Horta Sheekh Maxamed C/wahaab Muxuu Aaminsanaa?







Qeybta 1aad
Qeybta 2aad
Qeybta 3aad
Qeybta 4aad
Qeybta 5aad
Qeybta 6aad
Qeybta 7aad
Qeybta 8aad
Qeybta 9aad
Qeybta 10aad
Qeybta 11aad
Qeybta 12aad
Qeybta 13aad
Qeybta 14aad
Qeybta 15aad
Qeybta 16aad
Qeybta 17aad
Qeybta 18aad
Qeybta 19aad
Qeybta 20aad

hidden hit counter
soo booqatay
  Audio
BBC 04:00
BBC 11:00
BBC 14:00
BBC 18:00
VOA 13:00
VOA 16:00
VOA 17:00
  Links

Allpuntland
Biyokulule
Bulshoweyn
Dayniile
Golkhatumo
Halgan
Maktabada
Maalmo
Puntlandpost
Puntlander
Shaaciye
somalireal
Xogsheeg
 
Rooxaanland, Qaybta 1aad. Qormo la yaab iyo xaqiiq leh! Posted to the Web Jun 17, 09:37



Arar & Afeef

Qoraalkan aan ugu magacdaray „Rooxaanland“, wuxuu daba socdaa oo dhammaystirayaa labadii maqaal ee hore ee kala ahaa „War niman yohow Raggii meeye?- 2007 iyo „Soomaala’ayeeey! Ciiloow ba’!!!!!!’ – 2008.

Maqaalku wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood:

Qaybta 1aad, waxay ku saabsan tahay rooxaanta ina wada haysa, siday innaga wada dhigtay iyo sida xaalkeennu wada noqday!

Qaybta 2aad, waxaan ku lafagurayaa arrin diimeed oo runtii xusid iyo faham mudan, oo nugu soo siyaadday. Dad badanoo had iyo jeer isweydiinaya su’aasha ah „Goorma iyo xaggee nooga timid isgaalaysiintu?“ ayaa jawaab ka helaya qaybtaan.

Qaybta 3aad, waa gunaanad. Daawada aan u baahan nahay, sidaan u qaadan lahayn iyo arrimo kaloo aanan ka hor degeyn.
waxaan akhristayaasha ka codsanayaa in wixii gafaf kama’ah, haddayba soo baxaan, ay saxaan……. Ma gafe waa Illaah. Wixii ka yimaada maqaalkaan – shar iyo khayrba – aniga keliya ayaa ka mas’uul ah ee taa halla ogaado…Rooxaantaydu shaqo kuma laha ee yaan lugu dambaabin!!!( Kaftandhable!!)

Ugu dambaystii, waxaan akhristayaasha xusuusinayaa, in maqaalku ku salaysan yahay maahmaahdii ahayd „Haddii fooli timaado…Hee…..“. Haddaba weydin kaa!!!!

***************************************************

Markaan xaalkeenna u kuur galaba, waxaa igu soo dhacda maahmaahdii ahayd ”Dab baa dambas dhala!”. Intaas waxaad hadba maqlaysaa qof soomaali ah oo leh „soomaali waa u dhammaatay!“. Dadkaasi illaa xad gar bay leeyihiin, sababtoo ah, waxaa mindhaa u muuqday waxyaalo ula ekaaday tiirarka salka u ah qowmiyadaha dunida ka tirtirmaya.

Soomaaliyeey! Maxaynu ahaan jirnay ama lahaan jirnay ? Meeye dhulkeenii, raggeenii, dumarkeenii, carruurteenii, muslinnimadeenii, taariikhdeenii, dhaqankeenii, hiddaheenii, suugaanteenii, geesinimadeenii, garaadkeenii, aqoonteenii, kartideenii, firfircoonideeni iyo….iyo….
Subxaana Allee, maxaa saatan inoo galay? Ma wax dhici karaa inaan 20 sano keliya aan ku noqonno dambas oo kale. Runtii waa arrin weli iga degi la’.

Waxaan maqli jiray “Wanka jeer la gowraco, indhihiisu cirka ma arkaan”.
Annagoo wada rafaadsan oo dhabarka dhulka ku wada hayna, baynu haddana arki kari weyney cirka iyo xiddigaha.

Ma mooddaa in wanku xoogaa na dhaamo!!
Maya nama dhaamo!
Malaha wax kalaa jira!
Mise waxba ma jiraanoo waxaa ii muuqday dhaan dabagaalle (dhalanteed ama wirwir)! Malaha meel kalaa nalaga haystaa!
Mise annagaa is haysanna!
Malaha si kalaa wax u jiraan!
Mise shisheeye baa noo showray!
Malaha maskaxdii baa naga kabuubyootay!
Mise suulashii gacmahaa na laga jaray!
Malaha garashadii baa naga gunudday (guntantey)!
Mise qaar ka mid ah sifooyinkii Adduun gadoonka (Maalinta qofi ka cararo min akhiihi….) ayaa xaggeenna ka bilawday! Mise! Mise! Mise!

Akhristow, yaan hab-qoraalkeygu dareen ku gelin. Hays oran ‘Malaha odaygu qurbuhuu ku raagoo Buufis baa haya!’ Runtii wax buufis ka weyn baa i hayoo aan la soo burqanayaaye!... Eebbow akhristaha u sahal garashada nuxurka iyo hadafka maqaalkaan…Aamiin

Nin baa beri u tegey takhtar ah kuwa ku takhasusay maskaxda. Dhibaato haysay ayuu takhtarkii u sheegay:
“Takhtarow,mar Alla markaan sariirtayda jiifsado, ayaan hoosteeda ka maqlaa sharqan iyo dhaqdhaqaaq. Markaan soo kacoo sariirta hoosteeda seexdana, korkeedaan sharqan ka maqlaa oo waxaan is iraahdaa qof baa sariirta ku jiifa!” Takhtarkii wuxuu ninkii u bilaabay daaweyn isugu jirtay talooyin siin iyo daawooyin. Muddo dheer ayaa daaweyntu socotay oo ninka kharash badani ka baxay. Ninkii baa joojiyay daawadii iyo inuu takhtarkii u tago.Muddo keddib, ayaa takhtarkii iyo ninkii si kedis ah magaalada isugu arkeen.
Takhtarkii:”War xaggee ka baxday, sow daawo kuuma socon?”
Ninkii:” Takhtar, waan biskooday”

Takhtarkii:”Muxuu yahay biskoodka aad ka hadlaysid, daawadiiba kalabar ma joogtee!”
Ninkii:”Runtii waan biskooday.Nin aan saaxiib ahayn oo najaar(carpenter) ah ayaan dhibaatadii i haysay u sheegay, markaas buu inta guriga iigu yimid, sariirtii lugaha ka jaray!!! Xuf baan iri”

Sidii dagaalkii sokeeye u dhacayba, waxaa jiray isku deyo fara badan oo hadafkoodu wada ahaa, sidii xal loogu heli lahaa xaalka murugsan ee soomaalida. Arrin kastoo laysku dayey, dhanka soomaalida ayay ka socon weyday. Siyaasiyiinta soomaalida, sidii baa weli wax loogu yeerinayaa, iyaguna sidii bay weli ugu hamminayaan qabashada shirar aan waxba kasoo bixi karin!

Caamadu sidii bay weli shaah u wada cabbayaan, iyagoo midba midka kale uusan arki karin, una haysta shar iyo belo layska ilaaliyo!! Culimadu sidii bay weli noogu shubayaan waano iyo wacdi,welina waannu ka oomannahay…iyadoo isgaalaysiin, is khaarajin iyo masaajidyo laysku dhex dilo ay soocoto!!! Jaamiciintu sidii bay weli u wadaan dood cilmiyeedyo…. Ismana fahmaan, lamana fahmo!!!! Mid waliba wuxuu la kuf-kacayaa mashruucyo ku salaysan rooxaan, waaya-aragnimo la’aan iyo indha-adayg fowqal caqli ah!!!!!


Isku soo wada duubo, rag had iyo jeer wada shiraya, tashanaya, muxaadareynaya, si cilmiyeysan u doodaya, aroosyada, tacsiyada iyo fadhi ku diriradana heshiis ku ah oo aan u kala harin… Haddana aan wax maslaxaddooda ama dantooda ah meel isla dhigi karin…. Toloow!! Xaggee kaloo adduunka saarkaan laga cayaaraa???!!! Rabbow riyo ka dhig!!!

Bisinka! Bisinka!

Armaysan arrintu sidaan ahayn ee si kale wax naga yihiin?

Allaylehe, haddaan gartay…
Si kalaa wax naga yihiin!
Si sidee ah?
Sidatan soo socota:

Runtu rag waa ka nixisaa mase disho…
Soomaali haddaannu nahay (marka laga reebo inta qurbaha ku dhalatay ama ku kortay ee sunta waaridkood ka badbaadday!) ruux fayoobi nuguma jiro!!! . In yar baa xaqiiqadaan dareemi karta, ogaan karta ama fahmi karta. Beesha caalamku wey nugu wareertay, sababtoo ah, waxay noo haystaan inaan dad fayow nahay! Haddii xaalkayaga runta ah hoos hoos loo ogaan lahaa, mar horaa naloo soo diri lahaa, cid dalkoo dhan la wareegta oo ka talisa.

Illaahay mahaddiis, cudurka na wada haya , maahan mid halisa ama aan daawo lahayn. Waa cudur u baahan, in marka hore lays tuso oo keliya, marka labaadna si sahlan laysaga daaweyn karo. Cudurka na wada haya, waa mid ka mid ah kuwa ku dhaca maskaxda.Nasiib wanaag, waa mid aad uga fog noocyada kala duwan ee waallida dhabta ah.

Sida Quraankaba naloogu sheegay, Eebbe wuxuu baniaadanka ka yeelay shucuub iyo qabaa’il. Sababtana waa naloo sheegay oo waa in laysku garto ama aqoonsado(Li tacaarafuu) oo keliya. Sideedaba, wax walba, haddii layska badiyo ama si xun loo isticmaalo, halis baa ka dhalata. Tusaale ahaan, cunnada(sida dufanka ama sonkorta) haddii si xad dhaaf ah loo cuno, cayil baa ka dhasha, kaasoo ay ka sii dhashaan cudurro halis ah sida wadne-istaagga.

Waxaannu qabiilka u isticmaalnay, si aan Allihii na abuurtay ugu tala gelin, oo weliba khaldanoo xad dhaaf ah! Noloshii qofka iyo jiritaankiisii oo dhan baan saldhig uga dhignay, illaa qofkiiba uu noqday qabyaaladda qalfoofkeeda!!!
Waxaan isu aragnaa inaan nahay qayb ka mid ah rooxaanta awooweyaasha iyo ayeeyooyinka lagu abtirsado (spirit of ancestors) ee qarniyaal ka hor dunida ka tegey. Dareenkii,garashadii, xiskii iyo qofnimadii soomaaliga, waxaa qariyay hummaag ama malluug ka dhashay sida soomaaligaasi isu arko.

Soomaaligu wuxuu noqday qof aan hadalladiisa iyo falalkiisaba mas’uul ka ahayn. Xumaan iyo wanaag kastoo uu la yimaado rooxaanta ayaa ka mas’uul ah.

Akhristow, intaad wax yar u kaadisid sii akhrinta maqaalka bal siddeeddaan arrimood ka fakar:
Bal ka warran….

Ummad inta dalkoodii isku soo cuntay, haddana qurbaha shaah ku wada cabbaysa oo wada qoslaysa!!!
Qof inta qof kaloo aan waxba u dhimin nafta kasoo gooyey, haddana weli isu haysta inuusan dhiig dadow gelin… Qabana inuu rooxaan keliya iska shiday, si uu u biskoodo(isu xoreeyo)!!! Qof goynaya laan sare ee uu geed kaga fadhiyo, si uu geedka u dhaawaco!!! Qof qaba in awoodda rooxaantiisa awgeed, isaga keliya loo qoray inuu taliyo!!!

Qof inta rooxaan iska shiday oo didiyey, haddana markay ku soo noqon weyday, dareen weyni galay oo ka daba tegey!!!
Qof markaad ku tiraahdid “War sida aynu isu dhaanno!!”, ku oranaya “War aniga i dhaansan maysid!!!”
Qof had iyo jeer dareen ka qaba rooxaanta abtigii, walaalkii ay kala bah yihiin ama xididkiisa, oo mar kasta diyaar u ah inuu iska cuudiyo(dilo), haddii lugu soo wareego (rooxaantu ku kacdo)!!!

Qof ay la noqotay inuu ku dhashay daqarrada iyo daliigaha isticmaarku ku sameeyay jirkiisa …Markaasna aaminay in rooxaantiisu ay ka duwan tahay tan walaalahiisa kale, shaqana aysan isku lahayn!!!

Araggii indhaheenna ayaa wax si ka noqdeen: Waxa keliya ee indhaheennu arki karaan waa jirarka dadka aan soomaalida ahayn. Markaan is dhuganno, waxaa keliya oo noo muuqanaya rooxaanta maqaar-labaadka inoo wada ah. Qof waliba wuxuu isu haystaa inuu keligiis yahay. Dhinac walba waxaa kaa jooga rooxaan. Si kastoo aad yeeshid, marna ishaadu arki kari mayso Caliga, Faaraxa iyo Jaamaca ku hor taagan ee kula hadlaya!!!! Waa hummaag aad isku rooxaan tihiin ama mid aad ka digtoon tahay!

Xaaladda aan in muddo ahba ku sugnayn, waxay na dhaxalsiisay inaynaan qayb weyn oo diinteenna ka mid ah, sidii la rabay u gudan karin. Qaybtu waa “Mucaamilaadka”… Alyacni arrimaha khuseeya qofka iyo qayrkiis. Qof aadan uba jeedin oo hummaag rooxaani ka sokeeyo, sidee xaqiisa iyo gartiisa u siin kartaa, wax ula qaybsan kartaa amaba u dareemi kartaa inaad soomaali wada tihiin.

Ajnabigu waa ka duwan yahay oo indhaheennu way arki karaan! Waa naqaan sida shisheeyaha loola dhaqmo. Waan garan karnaa oo dareemi karnaa qofnimada qofkaas ajnebiga ah iyo weliba xaqa, tixgelinta, waajibaadka iyo sharafta aan isku leennahay!!!

Alla soomaalidu ilbaxsanaa, diricsanaa, aqooon badanaa, xaqdhawr badanaa, dulqaad badanaa, bulsheysanaa, ilka caddays badanaa markay ajnabiga la joogaan ama ay la macaamiloonayaan!!! Cunsuri ma ahi, cuqdana iguma jirto ee ciil baa hadalka iga keenay!!!

Duf ku baxa!

War buktada habaar hanoogu darin!!

La noqday!



Toloow, haddaan biskoon lahayn oo jirarkeennu isu wada muuqan lahaa, sow sida aan ajnabiga ula dhaqanno, isulama aanaan dhaqanneen???

Waxaan ku jirnaa imtixaan aan annagu is gelinay. Rooxaantu weligeedba waa jirtay, iyadoo inta ka tabar yar, kana tira yar. Waagii la yiri „rooxaanta ha la xabaalo“, halkii layska furdaamin lahaa, ayaa geedaheedu abuurmeen.
Markii uu dagaalkii sokeeye bilawday oo loo habarwacday oo awoodihii xakamayn jiray ay wada burbureen ayay mira dhaleen! Mirihii waxay u kala qaybsameen qaar qofka soomaaliga maskaxda ka galay iyo qaar jirkiisa oo idil isku wada daboolay oo u noqday maqaar oo kale.

Markaan wada hadlayno, weynu is maqli karnaa, laakiin rooxaanta keliya aya isu jeedda amaba is arki karta.

Wadeeca Alla!!!

Waxaa jirta in rag badani isku deyey inay xal u helaan xaalka soomaalida. Ummad dhan oo wada hummaag ah, oo shakhsiyaadkii ay ka koobnayd ishaadu arki karin, sidee wax ugu sheegi karta, talo u siin kartaa, siyaasad ugala hadli kartaa, diin ugu muxaadareyn kartaa, amaba u garan kartaa, waxa ay haystaan iyo waxa ka maqan!!!
Si aan akhristaha arrintaan ugu jilciyo, laba arrimood oo xusid iyo in la fahmo mudan ayaan kasoo kala qaadanayaa siyaasadda iyo (diinta – ka akhri qaybta 2aad ):-

Waxaa jira siyaasiyiin iyo waxgarad ay la noqotay, in si loo maamulo noocyada kala duwan ee rooxaanta, la qaato nidaamka „Federaalka“ la yiraahdo. Si markaas loo helo ama loo gaaro „Dowladda Midnimada Rooxaanta Soomaalida - DMRS “.

Waxaa indhowaalaba si xawli ah ku socda magacaabidda iyo dhisidda maamulada loo yaqaan ‘States(ka) ama Lands(ka)’oo rag badani ku riyooday!
Kuwa nugu soo fool leh oo isugu jira kuwa cusub iyo kuwo kuwii jiray ka dhex dhalan doona, waxaa ka mid noqon kara 18kaan mala-awaalkayga ka dhashay:
Gaawe & Kalax State - Hanna-haaban State – Geel & Indhakuul-land,
Buurkaroole & baraaka Cabdow State – Wirwir & Wareerland - Qablan State,
Buur & Bacaadland - Hanna-baran State - Feer & Faralaab State,
Shamaag & Saraacimo State - Sabuul & Sisin State - Moxog & Maankaal State,
Nama taqaanaaniin State - Ab-ogaa State - Abaari -keentay State,
Iskuraran State – Jiimbaar & Barkinland - Qurbajoog State!! iwm.


Rooxaantu waxay na dhaxalsiisay inaan arki kari weyno, inaynu nahay ul iyo diirkeed! Alyacni inaan nahay dad isku af ,diin, dhul,dhaqan, hidde iyo muuqaalba ah.
Waxaynu noqonnay ummad harjadeysoo, rabta inay dowlad,gobollo, iyo degmooyin ku dhisto rooxaan! Ruuxna weli isma weydiin, in haddii rooxaanta layska cuudiyo – layska shido (markii wadaaddada diiddan idan laga helo!), ay wax walboo ay ku dhisnaydi, burburayaan ama qaac noqonayaan!!!
Hummaagyadeenna iyo codadkeenna oo keliya baan xal iyo mideyn u hela is niri.

Dadaal iyo figfigi nuguma yara!!!


La soco qaybta 2aad…

Xaashi Yaasiin Cismaan
Hashiyosman@hotmail.com
Switzerland
25.05.2011



18 Comment(s)

1   1

10:07am on Thursday, August 7th, 2014

-1'

mustafa   sweden

10:21am on Saturday, June 18th, 2011

saabir

Waanu dhisan karaa dowlad aan caawino uga baahneyn beesha caalamka hadii soomaalidu uwada diyaar garowdo arinkaa, gaalada dalka joogta oo aad ula jeedo ciidamada amisom, waxaa inooga daran ajaaniibta dalka shabaab ku soo xareeyay oo meel ay ku noqdaan lahey saa waa dambiilayaale, ciidamadan afrikaanka waa bixayaan dalakoodey ku noqonayaan oo waa lahubaa, tusaale ithopia waa ay ka baxday soomaaliya dalkeedey ku noqotay, bixitaankeeda sidaa doonto udhig, argagixisada yaa inaga saaraya?

saabir   xafiiska

6:16am on Saturday, June 18th, 2011

bismilah alxamdulilah

fursad qaali ah!!

weli sooma marin soomali sidaan oo kale u wada fahamtay ugana dhiidhisay cadaawadda gaalada caalamka oo aan weligood geed har noo horseedin ineey inaga gooyaan mooyee.

waa fursad ee yaan la dayicin soomaalida qurbaha iyo kuwa dalka ee dibadda usoo wada baxay weey dhisan karaan dowlad aan hal dollaar uga baahneyn beesha gaalada caalamka.

ugu danbeyn ka digtoonada in leeydinku celiyo hurdadii dheereyd ee aad muddo ku jirteen.

salaam

mustafa   sweden

9:17pm on Friday, June 17th, 2011

Ninba meesha udaran ka hadal, ninka ceelasha-biyaha, jooga waxaan ku aoran laha- Hadaan xishooneyn waxaa doonto ku hadal. hablaha soomaaliyeed allaa sharfay, xijaabka, quruxda, hadal gaabnida intaba waa hibo alle, asagaana mahad leh. guurka allaa inoo baneeyay laakiin waxaa ceeb ah inaad suuqa uga sheekeyso xaaskaaga, tan kale shabaab dalkan waa oga dhamaatay waana gunaanad koodii waxa hada socda insha allah waanu ka guuleysanay.

Magaca qurxiso   Ceelasha biyaha

8:50pm on Friday, June 17th, 2011



Admin:  Nin Ceelasha Biyaha jooga ha joojiyo ceyda iyo akhlaaq xumada uu faafinayo waxaas oo dhan uma ogolin webkan

hiba   canada

7:52pm on Friday, June 17th, 2011

asc

HADA MAQALKAN WAA MAQAL MUHIMA WUXUU KAHADLYEYNA HADDAD BA ARKEYSAA OO WATAN EY ISCAYAYAN AYAGO IS AQON SOMALIDA SUBXANALAH MAGACA SOMALI AH WUXU LADHASHEY DADKI XORNIMADA SOMALIYA IYO CALANKEDABA KOR UQADEY AYAGII BUNA LADHINTE OO GOD BUGALAY SIDEY UDHINTEN DADKI DHULKA SOMALIYA LAHA OO GUMAYSTA LA LADAGALAMIJIREY DAD FAYOW OO GELA KALA DHACA GEEDKA HOOS TISANA KUHESHIIYEY AHAYEN DADKAN HADA JOGA SOMALI MAHAN WA ITOBIYAN IYO KENYANIS IYO KAMPALIs

aqli yesha jahiliin layanfac   Location unknown

3:52pm on Friday, June 17th, 2011

islam waa hal dadka waxey ku mideysanyahiin la ilaha elalaah maxamudu rasulilahi scw kan xayawanka sheyatiin jini wal insi hoganka u hayo nolsha adunka ku baqtiyey xayawan jahili rer canbuur adtahay yaad katahay reer sheyatiin jini wal insi dadkaan ka sheyatiin badanahay sharta sheyatiinta jini walinsigaa qabilkena ku badan dadka dhan aniga ugu fican ugu aqli badan ugu masab san kuwa kale dhan wax mahan waa tii hababka sheyatiin wal jini wal insi ilahey naar uu ku diyariyey madama ad diidantahay wanaga ama xaqa ad jeceshahay xumanta iyo inaad fidiso shirkiga jahiliyada qabyalada cadalad xumo sinaan laan diin xumo islaamka cadow ku tahiin jahilnimo haku dhiman malagu ku haleylin intaad adiga sheyatiin jini wal insi hababsantahiin jahil tahiin una gargareysiin ibliis naclatalahi

dadkaan maxayan baa mise ibnadin   Location unknown

3:43pm on Friday, June 17th, 2011

waxan ula jeydaa dadka ad maryahababineysaan iska daye idinka ayaba hababsan hogan ama mowla ku eh iblis sheyaatin jini wal insina waa hagamiyahaga ku hogansho amaba qallbigasa jahiliga ku sheqeysi waxaan ula jeydaa anaan fasuq jahiliye dadxumo xayi laan xayawanimo cadalad xumo qabyalad qabqable sheyatiin diin xumo maxaad dadka u heysaan idinkana kiristaan qaxoti ugu tahiin xayawan jahili anan dad nimo iyo garasho laheen baad tahiin adunka waxaad tahiin waxuush bunshada cuno diifley badow ah oo qaxoti aqirana waxaa ku sugeyso jaxiimo jahanama madama ad umada adinka iyo sheyatiin jini wal insi fafinta fasuqa diin xumada jahiliyada yaad ka fican tahay sheyatiinta adiga ku hogamineyso aniga waa wasaa gus ayaan ku edbihaa adigese fahan malehid madamo ad udaneyneyso ibliis si umadan muslimka ah shirki jahli abad logu jiro

miraale jahili   Location unknown

2:56pm on Friday, June 17th, 2011

sheyatiinta aduunka kaga maryahababiyey adiga iyo ayeydaa qaxoti aad tahiin ceer baad qadataa dadnimadii xuququl insaankii marabtid adiga iyo ayeydaa ceer lacag ayaad qaxoti ayaa laguga siyaa xuququl insaan adigese sheyatiintada jini wal insi wanaga umada horumar cadalad sinan fahan sheyatintina dadka qalbiga ayaad ka heysataan si abid jahiil loo ahado layanfac dhoore dhaqankaga waxuu noqdey mid dad rubac dadna haf dadna waxba ma tahiin oo karamo ama masab dhiman baad ku sheygteeb qarna masab maba lahidiin baad rabtaan dintina waa tii qabyalad iyo muraad shiiq dhintey sherdi qaburi cabud kafirnimo kuu dhiman maa jiro fidnada mugdiga layanfaca xayidarada dadnimo xumada fasuqa adiga iyo sheyaatiin jini wal insi umada ula daba tagan tahiin alahey shartina umada ha ka qabto ileen wanaag ma wadaan aduun iyo aqiroba

qabqable qabyaladiste   Location unknown

2:46pm on Friday, June 17th, 2011

asc xaqiiqda marwalba laa sheygo waxaad aragtaa qarkaloo jecel iney qariyaan sidii bulshadu ay u noqonlaheed kuwo hababsan xumanta iyo wanaaga iyadoo losoo mareyo qabyalad jahiliyo iyo waxaan ilahey ka raali aheen

aqli sheyatiin wal jini wal insi   Location unknown

1:18pm on Friday, June 17th, 2011

aduunka ilahey waxuu kuu keney cabudid kaliye ilahey adan lawadajin iblis sheyatiin wal jini wal insi adigana waad habaab san tahay isagana mr sheyatiin wal insi waa isla habab santahiin aduun iyo aqiraba maheysatiin san hababka ah ayaad ku dhimaneysaa xasuusnow sheyatiin wal jini insi ilahey in la hortagaya waqti uun xisabtana jiro adunka waxii fidno jahli cadalad xumo qabyalad ku qarabo ama waxkale jahilnimo ka shaqey in abid dadka jahil ahadaan si dadka ilahey u hinmaaman iyo islamka qabiil iyo cadalad xumo fidno jahili

waxuush xayawaniin wajahilin   Location unknown

1:12pm on Friday, June 17th, 2011

walaal adiga jahiliga ah adiga ayaa hawabsan sheyatiin waljini insi hababsan hogankuu hayaa intaad habaabsantahay diintana adka dhigtey cadalad xumo sinaan laan qabri cabud ilahey qerkisa iyo mugdi aduun cayawaan jahilnimo dignity xayinimo laan dadnimo laan waligaa dad dabo tagnaw hana u daba tagnanin anan aheen dulmi fasahaad fidiinta jahilnimada iyo ciyaar ciyaar jahil buunka qayaama amaba gerida yey kusoo kedin

aqiro moog   Location unknown

1:07pm on Friday, June 17th, 2011

walaal tariiqda dib hadad ugu noqotaan islaamka kahor wagii jahiliyada sidii qadiimiga sidii loo nolonjirey baan hada unolnahey rasulkena nabi maxamed [scw]dadka wagii jahiliyada waxuu ku walaleyey islaamka kana tirtirey jahiliyadii maxaa rasulkena [scw]lolo dagaltameye lona didanaa waxaa dheheen diin cusub ayaa noloakeyne manarabno oo waxaan rabnaa dhaqankena jahiliyada ahaa awowyasena ku dhaqmi jireen iyo qabiliga ahaa matirtireyno dhaqankenii mana raceno nabi maxamed naxariis karkisa ha ahatee maxay ka duwantahay tan hada naheysato wagii qaramigi jahiliyadii waa isku mid

Burtinle-Boy   London

1:01pm on Friday, June 17th, 2011

hehehehe been ma aha walee.

C.laahi   Gaalkacayo

12:57pm on Friday, June 17th, 2011

Maasha allah allaah hakaa abaal mariyo walaahi waa xaqiiq in,soomaaliya lagu saliday cudur kaxun hivga waa qabaliya cudurkaa isagaa waxaa kaliya oon uga bixi karnaa in aan kutaabkeena isku xukumno oo illaah usoo laabano oo tastuurkeena uu kitaabka qur,aanka noqdo wabi laahi toowfiiq

kakan   agtaada

11:16am on Friday, June 17th, 2011

warka noo jilci si aan uwada fahano waayo afsoomaaligu waa badan yahay ma hadsanid Xaashi

Wahaabiyada iyo Shiicada!   UK

11:15am on Friday, June 17th, 2011

Dadka Ahlulsunnada ah waxaan jeclahay inay ku kadsoomin beenta Wahaabiyada faafiyaan oo aan wax badan ka duwaneeyn Shiicada waayo Shiicada waxay ka leexdeen dariiqii Ahlulsunna wal jamaaca iyagoo sheeganaayo Diinta waxaan ku celineeynaa gurigii ay ka timid ee rasuulkeena CSW ama Ahlul-beytka iyagoo qiil iyo marmarsiya ka dhiganaayo fitnadii ka dhex dhacday asxaabta ra'uulka ( Ilaahay ha ka raali noqdee dhamaantood) taasoo rasuulkeena horey u sii sheegay csw. Waxay dad badan oo Soomaali ogeyn in Shiicada ay ku faaftey sida Alshabab iyo Wahaabiyada ay maanta ay sameeyaan oo ah ka been sheegida quraanka iyo sunnada nebiga iyo salafkii saalax ahaa.
ma la socotaa in dalka Iiraan uu ahaa ilaa 300 sanno ka hor dal Sunni ah oo weliba madhabkooda uu ahaa Shaaficiga , walaalayaalow akhriya taariikhda islaamka idinkoo ka fogaanaayo buugagta Wahaabiyada ee Sacuudiga laga keeno. Walaalayaalow sida Iiraan ay u noqotay markaan idiin soo koobo waxaa Iirian xukunkeeda qabsaday niman la oran jiray Safadiyiin oo asalkooda ka yimid dalka loo yaqaana Azerbajaan qoladaas waxay isticmaaleen xasuuqii ugu weeynaa ee loo geeysto dad muslimiim ah waxay gaadmo ku dileen markii hore culumadii , waxgaradkii iyo cid Alle cidii ay u arkayaan inay qatar ku tahay faafinta fikirka Shiiciga , ka dibna waxaa dadkii si sandulle ah loogu qasbay inay qaataan caqiidada faa'sidka ee Shiiciga , waxaana dadka xitaa lagu sameeyn jirey beerjilicsi iyadoo la dhahaayo kitaabka Ilaahay ayaan kor u qaadeeynaa , shareecada ayaan isku xukumeeynaa, diinta fahamkeeda waxaan ka qaadaneeynaa sidii guriga nebiga csw looga dhaqmi jirey iyo Ahlul-baytkii, waxayna u abuureen wax lagu sheego imaamyo.
Waxaana xitaa la adeegsanday marmarka qaarkood lacag iyo maal sida dahab oo lagu laaluushi jirey dadka kaabo qabiilada xooga lahaa.
Waxaad ogaataan akhristaw in Wahaabiyada iyadana ay isticmaashay hab aan ka duwaneeyn sidii Shiicada ay ku faaftay sida iyagoo muslimiinta ku qalda oo yiraahda Shirki ayaan la dagaalmaneeyna, Tawxiidka Alle Subxaanuhu watacaalaa ayaan dadka bareeynaa,wixii Maxamed Cabdull Wahaab ka horeeyey muslimiintii Qabuuro Caabud ayey noqdeen ama mushrikiin iyadoo waliba dhahaya fahamka Salafkii saalaxa ayaan raaceeynaa, iyagoo xasuuqay markeey soo if baxayeen bilawgoodii muslimiin faro badan ee dhulka Xijaas , xitaa ku laayey culumadii joogay Xaramka iyo madiina iyo iyagoo dumiyey khilaafadii Islaamka ee osmaaniyiinta soona raacey Ingiriiska , tariikhdaas oo ay qariyaan,
iyagoo diiday afartii madaahib ee Ahlulsunna wal jaamca.

Wahaabiyada waa ku maanta ku xasuuqaaya muslimiinta ku nool dalalka Soomaaliya, pakistaan , Afghanistaan , Aljeeriya iyo meelo kale oo badan iyagoo ka been sheegaayo Jihaadkii saxda ahaa ee Islaamka sharaftiisa lagu kor yeeli jirey sidii Jihaadii lagu furtay Anduluusiya, kii Salaaxadiinul Ayuubi , imaan Axmed Gureey, Sheekh cumar mukhtaar iwm
Walaalayloow Ilaahay ka baqa Soomaaliyeey u soo laabta dariiqii Ahlulsunna wal jamaaca iyo madhabkiinii xaniifka ahaa ee Shaaficga , ka digtoonada hagardaamada Wahaabiyada oo si dadban ugu qidmeeya Gaalada :

Warfaa   UK

10:27am on Friday, June 17th, 2011

Waxaan aad ugu mahad celinayaa Xaashi Yasiin Cismaan oo runtii qormada qalbigeyga ruxday oo rooxaanta iga shiday soo diyaariyay, walaahi mar waan qoslay, marna waan calool xumaaday, waxaan ku qosaly cudurka nahaya siduu u sahlanyahy waxaan la caloolxumaaday dawadiisa in aan meel qaldan ka raadinay. Bahda miisaanka noogu dadaala maqaaladan oo kale in aad noo soo gudbisaan mahadsanidin.

Magacaaga:

Halka aad joogtid:

Fariinta:

 




Miisaanka.com   miisaanka@gmail.com


Sheeko aad iyo aad u xiiso badan oo dhab ah qeybaheeda kala duwan.


Siyaasaddii islaamku asaaska uga dhigay dowladda islaamka.
Riix Halkan

Qawaaniinta oo loo xukuntamo Ma la isku Gaaleysiin karaa?
Riix Halkan

Miisaanka sharcigu u dejiyay Gaaleysiinta iyo.....
Riix Halkan

Gaaleysiinta iyo Dhibaatada ay Islaamka Ku Heyso Markastaba.
Riix Halkan


Dhageyso Gabayo xul ah Abshir Bacadle Alle ha u naxariistee: Allaa Mahad Leh

Hubka Inaga Dhiga

Qabyaalada

Xadhig Xujo

Guurka

Qaadka

Shirib

Qudubi

Danta Guud

Gabayga



yaa Ka dambeeya Dilalka qorsheysan ee Muqdisho iyo Shirqoolada saxaafadda
Warbixin Xasaasi ah
Riix Halkan