaan haka digtoonaadaan. Culimadii uu soo daliishadey walaalkeen ayaan idiin kala baxayaa waxey mas,aladaan ka yiraahdeen.
1. Ghazaali wuxuu ku yiri kitaabkiisa (المضنون به على غير أهله )bogga 113.”
أما التقرب لمشاهد الأنبياء والأئمة عليهم الصلاة والسلام فإن المقصود منه الزيارة والاستمداد من سؤال المغفرة وقضاء الحوائج من أزواج الأنبياء والأئمة عليهم الصلاة والسلام ، والعبارة عن هذا الإمداد الشفاعة، وهذا يحصل من جهتين : الاستمداد من هذا الجانب ، والإمداد من الجانب الآخر


Wuxuu leeyahey Imaamku:”Taqarubka loo dhawaanayo goobaha anbiyada iyo a,imada c.s waxaa laga wadaa in ziyaado iyo madad laga helo,sida denbi dhaaf, dantii la lahaa oo laga oofsado dhinaca zawjaatka nebiyada iyo a,imada c.s. Waxaana madadkaas laga wadaa shafaaco,taasoo ku imaaneysa in qofka ziyaartahaana madad dalbado,dhinaca kalena madad keeno”! Maqaamkaan ayaan saamaxeyne hadalkiisu wuu dheeryahey. Intaas unbaan uga kaaftoomayaa.
2.Al Subki wuxuuba leeyahey kitaab dhan oo uu ka allifey raddinta Ibnu Teymiyah oo la yiraahdo (shifaa,u siqaam fii ziyaarati kheyril anaam)bogga 121 wuxuu ku leeyahey” way hagaagsantahey in Nebiga s.c.w lagu tawasulo,istighaathana la weydiisto laguna shaafo dalbo, arrintaasna ma inkirin axad salaf ah iyo mid khalaf ah toona ilaa uu ka yimaado Ibnu Teymiyah oo arrintaas inkirey sidaasna xaqii uga beyrey oo sidaasna ku noqdey fongor islaamka ahalkiisa dhexdooda(فصار بذلك مثلة بين أهل الإسلام) dadka wax yaqaana halkaas haka qaateen in madhabka Wahaabigaa ku dhisanyahey awhaam iyo been run loo ekeysiiyey oo qarash badana la geliyey!


2. Ibnu Xajar Al Haytami wuxuu ku leeyahey Xaashiyatul iidaax bogga 443: Haku kedsoomin hadalka Ibnu Teymiyah iyo ardeygiisa Ibnul Qayim waa addoon Ilaahey baadiyeeyey uuna hoojiyey e!
Wuxuu kaloo ku leeyahey kitaabkiisa (Al jawharul munadam fii ziyaaratil qabril mukarram) bog 171-176. Hadal aad u dheer oo ay ka mid tahey ”wax kasoo qaad ma leh hadalka Ibnu Teymiyah oo fadeexada ku ah ahlul islaamka dhexdiisa,Nebigana waa la istighaatho weydiisan karaa”!


4.Al Nawawi qabriga taabashadiisa hadduu karaahiya ku sheegey ma shirkibuu ku sheegey? Hadalkiisina intaad rabtey baad kasoo goosatey intii ugu muhimsaneydna waad kasoo tagtey ee hoo waxaad kasoo tagtey.Ku laabo isla meeshaad karaahiyada kasoo goosatey ee ka eeg(fayatawassalu bihi fii xaqi nafsihi wayatashafacu fiihi ilaa Rabbihi) wuxuu kaloo Imaam Nawawi ku sheegayaa (Al majmuuc sharxul muhathab) 8/274 in qofku markuu qabriga Nebiga s.c.w booqanayo ay wanaagsantahey sida asxaabteena Shaaficiyadu sheegeen buuleeyahey inuu yiraahdo:(Rasuulkii Allow assalaamu caleykum.Waxaan maqley Ilaahey oo kitaabkiisa ku leh:
 (ولو أنهم إذ ظلموا أنفسهم جاءوك فاستغفروا الله واستغفر لهم الرسول لوجدوا الله توابا رحيما) وقد جئتك
مستغفرا من ذنبي مستشفعا بك إلى ربي
”Aayadaas ayaan maqley Ilaahey oo kitaabkiisa ku leh.Markaas ayaan kuu imid anigoo denbi dhaaf weydiisanaya Allaahna inaad iiga shafeecdo dalbnaya.Isla sidaas ayaa ku taalla kutubta waaweyn oo mudawalaatkaa sida Almughni Ibnu Qudaamah oo kale!


Mas,alada waan farey(bilaabey) kaliya ee wax lasoo koobi karo ka badan in culimada islaamku tawasulka iyo istighaathada iyo tabaruka qabaan. Su,aashuse waxey tahey ma doonaneysaa inaad xaqiiqda indhahaaga uga soo bogato mise firqo wareersan ayaad marti u ahaaneysaa weligaa ?


Ugu danbeyn aqristow raggii Muxamed Suleymaan soo daliishadey waad aragtey warkoodi oo istighaathada ayeyba si cad u qabaan. Meelaha uu daliishadeyna aadaabta marka qabriga la joogo ayey ka hadlayaane fikrada asaasigaa oo shirki miyaa mise maahan waan kuu soo guuriyey. Haddaad rabtana adigu maraajicda raadso oo kasoo bogo. Waxaasoo culimo salaf iyo khalaf ah ayaa mas,alada saad aragtey si cad oon leex leexad aheyn u qabee. Ma la hayaa hadal aan la taxriifin oo si kuwaas kuwo u dhigmaa shirki ugu sheegayaan mas,aladaan?


Halkaas weeye meesha la doonayo inaad maanka ku heyso. Ibnu Teymiyah ayaa bilaabey. Muxamed C/Wahaab ayaa soo nooleeyey. Maalka Sacuudigana waa loo isticmaaley in khuraafadaas ummada tawxiid looga dhigo! Aayadaha lagu rafanayo waxey daliil noqonayaan oo kaliya marka (ان الحكم إلا للّه) iyo (  ومن لم يحكم بما أنزل اللّه) ay khawaarij iyo takfiir daliilo u noqdaan. Salafinimada la sheeganayo halaga run sheego oo salafka hallooga danbeeyo Qur,aanka fasirkiisa oo yaan loo gacan dhaafin. Mas,aladii waa taas oo cid kastaa sameyn jirtey oo mas,alo Ibnu Teymiyah la bilaabatey maahane yaa uga horreeyey Ibnu Teymiyah in shirki lagu sheego? Mise Quraanka unbaad sidii Khawaarijtii ku rafaneysaan?
Haye Muxamed Suleymaanow cid kale daaye oo Suufiyo iyo Wadaad Yare waxba ha u turine culimadii aad soo daliishatey ma mushrikiin baa mise hadalkaas aan kasoo guuriyey ayaan been ka sheegey? Bal noo sheeg!


Ammaa tawasulka Nebiga s.c.w lagu tawasulo jaahiisa culimada laga weriyey kutubtooda ku istiftaaxey tawasulka jaaha Nebiga s.c.w boqol kor ayey u dhaafayaan oo kibaarul a,immah ah. Marka haddaad u fiirsato tawasulku ijmaac sukuutiya ayuu gaari karaa oo wax diidi jirey oon Ibnu Teymiyah aheyn ilaa hadda waan baadi goobayaa. Dadka ku tawasuleyna way tiro dhaafeen. Markaas ayey lejnada iftaada iyo dacwada Sacuudiguna masaakiinta u xareysan oo cilmiga ka dhageysaneysa u sheegayaan in jumhuurtu tawasulka bidco u arkaan! Laa xawla walaa quwata illaa billaah! Dadkaas ayaa dad diin u dabo joogaan aan beenta xataa ka xishooneyn!
Ilaahey xaqa hana waafajiyo
وآخر دعوانا أن الحمد للّه ربّ العالمين


Warsame Gaabane (Wadaad yare) (wadaadyare09@gmail.com)

122 Comment(s)

1   1

4:49am on Tuesday, April 15th, 2014

-1'

1   1

12:01pm on Wednesday, April 9th, 2014

-1'

Anonymous   kampala

6:51pm on Wednesday, December 28th, 2011

waa diday inaad rasulka SWC aad wax weydisato malinta ALLAH lahortagan yahay yaa shafeco laweydisana maa ALLAH toos ulala hadashan bal inuu bidcada ujawabilaha laailaha illalahu muxamadu rasullahi waa meqa xaraf mise garan karta macnaha kujira bisinka waa meqa xaraf salada sunada iyo faradka marki la isku daro waa meqa xisabta ku sobaxda waa kudhufata 24 sanadka 365 malmod xubnaha jirkaga 365 sunada iyo faradka marki la isku dhufto 365 magaca xabibka ALLAH SWC iyo maga ALLAH marki la isku dhufto 365 wahadad mufakar tahay

Anonymous   kampala

6:50pm on Wednesday, December 28th, 2011

waa diday inaad rasulka SWC aad wax weydisato malinta ALLAH lahortagan yahay yaa shafeco laweydisana maa ALLAH toos ulala hadashan bal inuu bidcada ujawabilaha laailaha illalahu muxamadu rasullahi waa meqa xaraf mise garan karta macnaha kujira bisinka waa meqa xaraf salada sunada iyo faradka marki la isku daro waa meqa xisabta ku sobaxda waa kudhufata 24 sanadka 365 malmod xubnaha jirkaga 365 sunada iyo faradka marki la isku dhufto 365 magaca xabibka ALLAH SWC iyo maga ALLAH marki la isku dhufto 365 wahadad mufakar tahay

Ismail   Kenya

11:16am on Tuesday, December 13th, 2011

Asc marka hore wallaalayaal allaah ayaa wax badbaadiya qofkii makhluuq kutilmaamo inuu yahay kanwax badbaadiya allaah ayuu wax lawadaajiyay waana mushrik marka ogoow owliyo waaye shiikh nuur xuseenaa ladhahaa iwm hadhow wax kuutari meyso ee iska jir

reonfoste   Location unknown

7:55pm on Tuesday, November 15th, 2011

How do you play Barcelona in this year?

maxamad-yuusuf@hotmail.com   sacuudi carabiya gaar ahan jidah

4:10pm on Tuesday, May 10th, 2011

waxaan rabaa in la ii sheego biyo aad ku quweesatay malagu wee seesankaraa taa ayaan doo nayaa

salafi   dhul alle

2:13pm on Sunday, November 28th, 2010

Anonymous
war ninkaan yaa ila arka mushrik ma jirin asagaa keenay maxay tahy waxaa uu ka hadlaalyo oo ah hadalkan
"sheekh nuur xuseen dad iyo duunyo difaacow!" sow mahan hadal kan mid lagu looga shariik yeelay allaah sw

wadaad yare   neyrobi

2:10pm on Sunday, November 28th, 2010

salafi
sheekh nuur xuseen waa nin owliya allaah ah marka ma u diidan tahay hadii la yiraahdo dad iyo duunyo difaacaa maxaa ku jaban saaxiib hadalkaas inuu bad baadiyo na waxaa ka mid ah karaamaadkiisa

wadaad yare   neyrobi

1:57pm on Sunday, November 28th, 2010

salafi
sheekh nuur xuseen waa nin owliya allaah ah marka ma u diidan tahay hadii la yiraahdo dad iyo duunyo difaacaa maxaa ku jaban saaxiib hadalkaas inuu bad baadiyo na waxaa ka mid ah karaamaadkiisa

salafi   dhul alle

1:46pm on Sunday, November 28th, 2010

Anonymous
war ninkaan yaa ila arka mushrik ma jirin asagaa keenay maxay tahy waxaa uu ka hadlaalyo oo ah hadalkan
"sheekh nuur xuseen dad iyo duunyo difaacow!" sow mahan hadal kan mid lagu looga shariik yeelay allaah sw

Anonymous   Location unknown

3:35am on Friday, November 26th, 2010

"sheekh nuur xuseen dad iyo duunyo difaacow!"

ZAKI   My

11:22pm on Thursday, November 25th, 2010

NIMANKAN WAHAABIYADA WAXAA ISAGA DARSAN CAABUDIDA IYO MASAA'ISHA LAGA HADLAYO EE TAWASULKA IYO ISTIQAASADA, SIDAA DARAADEED: IYAGA AGTOODA QOFKII QOF KALE WAX WEYDIISTA AMA KA DALBADA INUU CAAWIYO WAA GAAL, LAKIN OGAADA DABINKA AY QOOLAYAAN IYO SIDA XUN OO AY WAX U FASIRAYAAN XITAA IAYGA QUDHOODU KA BADBAADI MAYAAN,(SI XUN WAX U SHEEG SIXIR WAA KA DARAN YAHAY) MARKA WAXBA YAANEY DADKA MUSLIMKA AH GAALO LA DUL TAAGNAAN HAR IYO HABEEN, EE HADDII SIDA AY KU ANDACOONAYAAN LAGU GAALOOBAYO IYAGA AYAA UGU HOREEYA GAALADA ISLA MARKAANA NOQONAYA KUWA UGU WAAWEYN OO AANAY JIRIN CID KA GAALSAN, BAL EEGA HABEEN IYO MAALIN TUUGSIGA AY KALA QEYLO DHAAMINAYAAN TALEFISHINADA IYO WAR-BAAHINTA OO IDIL IYAGOO WALIBA BEEN SHEEGAYA OO XOOLAHA UMADDA JEEBABKA KA BUUXSANAYA, WAXAA MUDAN IN LA WEYDIIYO: BAL INAAD GAALO WALIBA HABAARAN TIHIIN MAAD ALLAH WARSATAAN XOOLAHA AAD U CABAADEYSAAN SOW TAAD DIIDEEN IN ALLAH MOOYAANE CID KALE AAN WAX LA WARSAN KARIN (WAR ISKU XISHOODA MEESHA WAXBA KUMA HAYSAANE).
WAXAA WAX LALA YAABO AH IN QOF MUSLIM AH OO KU LEH WAR ANIGU MUSLIM BAAN AHAY EE GAAL MA AHI, LAGULA DHIIRADO GAAL AYAAD TAHAY!!, IYADOO WALIBA LAGU INDHA ADAG YAHAY, LAKIN QOFKII TAARIIKHDA DIB U RAACA WUXUU OGAANAYAA INAY TANI TAHAY TIJAARO AY KA GANACSADAAN WAHAABIYADU SI WEYNA AY UGA RIBXEEN TAN MARKII AY KASOO IF BAXEEN JAZIIRADDA CARABTA, KADIB MARKII AY CULAMADII ISLAAMKU BAKHTIIYEEN HADAYAANKII IYO MATAATACII IBNU TAYMIYAH, INSHAA ALLAAH TANINA WAY BAKHTIN DOONTAA WATIGII AY QAADATABA.

salafi   dhul Alle

4:42am on Thursday, November 25th, 2010

abu cabdalla yemen.
Walaal dacaayada haas wax kadaran ayaa laga sheegi jiray rususha Alle, heer mushrikiintu ku eedeeyeen Rasuulka csw, in uu Qur'aanka ka soo guuriyey Ahlul kitaabka, oo subax iyo galaba uu qorto!,iyaga oo difaacanaya in ay awliyada shafeeco weydiistaan,saas oo ay tahayn cidii Allaah khayr ladoonay waa ku qancday in ay awliyo tuugsiga daydo, sidoo kale dadka aad dacaayadayn Alle ayey ku raalli noqdeen oo ku filan, ee adigu walaaloow xaqa hakalumin.

Dahirtosane   NZ

8:18pm on Wednesday, November 24th, 2010

Waxaad halkan kacad inaadan rasuulka manaam iyo soojeed kuarkeeyn haduusan illah (sw) idin hadiyeeyn
Hadii aad sidii yahuuda aad diidaan axaadiistii rasuulka ama weeyneeyntiisa ama ay idinlanoqoto waxaanan laqbalikarin in billaal madaxiisa saaro qabriganabiga ama safar uu kagayimaado illaashaam iyo madiina
Bilaash cadaabkalooma uuminin xukunkiina kutubta ayeey kutaal

abu cabdalla   yemen

5:00pm on Wednesday, November 24th, 2010

hashu maankayga gadee ma masaar bey liqday. waxaa la yaab ah in maanta umad islaam ah oo islaam asalkeedu yahay sunni, diin looga dhgo waxii ay jawaasiista ingriisku ku beereen mandaqadda bariga dhexe gaar ahaan jasiiradda carabta, wahaabigu ka mid maha xataa culimadda aragtiyaha dimeed ee furuucdaa isku haya, wahaabigu waa koox ay jawaasiistii gumeysataha ingiriisku ku dhex sameeyey jasiirada carabta waana wax laga xishoodo in masalo diimeed lagala dood, waxa uu ahaa gaalkii ugu horeeyey ee wahaabiyada ku gacan siiyey in ay maamulaan dhulka barakaysan, kuna laayaan ahlubaytka rasuulka NNKH, gaalkii weynaa ee haanfari mana aha wax qarsoon ee dadka caamada ah ee soomaalida ah ayaa lagu jahwareeriyey, dhigoodiina lagu banaystay, guryahoodiina looga qixiyey, waad ogtihiin wadamada ay ka jirto manhajka wahaabiayada sida sacuudiga, kuweiyt yo kuwa kaleba waa kuwa saldhigyada u ah cadwga ilaahay waana kuwii looga duuley dalka ciraaq laguna qabsaday, walaalyaal ma waxaasaan diin ka dhiganayna, kitaabka allaah iyo sunnaha nabigaa nagu filan intaan raaci lahayn jawaasiiska ingriiska iyo kooxaha ay jasiiradda carabta ku dhxsameysteen si shacbiyada islaamka loo wareeriyo, looguna tilmaamo gaalo lagu jihaado, si meesha looga saaro mida ay gaaladu ka wada dhulka barkaysan tusaale uugu fulan intaas ruuxii wax kala garanaya wabillahi tawfiiq

ceebla   Location unknown

3:50pm on Wednesday, November 24th, 2010

haaa jzk allaah ad baa u mahadsan tahay walal ajar aan la soo koobi karin alle ha ka siiyo

salafi   dhul Alle

12:50pm on Wednesday, November 24th, 2010

Intaas kadib, qofkii og in galada quraysh, rumays naayeen Alle, samayna jireen cibaado badan sida Xajka, soonka, cumrada, nadarka, kacbo dhisida, jecelka alle, tuugsiga Alle, balse shirkigoodu ahaay, in ay weydiistaan shafeecada, baryaana saalixiinta, malaa'ikta, anbiyad, ama sanam ha maraan, ama toos ha ugu yeertaane sida suufioyadu samaysaba, qofka aas og hadana, suufiyo ka aqbali sheekooyin la sameeyey, isaga ayaa cirka roob ku og!.

salafi   dhul Alle

12:47pm on Wednesday, November 24th, 2010

ceebla cadeey!.
Qisada lagu sheegay in bilaal qabriga rasuulka csw, ciidiisa is mar mariyey!, ma aha wax jira oo sugan!, oo labo cillad (cudur)ayaa kujirta:
(1)-waxaa weriyey Ibraahiim b maxamad b bilaal, lamana yaqaano Bidhaantiisa!( majhuulul cayn), Dahabi-na waxa uu ka yiri sanadka fiihi jahaala.
(2)-sidoo kale waxaa weriyey qisada sulaymaan b bilaal b abid dardaa', isna waa daciif kale( majhuulul xaal) oo khabarkiisa lama aqbalo.
Markii Imaam dahabi xukumayey qisadaan aad ayuu u daciifiyey, kuna tilmaamay in aan la aqbalayn:(isnaaduhu layyin wahuwa munkar!), Siyar 3/358.
Sidoo kale Ibnu xajar waxa uu yiri: waa sheeko( qiso) ay iska cadahay in la sameeyey!( wahiya qissatun bayyinatul wadhci!), Lisanul miizaan 1/201.

farxaan shure   kampala

9:07am on Wednesday, November 24th, 2010

maaashaaa allaaah[ safiya burco ]waxay keentay tusaaale yar aad ku fahmi kartaa inay suufiyada qaloocan yihiin ayna diin ba heesan hadana kaaga daran dadka ayeyba ugu sii yeeraaayaan allaah ayaan kaa magan galnay]

safiya   burco

8:39am on Wednesday, November 24th, 2010

Muxamed ba soo socdee saf saf haloo salaamoy? Fadumoy na baqooli batuulo nabiyey oo janadi nala gaar. ?xagee ku soo marnaa xawooy xasba naga ka xigee xawoy xabaal ba naga gashaye xaawoy xage ku soo marna xawooy? Madada sitoy madadaa sitoy fadumooy madada mandadba markan maqlay baan muxuboodayeey madadaa axmed nabi muxamed yaa shaficil qiyama nureey salam caleka badaas ka baaxad waynaa bishaas ka nuur badnaaya eebow burhaan badnaya eeboow burhan badnaya ma saxba waxan oo dhani bal ila eega mise wa shirki

ceebla'   cadey

6:15am on Wednesday, November 24th, 2010

Hadi daahir doosane kitaabka u shegayo an la cadeyn iyo tusaalaha u keenay sufiyada inay sax yihin baan u malaynaynaa wa marki igu horeysay oo marka salafi iyo dadkina iga cilmi badan bal ii cadeeya iyo qofki garanay sabir iyo ninka wadaad yare la doodaya inu commentska ka qayb qaatan ka codsanaya wa mahadsantihin anigu ciida qabriga la is marmariyay waxan u haystay dad lunsan inay sameyan oo wax alle ka soo haray gargaar waydista

Dahirtosane   NZ

5:47am on Wednesday, November 24th, 2010

Liiban masujuuda la amray malaaigta iyo qamri oo ah waxdadka iskasameeysteen oo waliba waxlaqurmiyay oo aanan maskaxda iyo Jirkaba ufiicneeyn ayaad tusaale usoowadaqaadaneeysa jawaabtaadu mawaxaaweeynaan markiihore Waxaala amray mallaaigta illah iyo Adam in ayeey caabudeen anagase waa nagalaxarimay miyaa inaanucaabudno

Dahirtosane   NZ

5:33am on Wednesday, November 24th, 2010

Ibnucasakir waxuukuwariyey kitaabkiisa tarikhu dimishikh juska 7 boga 137 inuu bilaal oo ahaa muadimkii rasuulka uu rasulka ( scw) ruya AMA manaam kuarkay xiligii sayid Cumar uu qalliifka ahaa isagoo kuleh maxaad billaaloow iigooysay oo aad iisoosiyaaranweeyday markaas ayuukasoosafray sham oo uu usoosafray siyaarada rasuulka oo uu madiina yimid markuuyimid ayuu wajiga saaray qabrigii rasuulka ciiidiiqabrigana waa ismariyay wuuna kugalgalimeeystay xadiiskaas waxaa sooqaatay taqiya diin subki kitaabkiisa shifausiqaam boga 55 waxuuna kutilmaamay midsaxiix ah

salafi   dhul Alle

5:08am on Wednesday, November 24th, 2010

Dahirtosane.
Bal aan hal su'al iyo jawaabteeda ku bilawdo doodeenee!.
Hijrada kahor, intii aan khamrada la xaaraan timayn, oo saxaabada qaar cabi jireen, qofkii inkira xalaal nimadeeda, ma muslimbuu ahaan lahaay, markii la xaaraan timeeyey kadib, qofka xalaaleeyaa ma muslimbuu ahaan?.
Hadaba walaal, hal shay ayaa xalaayn tiisa marna lagu gaaloobi markalana lagu islaami.
Hadaba, sujuuda hadii alle amro waa cibaado, hadii uu shirki ku xukumana waa shirki iyo gaalnimo.

Dahirtosane   NZ

5:06am on Wednesday, November 24th, 2010

Ku liiban Nairobi
Malla'igta markeey usujuudeen Adan (caw) mashirki ayey kudhaceen oo shaaydaan ayaa kasaxsanaa ileen sujuud waacibaadee ?

salafi   dhul Alle

4:47am on Wednesday, November 24th, 2010

Dahirtosanoow!, way iyara dhibi, in aan ka aamuse walaalkay oo ii yeeri, oo weliba su'aalo diini ah i weydiin, dhanka kalena uma bogsani hadallada tirada badan ee rag iska celinta ah ee aad sida joogtada ah u isticmaasho, ee walaaloow ballan qaad in aad joojinayso hadalada qallafsan ee joogtada ah, ama walaaloow raali ka ahaaw hadii aanan ka jawaabin su'aalahaaga qaarkood wajiiha yihiin.

Liban   Nairobi

4:35am on Wednesday, November 24th, 2010

To: wadaad yare walaal marka hore rabi ka cabso, sax maahan in aad umada ugu yeerto shirki banaanka yaal, istighaathada rabi kaligiis ayaa iskaleh waana wax lagu gaaloobo xaqii rabi lahaay hadaad siisid nebi muxamed c.s.w sidoo kale xaqii nabi muxamed masiin kartid saxaabadi iyo owliyada, shirkigu soo maahan illaah oo wax lala wadaajiyo? Shirkigu soo maahan illaahey lajirkiis oo labaryo ayadoo rabi yiri: (wacbuduu walaa tushrikuu shey'an: oo macnaheedu yahay icaabuda waxna ha ila wadaajinina) ama ayada kale:( wa qaala rabukumu adcuuni astajib lakum ina ladiina yastakbiruuna can cibaadatii sayad khaluuna jahanama daakhiriina: oo macnaheeydu yahay aniga ibarya waan inka aqbalaahe kuwa sika weynesiyada baryadeyda waxey gelaayan jahanama ayagoo duleysan). Hadaba waxaan ku dhihi lahaay umada ha ufasaxin shirki iyo gaalnimo aan geed lowgu soo gamban wabillahi towfiq

Osman   Location unknown

3:52am on Wednesday, November 24th, 2010

Maashaa,allaah !! ilaah haku barakeeyo ..si wacan baad inooga shaafisey mowduucaan tawasulka ama istigaasada ama tabaruka ama tashafuca ama madadka hadba sideey dadka u yaqaannaan...laakiin umad badan baa xaqa ka indho,la .ilaah xaqa ha fahansiiyo aamiin!!

Umaddana wahaabiyada allaha kaso reebo aamiin!!

Dahirtosane   NZ

3:36am on Wednesday, November 24th, 2010

Nabiyuusuf (scw) markii qamiiskiisii aabihiis oo indhala haloogeeyo wajigana ugadhufta uulahaa mashirkibaa ?
Nabi Muxamed (scw) waxuu kudhax asanyahay masaajidkamadiina Sida wahaabiyado qabto mamasaajidka madiina ayaa laduduminayaa mise nabiga (scw) ayaa lahasaarayaa mise labadoodaba waaladuduminayaa sida aad meelabadan kasameeyseen ? Hadaase iskudaydaan inaad 3 daas midkamidasameeysaan mallaayiinqof oosooxajinaya iyo wahaabiya maxaadfilaaysaan inaaykadhashaan

Daahirtoosane   NZ

2:25am on Wednesday, November 24th, 2010

Wahaabiyada ma ogyihiin in illaah (sw) amray in mallaaigtiisa aay usujuudaan Nabi Adam
Sujuuda aay usujuudeen mallaaigta Nabi Adam macaabudidbaa?
Mise waa Weyneeyn iyo illah dhawaansho ah?
Maadaama aay mallaaigta usujuudeen adam mashirki ayeey kudhaceen ?

Habeenkiiladheelmiyay nabiga (scw) ee jabriil amray inuuburaaqada kadago oo min 2 rakcadood kutukado meeshii Nabi Ciise kudhashay iyo qabrigii Nabi muse (caw) mashirkibaay Sameeyeen?
Ninkii sideeysameeyeen oo kalesameeyo oo qabriga nabiga labarakcadood kutukado mashirkibaa?

suhuur   london

1:28am on Wednesday, November 24th, 2010

salafi hadii an dhaho cabdiqadi jalayniw aniga oo iskga ciyarayaa ma danbibaaweynbaa misa waa mid yar wayo somalido aad aya ay uu isticmashaa afka iga bartay

muna   uk

1:15am on Wednesday, November 24th, 2010

walahay wadad yare waa mufsid weynad oo an ilahay yo rasuulkisa ka xishonay baal eega waxa uu nagu calinya shirkigi ilahy hadu kula donay hanuun ha ku so hadeeyo sida ii muqata hada wad garab martay xaqi

Dahirtosane   Newzealand

12:36am on Wednesday, November 24th, 2010

Your comments are unacceptable based on the preferences of this site's management vis-a-vis swearing.

Your comments, together with your IP address and the time/date of your posting, have been logged.

Please moderate your language in any future comments you add at this web site.

click here to continue

yaaab   Location unknown

10:36pm on Tuesday, November 23rd, 2010

walahi suufi maxaa heesto waaba waasheen qabuuro caabud ayee dadka ku waaninaayaan yaa rabi wadaad yare naar maa noogu waceesaa walaalow namood ilah kaamagan galnay

Cali   somalia

10:20pm on Tuesday, November 23rd, 2010

@ salafi iyo saabir ikhwaani ha is daalinina ninkan wadad yare anaa ku soo daalay, oo anigaa sifiican u aqaan.

mar 2baad Walaalayaal waxaan idiinka digayaa ninka wadaadyare labaxay, sifiican baa u aqaan, marar badan baan lamurmay.

inkasta oo qof kasta oo muslim ah uu xaq wayn leeyahay oo dhinac walba ah,
laakiin ninkan Daacad kama aha Niqaashkiisa marba gees buu u boodaa!!. ha isku wareerinina, hadana ninkan waa nin aad iyo aad mufsid u ah, madax adag oo jaaxid caniid ah.
waa qof ku dheeldheela diinta islaamka, bedela hadalka iyo nusuusta micnahooda, aad iyo aad u janjeera gaalada oona difaaca nidaamkooda sida UN, isarael sida falastiin lamacamusha, Europe etc… waa nin neceb muslimiinta asal raaca ah, waa nin qabyaaladiiste ah oo maalinba reer magaciisa wax ku guubabiya, maalinta uu isleeyahay Hawiye ayaa ku kacsan Alshabaab iyo xizbiga taas ayuu isticmaalayaa, maalinta reer kale sidaas oo kale, waa nin Calmaaniyada Gaalnimada, suufiyada iyo xitaa gaalada murtadiinta iyo asalka gaaladaba ka hormariya ugana hiiliya mujaahidiinta, waa nin xaalkiisa ilaahay uun ogyahay, waa nin diinta sida uu rabo u fasirta falsafad aftahanimo iyo beena ku shaqaysta, hadaydaan aqoon u lahayn sanooyin badan ayuu wax ku qorayey Somalimirror ama beerdhiga mawqicii la odhan jiray. ninkan aad iyo aad ayaan idiinka digayaa, haddii aad tixgelin waydaan qoraalkayga mar labaad ogaada ninkan sharkiisa iyo kufriyaadka uu soo qorayo iyo waswaaska uu umada kudhexfidiyo inaad denbi ku yeelanaysaan, fasahaad iyo majliska oo uu inaga xumeeyana ay ugu yartahay,

salafi   dhul Alle

10:06pm on Tuesday, November 23rd, 2010

saaxiibkey wadaadyare, waxa uu ka dhamaan la'yahay, cajal wax lagu duubay ayaad tihiin, mandiqa soo barta, maskaxda fura, muranka alfaada daaya, wahaabiyo,iyo kalimooyin kale ee uu ku cel celinayo!.
Wallaahi!, ma fahmin waxa aad dooni.
Hadii lagaa dalbo in aad sugto, waxa aad ka diin dhiganayso, dadkana aad ku colay naysid ma muran baa!?.
Hadii lagu weydiiyo daliilka tusinaya in la tuugsado sh abo! iyo raga kale, ma muranbaa?.
Ma muranbaa, hadii laguugu yeero Allaah swt kaligi bari, iskana daay tuugsiga sh abbo iyo sh jeylaani, oo aadan run ahaantii garanayn janno iyo naar halka ay ku jiraan.
Dadkaan loo qaylo dhaansan markay dhinteen kadib, lagana rumaysan yahay in ay caalamka maamulaan sida sh jeylaani, xujo u keen ma muranbaa?.
Dadweynoow wadaadkaan la taliya, una sheega xadiiska Rasuulku csw ku Lacnaday qofka bidcada hoy siiya oo difaaca(lacanallaahu man aawaa muxdathan).
Yaa akhii, wax laysku haysto in ay shirki yihiin, maxaa ku daba dhigay, maxaa budadaada buunsho ku daray?.
Maxaad u colaysan cid kuugu yeeri dariiqii rasuulka csw, mase rasuulka ayaa sh jeylaani tuugsigiisa wax ku collayn jiray?.

wadaad yare   neyrobi

9:02pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Taladaan idin siinayo haddaad xaq iyo xaqiiqo raadineysaan waxey tahey inaad manhajiyada wax baarista aad badashaan oo qaabab cusub oo qaabka muranka alfaada ah aad wax ku baartaan. Qaabkaas muranka alfaada waxaa ku lumey Khawaarij. Arintaana doodeeda aniga waa iga intaas ilaa mawduuc kale.

ahmed   uk

6:52pm on Tuesday, November 23rd, 2010

salafi dhul alle akhi wadad yare ma donayo inu xaqa qato

Athari   Location unknown

6:32pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Cali Jumcah!

Ma aha Sheekhul-Azharka Masar ee waa Muftiga Masar.

Midda kale Cali Jumcah waa ninkii xalaaleeyay Khamrada inay Muslimiinta iibin karaan "ee ku baraarug".

Waxaana ah Sheekhul-Azharka Masar Axmed ad-Dayyib.

Raali ahaada Salafi iyo Saabir inaan dooddii yara leexiyay maadaama Wadaad yare uu keenay arimo kale oo uusan ka run sheegin si loo ogaado inaysan arintu ahayn siduu wax u sheegay.

saabir   xamar

5:56pm on Tuesday, November 23rd, 2010

wadaad yare

halkaas ayeey dooda ku soconeysa dhanka kale waa ku ceebeysantahay si aad uga hartayna waa la,dahay!

war iska jooga qofkii ku dhaca howlahaas ma mushrik baa aan ninkan daliil markiisa weydiinee maxaa ku daba dhigay wax aadan meel geyn karin!?

salafi   dhul Alle

5:52pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Talo.
Wadaadyare iyo dadka uu garyaqaanka u yahay, diyaar ma u yihiin, in masaa'ilka diiniga mid mid looga doodo, oo aan dhawr arin laysku furin hal mar, balse inta mid laga gun gaarayo aan inta kale lasoo qaadin,si loo kala faa'iideeyo, ama ugu yaraan xujada la isugu oogo, isla markaana laga helo aqristayaasha laba qof oo dhex dhexaad ka ah, waxa ay wax ku kala saarayaana laysku waafaqo.

wadaad yare   neyrobi

5:49pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Salafi
Ka waran ma ogoshahey si ummadu danaheeda kale u raacato inaad joojisaan takfiirintaan iyo dadka inaad mushrikiin ku sheegtiin?

salafi   dhul Alle

5:30pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Waxaa muhiim ah, in la garto dariiqada iyo manhajka culumada marka ayb alifayaan kutubada.
Kutubadu waa sedex qeybood:
Qeyb qoraagu aga dan leeyahay in uu soo arooriyo wixii sugan sida saxiixul bukhaariga iyo muslimka.
Qeyb, waxa aan sugnayn oo kaliya lagu qoro sida kutubul mawduucaat.
Qeyb, wax sugan iyo wax aan sugnayn intaba lagu soo arooriyo sida kutubta sunanka, Siyarka( taariikhda, masaaniid.
Hadaba qofkii soo xaabsada waxa ku yaal kutubta mawducaatka, iyo Siirada, ee aan iska hubin waxa ku qoran, kadibna caamada waqtiha uga lumiya kitaabka sairada u laabo, hebel ayaa kitaab hebel ku sheegay, sow marin habaabin iyo naf been u sheegid! ma aha.

wadaad yare   neyrobi

4:27pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Inaad madhab bidci ah oon meelna heysan umada hoyaad iyo harsimo ugu diidaan ood ku kala qeybisaan oo soo saartaan jamaacaat takfiiri ah dadkii masaajida ku leynaya waad ujeedaan. Maxey ugu leyn waayeen soo waa mushrikiin lama soo barin? Dabcan. Fikirkiina natiijadiisa xataa ma fahamsanidin ee wiilashii fikirkiina xarfiga ahaa qaatey ayaad khawaarij ku sheegeysaan!Qofka waa mushrik ama shirkibuu galey marka la yiraahdo haddii awood loo helo soo istitaabo lama weydiinayo? oo Hadduu diidana lama dilayo sidaad qabtaan? Waxaan Shabaab wado waa fikirkii Muxamed Cabdul Wahaabe maahan wax cusub.

wadaad yare   neyrobi

4:21pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Sheykul Azhar Cali Jumcah dhegeyso iyo markuu ka sheekeynayo Wahaabiyada taariikhdeeda. Xaraka mashbuuha oo muslimiinta waxaan nacfi kasoo geleyn ku mashquulineysa ayaad tihiine Ilaahey ha idin soo hanuuniyo. Bal ka waran haddaan aniga iyo adigu maantoo dhan intaan mawduucaan ku doodeyno dan kale qabsan laheyn? Adigaa diidan oo nagu qasbaya fikir aan laga aamusi karin oo khuraafo la dhoodhoobey ah. Ilaahey wuu idiin jeedaa dhibkiinee ha idin qabto.

Athari   Location unknown

4:20pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Wadaad yarow

Bukhaari ayaa baabeystey wuxuuna dhashey 94 hijriya:

Waxaad kala jeedday ayaan u malaynayaa 194 Hijriyada?

wadaad yare   neyrobi

4:17pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Dabcan intaas ayaad naf ka raadineysaa oo qalin daarkaas yar oon sameeyey 194 meeshaan u wadey aan ka iri 94 ayaad niyada ku dhisaneysaa iyadoo la ogyahey inaan hilmaan hadal ku jirin,laakiin taas Wahaabibaad u tahey oo kula yaabi maayo!
Mawduucaatkiisa miyuu kusoo arooriyey xadiithkaan maxaa mawduucaatkiisa meesha keeney mise tadliis dadban ayaad naf ka raadienysaa?

salafi   dhul Alle

4:06pm on Tuesday, November 23rd, 2010

waa mushkilo hadii lala doodo caami, ay asac binayaan caamo!.
Waxa uu ku leeyahay: "Xadiithka Ibnu Cumar oo "Yaa Muxamad" Bukhaari ayaa baabeystey wuxuuna dhashey 94 hijriya".
Yaa akhii, bukhaari ma dhalan waqtiga aad ku andacootay ee 94ka!.
Yaa akhii, xadiis lama yiraahdo, waxa aan rasuulka csw loo tiirin.
Yaa akhii,Xataa hadii hadalka ibnu cumar sugnaan lahaa, matusinayo gar gaar dalbid, ee waa sida ka buuxda ashcaarta carabta waa kalimo aan looga jeedin marnaba gar gaar dalbid, sida hooyadaa ku weyday( thakilatka umuk).
Yaa bukhaar, kuma soo aroorin atharkaan saxiixiisa, waxa uu kusoo arooriyey taaariikh diisa iyo adabul mufradka uma shardin saxnimo,sidaas daraadeed waxaa ku sugan wax aan sugnayn.
waxaa kasii daran oo bukhaari leeyahay kitaab la yiraahdfo mawduucaat, oo kulli wax sugani ku jirin.

wadaad yare   neyrobi

3:06pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Bal u fiirso waxa lagu kari la,yahey iney hoos u dhúgtaan oo ay ka ilduufayaan waa dulucda iyo macnaha mawduuca jadalku ka taaganyahey oo Salafkii inuu jirey ay ku cadahey mawaaqifta culimada xufaadaa oo soo naqliyey iyagoon fikradii naqdin,balse baabeystey oo ka dhigan iney ku qanceen(Fa annaa yu,fakuun)?

wadaad yare   neyrobi

2:49pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Sidaasoo kale aathaarta iyo axaadiithta ay tashwiishka ku furayaan culimadii islaamkaa baabeystey oo Al xaafidu Daarami xadiithka Maalikudaar wuxuu ku baabeeyey(Baabu maa akramallaahu nabiyahu bacda mawtihi)wuxuuna dhashey 181 Hijriya! Bal u fiirso oo yaan lagu qaldin. Wuu baabeystey. Markaad intaas ogaatey axaadiithtaas cid culimadii ah oo tiri waxaasi waa shirki mala hayaa? Ilaahow hidaayaan ku weydiisaney!

wadaad yare   neyrobi

2:35pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Xadiithka Ibnu Cumar oo "Yaa Muxamad" Bukhaari ayaa baabeystey wuxuuna dhashey 94 hijriya. Sidoo kale Ibnu Sunni ayaa baabeystey 280H ayuuna dhashey! Marka ma shirkibey baabeysan lahaayeen culimadaasi ayey kula tahey?

salafi   dhul Alle

1:36pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Lama hayo,hal dhacdo! oo sugan oo tusinaysa in qof cilmi lihi alle cid aan ahayn gar gaar weydiistay, kahor intii aan shiicada iyo suufiyadu muslimiinta u talin qarnigii sedexaad iyo wixii ka danbeeyey, sidaas oo ay tahay mar waliba oo dadka dhintay la tuugsanayey waxaa jirtay cid arintaas ku sheegaysay shirki, balse sida qoraaga ayaa laga kibrayey xaqa, lana colaysanayey salafiyiinta.
qofkiise dacaayad diin ka dhigan, wahaabi, wahaabi, wahaabi, iyo wax lamid ah, nabedeey.

wadaad yare   neyrobi

1:35pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Saabir iyo Salafi
Dood wareersan looma baahnee culimaad doodiini hore oo Muxamed Suleymaan aad soo daliishateen. Culimadii aad soo daliishateen dhamaantood ayaan hadal cad oo in istighaathada iyo barakeysigu bannaanyihiin aan idiinkaga keeney. Haddaba ummada ha wareerina adinkuna ha is wareerinee xageed arrintii iyada aheyd ku ogeydeen? Mise muran asaaniid ku saabsan ayaad dooneysaan inaad uga dhuumataan?

saabir   xamar

1:26pm on Tuesday, November 23rd, 2010

wadaad yare

walaal u kaadi sidaa maahee aan is ceshanee maxaa ku helay walaal caamada in aay gartaan ma shardi baa jarxiga iyo tacdiilka!?

walaal sidaas maaha arinkee aan illaahey ka cabsano.

salafiyoow adigana waxaada yeysan u muuqan ku digashee xaqa uun nin cadeynaya u ekoow wadaad yare qudhiisa waad aragtaa waxbaa sugan malaha hordhaca maqaalkana waa ku sheegay in daciif meesha uu keeni doono.

wadaad yare bal adigana dooda xadee weliba kuuma xadeysnee.

salafi   dhul Alle

1:20pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Layaab!,Iska ilaawna waa ileeyahay, welina waa xujaysan!.
Yaa akhii wax faham!, culumada waxa aad u tiirin sug marka hore, marka xigta, ma macsuumbaa caalimku, miyaan saxaabada qaarkood Rasuulka csw ka dalbin in ay caabudaan dhirta sida bukhaari ku sugan, miyaan qarkood khamrada xalaalaysan iyaga oo u mooda in ay banaantahay, miyaan rasuuku cadayn in umadiisa qaar caabudi doonaan Alle cid aan ahayn, oo lagu daysan doono yuhuud iyo nasaaro, miyaan, miyaan?.
Halkee kaa aaday, hadii aad wax ku doodaan u celiya Alle iyo Rasuulka( fa in tanaazactum fii shay'in..

wadaad yare   neyrobi

1:14pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Dadku waxey fahmayaan in laga hadlo ayaa fiican. Cilmiga "Al jarxu wa tacdiil" oo axaadiithta lagu kala shaandheeyo oo kii daciif ah iyo kan kale lagu ogaado hawl dadweyne caamaa u taalla ma ahane waa takhasus. Caamadu haddey ugu bataan culimada waaweyn oo islaamka ayey qaarkood yaqaanaan. Culimadii oo caddeynaya in istighaathadu banaantahey ayaan kuu keeney. Weliba culimadii adinku aad keenteen hadalkooda ayaan mid mid umada usoo hor dhigey. Halkaas inaad ka hadasho aad ku fadeexowdeen ayey aheyde ma ahan in waxaan la fahmeyn aad ka hadasho.

saabir   xamar

1:12pm on Tuesday, November 23rd, 2010

wadaad yare

walaal labo arimood ayaa kala saarid u baahan oo si ula kac ah leysugu qasayo si aan wax u kala caddaan dadka qaarna cowradooda u feydmin!.

1- maxaa ku doodeysaa labo arin midkood oo kala ah waa cibaado sugan sida maqaaladada ka muuqato?

2- mise waxaad ku doodeysaa arintan maahan cibaado sugan laakiin qofkii ku dhaca lama gaarsiin karo gaalnimo?

haddii aad ku doodeyso midda hore oo maqaalkada ka muuqato waxad u egtahay nin doonta lasii dageyso biyihiina ku haftay marka la eego waxa aad daliishatay oo la wada cileeyay ilaa haddana dawo keeni la,dahay yacnii daliilka cilad buu wada qabaa ma dhahayo baaridna kuma sameyn laakin raga soo baaray fariimahoda ayan u jeedaa adigana jawaab kama hayo ku aadan arintas.

haddii aad ku doodeyso arinta labad ee ah meesha cibaado ma taallo laakiin qofkii ku dhacaa shirkiga kuma dhicin lagumana gaaleyn karo waa qodob kale ee walaal adiga meel raac, ka dib cidda qabta in shirki akbar lagu dhacay iyadaa daliil laga rabaa.

laakiin hadda ka soko ayeey joogtaa ee isku day in laga gudbo arimahan ma cibaado sugan baa mise maahan ka dib ayeey imaan kartaa ma mubaax baa? ma danbi kalaa ma shirki yar baa ma midka weynbaa?

wadaad yare   neyrobi

1:05pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Salafi
Nooca Wahaabiga "namuudajigaa" namuunada ah oo asalkaa ayaad ka tarjumeysaa ee qof mawduuci ah oo lala niqaashi karo ma tihid. Cajalad mumil ah oo sidii otomaatikii u daarmeysa oo dhowr kalimo oo la yaqaano soo qubeysa ayaad tahey. Axaadiithta sixadooda iska illow ee maxaad culimada islaamkaa dhamaantood oo ku camal faley axaadiithtaas oo kutubtooda u baabeystey ku sheegeysaa? Ma shiicaa mise waa suufiyo mise waa mushrikiin?

salafi   dhul Alle

1:04pm on Tuesday, November 23rd, 2010

hadii aan cadeyey naf la caari nimada qoraaga, waxaan weydiin dad weynaha su'aal?.

Rabbiga na abuurtay, shiicada iyo suufiyada dhana abuuray, ayaa nagu filane kaligi ma barinaa, mase sh abbo! iyo sh jeylaani, ayaan ku lamaaninaa rabbigeen oo la tuugsanaa!?.
Rasuulka sunadiisa sugan ee aan labo isku haysan, ayaa buuxdee ma ku dhaqanaa, mase waa in lagu lamaaniyo hebal ayaa buubay iyo hebel ayaa riyooday iyo hebel ayaa sheegay!?.

wadaad yare   neyrobi

12:59pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Salafi
Alaaciibtaas iyo boola xooftadaas asaaniida wax ka weyn ayaa meeshaan yaalla. Waxaas aad bahlawaaniyaat iyo xadiithkaan ma sugna iyo kan ciladbaa ku jirta oo dhan waxey imaan karaan marka arrintu taagantahey waa waajib ama waa sunno. Laakiin waa shirki diinta looga baxo iyo waxaad ka hadleyso isma leh.

salafi   dhul Alle

12:57pm on Tuesday, November 23rd, 2010

(5)- shiico iyo suufiyo markay waayeen, waxay u xujeystaan bidcadaan ay ku barbaareen, ayey waxay keeneen in ay yiraahdaan, maalintii Yamaamah waxaa saxaabadu u yeeranayeen Nabiga csw!.
Hadaba waxaa lunsan qofka loogu yeerayo war alle kaliya bari ee isaguna la soo indhacad! qisas sheekooyin, iyo hebelbaa laga sheegay in uu barakeystay hebel,hebelbaa riyooday, hebalbaa qabri ku ag hurday,waxaa layiri..
Subxanallaah!, miyaanay ku filayn, raaca waxa laga soo dejiyey xaga rabigiin ( ittabicuu maa unzila ilaykum min rabbikum)!.

salafi   dhul Alle

12:48pm on Tuesday, November 23rd, 2010

(4)- atharka uu ku sheegay in imaam shaafi, barakaystay qabriga abuxanifa, masugna oo waxaa laga weriyey Cumar b isxaaq b Ibraahim, mana jirto cid taqaan kutubada tarajimtana lagama helo, sida ay cadeeyeen mucalimi, albaani iyo ahlul xadiis badan.
hadii ay sugnaan laheed laf ahaanteeda shaafic ma tuugsan abu xanifa, hadii uu tuugsan lahaana xujo ma aha, oo wixii latsku khilaafo waxaa loogu laaban waxyiga Alle.

wadaad yare   neyrobi

12:38pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Saabir
Waa waajibe u deg deg iyo waa sunnee samee wax ka weyn oo qaasimatu thahri ah(mid dhabarka kala jebisa) oo xataa waa xaaraam ama waa karaahiyo ee iska daaya ka weyn baa meeshaan yaalla,taasoo ah waa shirkul akbarkii diinta looga bixi jirey! Qiyaas waxa arrintaas ka ratibmaya intey la egyihiin?

salafi   dhul Alle

12:34pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Sidaan horay u sheegay qoraagu waxa uu ka soo ururiyey ragga aan sheegay ee Saqqaaf! ugu horeeyo waa wax aan sanad ahaan sugnayn ama si qaldan naf looga raadiyey oo loo daliishaday, kuna soo dhaweey cadaynta arintaas:
(1)- horay ayaan uga waranmay atharka loo tiiriyey Ibnu Cumar.
(2)-Atharka uu u tiiriyey caa'isha oo oranaysa meel ka baneeya qabriga Rasuulka csw, markaana la waraabiyey!, masugna oo waxaa kujira maxamad b fadhal as saduusi, waana isku dar darsamay( mukhtalad), hadii uu sugnaan lahaayna ma tusinayo istiqaasa( gar gaar dalbid).
(3)- atharka maaliku daar khaazinka cumar, ma sugna oo khaazinkaa lama garanayo markuu dhintay iyo in uu lakulmay abusaalaxa as samaan uu ka werinayo iyo in kale.
xaga macnahana lama baryin Rasuuka csw, mana looga yeeran meel dhowr kun! oo kilo mitir u jirta.

saabir   xamar

12:14pm on Tuesday, November 23rd, 2010

wahaabi maahi salafina maahiye aan qabuuraha kula siyaartee daliil keen!!

1- waajib dheh daliilkina saar waajibka laga qaadan jiray aan qubuuraha u deg degee si aan denbi iga imaan ileen waajib la dayaco danbi baa ka ratimee.
2- sunno waaye dheh daliilkiina keen sunno laga qaadan jiray, nabigaa miyaa amar aan waajib aheyn ku amray oo sunne ah, ma isagaa sameeyay ma hortiisaa lagu sameeyay oo wuu sugay.

intaa ka dib cibaadada inta oo dagaal aad u gelesid ee aan nabiga ogeyn maxay tahay danta laga leeyahay yaase lagu dhagrayaa!?

wadaad yare   neyrobi

12:13pm on Tuesday, November 23rd, 2010

Umu Anisa
Iga cafi hadaan kasoo bixi waayey ballantii aheyd inaan dooda meeshaas ku joojino oon kaa aqbaley. Dooda ayaa wejiyo kale oo in aan wax iraahdo qasbeysa la baxeysa sidaan u jeedee. Qofku inuu qawlkiisa ilaaliyo ayaan qabaa anigu(Al cahdu deyn)!

saabir   xamar

12:09pm on Tuesday, November 23rd, 2010

wadaad yarow hal arin gar kuma hili doontid cid wax u bilaaban yihiina kama dhaadhicin kartid adigana khatar beey kuu horseedeysaa.

waxay tahay masaail diini ah ayaan public keenayaa oo weliba cibaad ah weliba dhanka caqiidada ah kitaabka quraankana waan ka cudur daaranayaa! markaaba waxa soo baxeysa in aad mas,alada hakisid, haddana axadiithtii baad u weecatay hordhaca maqaalka ayaad ku muujisay in maqaalka ku jiraan axaadiith daciif ah qaar baad xustay oo aadna daliishatay qaar kale waa laguugu heystaa!

hadda qaabka uu maray salafi ee xadiithka uu u cileeyay adigoo isku dayin jawaab in aad ka bixiso ama raacdid ciladda ama daaweysid in aad qoraal kale geleysid iima hubaneyn.

haddana axaadiithta lama daliishan karo armey kaa soo dhowday!? xaqiiqatan haddii cilmul xadiitha wax kaaga bilaaban yihiin in aadan ku dooda sii wadeyn aragtideyda in ujeeddo kale meesha ku jirtana waa suuro gal.



saabir   xamar

12:00pm on Tuesday, November 23rd, 2010

hal mid waan isla ogolnahay ayaan filayaa in dooda loo celiyo diinta islaamka asalkeedana waa kitaabta iyo sunnaha wax badax banaanan kara ma jiraan oo daliil aqbal.

saabir   xamar

11:54am on Tuesday, November 23rd, 2010

wadaad yaroow aniga muslim baan ahay diinteydana waa islaamka , mana doonayo in aan difaaco wax kasoo haray muslim iyo islaam yacnii koox kastoo aad sheegato xaqa waan kuugu taagerayaa in aad muslim tahay ayaa shardi ii ah qof kastoo muslim ah ayaana ku taagerayaa xaqa baadhilna uguma garbeynayo.

haddaba haddii aay dhacdo mas,alo isku meel ka fahamno ma keensaneyso in aan koox iskula jirno sidoo kale haddii aan ma,alo isku fahmi weyno ma keensaneyso in aan koox fulaan ah.


Page: -1-   2   

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Siyaasaddii islaamku asaaska uga dhigay dowladda islaamka.
Riix Halkan

Qawaaniinta oo loo xukuntamo Ma la isku Gaaleysiin karaa?
Riix Halkan

Miisaanka sharcigu u dejiyay Gaaleysiinta iyo.....
Riix Halkan

Gaaleysiinta iyo Dhibaatada ay Islaamka Ku Heyso Markastaba.
Riix Halkan


Dhageyso Gabayo xul ah Abshir Bacadle Alle ha u naxariistee: Allaa Mahad Leh

Hubka Inaga Dhiga

Qabyaalada

Xadhig Xujo

Guurka

Qaadka

Shirib

Qudubi

Danta Guud

Gabayga



yaa Ka dambeeya Dilalka qorsheysan ee Muqdisho iyo Shirqoolada saxaafadda
Warbixin Xasaasi ah
Riix Halkan